Booqashadii waftiga musharaxa madaxweyne ku xigeena

 



Holland (TNN ):- Maalintii axada een bishu ahayd 16 april 2017 waxa booqasho gaaban ku yimid dalka Holland musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga waddani mudane ambass edor Maxamed Cali Cabdi iyo la taliyihiisa aqoonyahan Xasan Muuse Khalif.

Waxa waftiga kaga hortagay garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterd am gudida fulinta iyo xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga waddani laantiisa Holland.

Soo dhawayntii madaarka kadib, waxa waftiga loo galbiyay xagaa iyo hotelkii ay dagi laha ayeen oo ku yaal magaalada Den Haag. Intaa ka bacdi waxa gudida fulintu ku maamuus tay waftiga casho sharaf loogu qabtay magaalada Den Haag, waxaana halkaas la isu dha afsaday warbixino ku saabsan hawlaha xisbiga. Waxa waftiga siiyay warbixino mug leh oo ku saabsan hawlaha u qabsoomay iyo kuwa horyaala laanta xisbiga waddani ee Holland gudoomiyaha Xiis Maxamed Cige iyo xoghayaha Maxamed Muuse. Intaa ka bacdina waxa iyaguna warbixino ku saabsan xaalada abaareed ee dalkii marayo, hawlaha doorashada iyo waxa xisbiga waddani uga fadhiyo taagerayaashiisa madasha ka soo jeediyay la taliy aha musharaxa madaxweyne ku xigeenka mudane Xasan Muuse Khalif. Waxana gunaana dkii khudbad qiimo leh oo huwan dardaaran iyo dardargalin hawlaha xisbiga casho shara feedkii kusoo xidhay musharaxa madaxweyne ku xigeenka mudane ambassedor Maxamed Cali Cabdi. Kulankii gudida fulinta iyo waftigu wuxuu ku dhamaaday guul.


Wa Bilaahi Yowfiiq