BOQOLKII MAALMOOD MAXAA QABSOOMAY. MAXAASE QALLOOCDAY..?

 

 


“ BADDOO NOQOTAY MAADH, BUUROHOO MALABA! MARKA SIYAASIGU KURSIGA RAAD GOOBAYO UMA MEE LDAYO BALLANQAADYO KU DAMBEEYA HAL BACAAD LAGU LISAY, OO BOQOLKIIBA SAGAASHAN LAGU  HUN GOOBO. SIYAASIGA AFRIKINA WUXU KU CAANO MAALAY IN UU HIIRTA WAABERI UMMADDA KU  MAAWEE L IYO WEEDHO LOO HANQALTAAGO; gabalku markuu dhacana wuxuu la shir yimaadaa kuwo kale oo intuu hore sheegay burinaya.”


QAAB DHISMEEDKA GOLAHA WASIIRADA:


Bishii July 27, 2010 waxay ahayd maalintii si rasmi ah Madaxweynii doorashadii Bishii June 26, 2010 qabso ontay ku guuleystay Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siiraanyo” uu xilkii iyo taladii dalka u gala  wareeg ay Madaxweynihii hore Md. Daahir Riyaale Kaahin. Sheekada Boqolka maalmood waa taarikh soo jirtay m uddo ku dhow laba qarni; waxana si gaar ah looga isticmaalaa dalka Mareykanka oo Madaxweyneyaash cusub ayaa lagu qiimeeyaa wax qabadkooda seddexda bilood ee u horeeya. Somaliland oo ah dal hadda soo koraya, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba ay ka curyaamiyeen dalal madniqadda ku yaal iyo kuwo ka ag dhowiba, ayaanay marka horeba meesha u oolin sabab aynu isu barbar dhigto ama isugu dhererino wadamo inaga awood badan. Waxqabadku wuxu ku xidhanyahay dhaqaale lagu hirgeliyo, xukuumadda cu subina waxay sheegtay in ay dhaxasho deyn farabadan oo ay xukuumaddii ka horeysey gashay.

Sideedaba waxa jira wax lagu murmi karo iyo qaar markhaati ma doon ah. Waxa ugu muhiimsan ay  xukuu madda cusubi ku guuleystay waxa ugu horeeya dhismaha Golaha Wasiiradda iyo Wasiir-ku-xigeenada oo tiradoodu aad uga yar tahay tirooyinkii xad dhaafka ahaa ee xukuumadihii tan ka horeeyey, xagga tayad ana laga yaabo in ay kuwii hore ka tayo roonaadaan haddii laga dhur sugo.

Qaab dhismeedkani waxa kale oo uu hoosta ka xariiqayaa xukuumaddii iyo xisbigii oo ad moodo in la kala xadeeyey. Arrinta labaad ee iyana meesha ku jirtaa waxay tahay in waayo aragnimo ka korodhay oo m adaxweynuhu aad uga feejignaaday in ay ka horyimaadaan caqabadihii iyo jidgooyooyinkii ragaadiyey xu kuumadihii Allah ha U Naxariistee Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Allah ha u Naxariistee Maxa med Xaaji Ibraahim Cigaal. Nimuu koor u xidhay iyo mid uu karbaash huwiyaba halkaasina waxay noqotay albaab sidiisa u xidhmay, haddan raaca dambe wax is bedelin.

BALLANQAADYADII XILLIGII OLOLAHA DOORASHADA:

Xilligii ololaha doorashada lagu jirey, wuxu xisbiga Kulmiye ku ballanqaaday arrimo farabadan oo ay ka m id ahayd in afartan kun ee shaqaalaha xukuumadda gebi ahaantoodba ay shaqada ka cadhin doonaan m arka ay talada dalka ku guuleystaan. Si fiican ay arrintaa xukumadda cusubi uga dhabaysay oo salabihi wuxu galaaftay dad fara badan oo muddo dheer so shaqaynayey. Marka qof xukuumad u shaqeeya  haw sha laga fadhiisinayo waa in loo maraa Ha’adda Shaqaalaha si waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerarka Ururka ShaqaalahaCaalamka.

Inta aan qofka shaqada laga caydhin waa marka hore digniin afka la siiyo, marka xigana ugu yaraan sed dex digniinood oo qoraal ah laga saxeexo. Waa dhaqan xumo in muwaadinku shaqadiisa ku aano xisbi iyo aargoosi soyaasadeed. Berri ka maalin marka xisbi kale talada dalka qabto, haddii uu isna salabe u qaato shaqaalihi xukuumaddii ka horeysa, xisbiga Kulmiye so qeylo la oogsanmaayo sidii lagu yiqiin?

Maamul wanaaga Kulmiye ku naaloon jirey miyaanay ka mid ahayn in dad aqoon iyo waayo aragnimo leh oo xilka ku haboon hawsha loo dhiibo? Haddii dad aan waayo aragnimo shaqo iyo mid maamul toona laha yn xafiisyada laga buuxsho, sidee ayu dalku horumar ku gaadhidoonaa?

Haddiibase ay dembi noqotay xukuumad hore ayaad la soo shaqaysay, waxa waajib ahin muwaadinka xu quuqdiisii intuu shaqeynayey gacanta laga saare inta ka horeysa shaqo ka caydhinta.

Marka aynu isuku soo wada xoorino ballanqaadyadii xukuumadda cusub ee tirada beelay waxay isugu so o biyo shubanayaan :Baddoo noqotay maadh iyo buurohoo malab ah! Marka siyaasigu kursiga raad goob ayo uma meel dayo ballanqaadyo ku dambeeya hal bacaad lagu lisay oo boqolkiiba saqaashan lagu hum goobo. SiyaasasigaAfrikina wuxuu ku caano maalay in uu hiirta waaberi ummadda ku maaweeliyo weedho loo hanqal taago; gabalku markuu dhacana wuxuu la shir yimaadaa kuwo kale oo intuu hore sheegay burinaya.



LA SOCO QEYBTA DAMBE

 

 

 

 

 

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
asabeyse@hotmail.com