Boqor Buurmadaw Oo Beeniyay Inuu Dabada Ka Riixayay Xilka-qaatista Saleebaan-gaal ,Siilaanyana Si Kulul U Eedeeyay

 

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw, ayaa gaashaanka ku dhuftay, isla markaana waxba kama jiraan u tilmaamay warar Daaha ka rogayay in uu yahay ninka dabada ka wada olole Xukuumadda Rayaale doonaysay in Xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Guurtida iyo sidoo kale eedaymo uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) maanta u jeediyay Buurmadaw.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan-gaal oo Xukuumaddu habeenadanba olole xoogan ugu jirtay sidii Kursiga Guddoomiyanimo looga takhalusi lahaa, isla markaana Mooshin xilka lagaga qaadayo oo lagu waday in Golaha la soo hordhigo maanta, ayaa fashilmay ka dib markii tiro kooban oo Xildhibaanadda Guurtida ah, kuwaasoo aan laba iyo saddex ka badnayni sheegeen in ay iyagu wadaam Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha, kaasi oo isla markiiba u muuqday mid fashilmay oo Mudanayaashii waday ay ka fadhiisteena. Hase ahaatee, marii Mooshinkani Fashilmay waxa uu Guddoomiye Saleebaan ku eedeeyay Buurmadaw, in uu ahaa ninka sida tooska ah dabada uga riixayay xil-kaqaadistiisa, isla markaana uu dhawaanahanba ku taamayay sidii uu u seejin lahaa Kursiga uu ku fadhiyo.

Hase ahaatee, Boqor Cismaan Buurmadaw ayaa markii hadalka Saleebaan Warbaahinta galay Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Crown ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu si adag u deedifeeyay jiritaanka eedaymaha uu Guddoomiyaha Guurtidu u jeediyay, isla markaana waxa uu ku dooday in aan eedaymahaasi wax ka jiraa jirin. Dhinaca kale Buurmaw, waxa uu eedaymo kala duwan u soo jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), isaga oo Siilaanyo iyo Saleebaan ku tilmaamay fidma walayaal u heshiiyay sidii ay Qaranka Somaliland u dumin lahaayeen.

“Waxaan dhagaystay Guddoomiyaha Guurtida, waxaan maqlayay codkiisa oo uu si xun iigu soo hadal-qaaday, isaga oo igu eedaynaya Golaha Guurtida iyo arrimaha dhexdiisa ah. Waxaan jeclahay oo aan dadka reer Somaliland u sheegayaa, nabadgalyadu waa qaali, Qarannimadu waa qaali, Anniguna Shaqsiyan Golaha Guurtida kama mid ahi, Guddoomiye Saleebaan-na Annigu Odaygiisii baan ahay, Madax-dhaqmeedkiisii baan ahay, waanan doonayaa inaan idin xasuusiyo Saleebaan inaanu Guurtida ka mid ahayn, nin baa waxa uu yidhi, ‘Illaahayaw maxaan Is idhi karee oo aan ka daray.” Sidaa ayuu yidhi Cismaan Buurmad.

Buurmadaw isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-siilaanyo Siyaasadda loolankeedii ka dhexeeyay beel ahaan Annaga dhaawac badan ayay nagu keentay, si aanu arrinkaa u baajino oo Odaygu si uu u daalo oo Golaha Guurtida u joogo, oo sharaftii iyo Haybadii Qaranka u huwanaado booskaa waanu ugu ololaynay. Waxaan maqlayay inuu Saleebaan yidhi Boqor Cismaan dadka I ridaya ee iga ololaynaya ayuu ku jiraa, waxaanan jecelahay in aan arrinkaa uga hadlo, wax Alla wax ka jiraa ma jiraan, sal iyo baar toona ma leh arrinkaa iyo eedayntaa Guddoomiyuhu ii soo jeediyay.”

Cismaan Buurmadaw waxa uu sheegay in Saleebaan markii Guurtida lagu darayay laga abaabulay Gurigiisa, kaasoo lagu sameeyay Casuumad lagu kulmiyay Mudanayaasha Guurtida iyo Salaadiinta Beelaha Somaliland, isla markaana warqaddii codsiga Saleeb booska loogu doonayay uu isagu qoray, qaaday, una gudbiyay Golaha Guurtida oo si qadarin leh uga aqbalay. Waxaanu u mahadnaqay beeshii uu ka soo jeeday Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida ee geeryooday Sheekh Ibraahin Sheekh Madar.

Mr. Buurmaw, oo u muuqday nin ciddiyaha ku dagaalamaya, isla markaana eedaha loo jeediyay dusha ka saaraya cid kale, waxa uu yidhi, “Fidmada Golaha ka dhacday markaan dib u waraystay, waxaan ogaaday Golaha wax mooshin ah oo yaalay inaanu jirin, Layli Biyaha Kashkiisa ku jira ayuu ka didaa baa la yidhi, waxaan leeyahay Odayga bac-baa ku xidhantay, waxaan xogogaal ka ahay Gurigiisa inuu 20 Ciidan beeleed ah inuu geeyay isaga oo ah ninkii haybada Qaranka huwanaa ee ugu muhiimsanaa ah, inuu labaatan Ciidan ah oo Ardaagayagii ah, waxaan leeyahay Guddoomiyuhu arrinkaa Qaranka meel ka dhac buu ku sameeyay, fidmo abuurna weeye. Waxaan markhaati ka ahay, in Guddoomiyuhu maanta isagu soo abaabulay dad magac qabiil ku soconaya oo fara badan oo isaga taageerayaashiisa ah, oo Guurtidiisii uu haystay hanjabaad, handadaad, hanjabaad iyo mishkilad aanay jirin dawlad dalka ka samaysaa, waxaan leeyahay xaaladdani waa Bac odayga ku xidhantay, waa mishkilad isaga haysata, dareenkiisa ayuu ka diday.”

