Boqor Cismaan Buur-madow oo beeniyay in la dilay isla markaana ku tilmaamay warka Hadhwanaag qortay mid aan Sal lahayn
 


Abu-dhabi (TNN)- Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo galabta la soo xidhiidhay Waaheen ayaa borobagaando iyo been abuur ku tilmaamay war lagu baahiyay Shabakadaha qaar, gaar ahaana Hadhw anaagnews kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay Been abuur cid wax u gaysatayna aanu jirin.

Boqor Cismaan waxa uu sheegay dacaayadahaasi inay ka faafiyeen dad u shaqeeya maamulka Siilaanyo oo uu sheegay inay ka xumaadeen waraysiyadii u danbeeyay ee aan kaga hadlayay Maamulka  Madaxw eynaha iyo dhibaatooyinka uu dalka ka wado, iyo sidoo kale safarkiisa imika uu ku joogo Imaaraadka ku waasoo aan ahayn dan Somaliland ee ah dano gaar ah oo ay dhaqaale ku raadsanayaan isla markaana ay ku galayaan Heshiisyo wax u dhimaya Qaranimada Somaliland.

Buur madaw waxa uu sheegay inaanay jirin cid uu ka baqayo iyo cid waxyeeshay toona, imikana uu six or ah ugu nool yahay dalka Imaaraadka kaasoo uu joogay in muddo ah, ilaa hadana aanay jirin wax  cab si ah oo ka haysa inuu u safro meelo kale oo ka baxsan, isagoo sheegay inuu hore u soo maray Dalka I toobiya Caasimadiisa Addis-ababa iyo Dalka Jabuuti.

Ugu danbayntii boqor Buur-madow waxa uu sheegay inaanu uga habran doonin wax ka sheegida gal-d aloolooyinka Xukuumadda Siilaanyo cid kasta oo isku dayda inay isaga kaga fidiso dacaayado iyo hanjab aad kasta oo lagu sameeyo
 

Source:Waaheen