“Mudanayaashii maanta uu dhibaatada uu u gaystay ee uu Golaha uga gaystay iyo cid kasta oo uu ku aflagaadooday Saleebaan, Annoo Odaygiisa ah waan raali-gelinayaa. Odayga siyaasadda ayaanu ka nasinaynay, laakiin maanta waxa muuqata inuu Odaygu ku degdegayo 29-ka March, cid kasta oo beesha ah u sheegay, Carruurihii dibada lacag lagaga gurayo Annaa meesha fadhiisanaya, taasi waa qaranka dumintiisa. Annagu madax-dhaqmeed ahaan saddexda Xisbi midna kama tirsanin, Xukuumaddu inay tidhaahdo maalin ha naloo kordhiyo ama ay maalin korodhsato Madaxweynaha hadda fadhiya ma ogolin, raalina kama nihin. Golahani isagaa hore ugu kordhiyay, cidna kalamay tashan, raalina kamaanaan ahayn maalintii hore in la kordhiyo, ee Golahani isagaa u kordhiyay, oo iyagaa korodhsaday ee madax-dhaqmeed wax ma kordhin, ee doorashadaanu dhiirigelinaynaa, waxaanu leenahay Baroortu Orgiga ka weyn. Maanta Saleebaan waxa uu doonayaa, inuu labada Daarood ee iska soo horjeeda uu isaga baxo, waxa uu doonayaa 29-ka March in uu qas dhigo, saaka waxa uu doonayay in lala qasto, balse cidiba lamay qasan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Cismaan Buurmadaw.

Boqor Buurmadaw oo la hadlayay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, waxa uu yidhi, “Doorashada Komishanka ayaa ka masuul ah, Xisbina kama masuul aha, dawladina kama masuul aha, komishanku siday doorashadu u dhici lahayd haka shaqeeyo. Annagu Beel ahaan Saleebaan kamaanaan ololeyn kana ololayn mayno, laakiin haddii uu Qarannimada duminayo halaga qabto ayaanu leenahay Golaha Guurtida.”

Cismaan Buurmadaw, waxa uu mid waajibkeedii gudan kari wayday oo xilkeedii gabtay ku tilmaamay Xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ee wakhtigan dalka ka talisa. “Xukuumaddu way ka gaabisay waajibkii iyo taladii ay lahayd, Saleebaan waxaan u arkaa inuu maanta inqilaab cad dalka ku sameeyay, ciidan urursanayo, hub urursanayo, mudanayaashii uu ku durduriyay, dawladduna waajibkeedii ay gudan wayday, waxaan leeyahay Madaxweyne Rayaale muddadaa yar ee 50-ka cisho ah haddii aanad dalka xukumi karayn ku wareeji, Annaguna Beel ahaan waanu ku dhisaynaa Saleebaan, inuu kursiga yimaadana waanu ku hambalyaynaynaa. Waxaan maqlayaa boqorku isaga ayaa doonaya inuu kursiga doonto, ma doonayo mana dhacayso, saleebaan-baanu keenay saleebaan hadduu gudan kari waayay waajibkiisii annaga beel ahaan waa nagga Galbis kursigaasi, xaqna uma lihin inaanu ka daba hadallo.” Ayuu yidhi Buurmadaw.

Waxa uu Cismaan Buurmadaw si qaawan u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi Buurmadaw, “Somaliland oo dhami beel uma rahmana, qaran baa loo gudbooyahay, beeshayada waxaan leeyahay labada Oday maaha beeshu, waxaan leeyahay labada oday fidmo nama gelinayaan, Guddoomiyaha KULMIYE waa sax Beeshayada ayuu ka soo jeedaa, hadduu helayo inaanu cod siino ayaanu xaq u leenahay, ninkii kale ee sharaxanna in cod la siiyo weeye, “

“Beeshuna Xisbi walba way ku jirtaa. Guddoomiyaha KULMIYE-na waa inuu doorashadiisa aaminaa, waxaan ogahay Guddoomiyaha KULMIYE inuu ka shaqaynayo fidmadan labada beelood ee walaalaha ah ee xadka yaala, reer Boorama cod buu ka doonayaa, fidmada qaranka oo dhan isaga ayaa abaabulaya, dagaalka Hargeysa isagaa abaabulaya, docna way ka wada socdaan Saleebaan iyo Siilaanyo oo duminta dalka inay ka wada socdaan baad moodaa, haddana ma wada socdaan oo labaduba kursigay wada doonayaan, midna waxaad moodaa inuu sife sharci ah oo Xisbinimo ah ku doonayo, midna wuxuu doonayaa sife inqilaab ah, haddana way is xambaarsan yihiin, bal haddaba laftayadu inaanu doc isugu baydhno oo fidmada iska qabanno ayaa xaq naloogu leeyahay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw.

 

 


Hadhwanaagnews