Booqashada
Madaxweynaha Djibouti ee Japan
Boqorka Japan, Emperor Akihito, ayaa Madaxweynaha DJibouti uga mahad
celiyay gacanta ay Djibouti siisay ciidammada Japan ee la dagaallama
burcad badeedda.
Japen (TNN)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti Ismail Omar Geelle,
wuxuu booqasho ras mi ah ku joogaa Japan tan iyo Axaddii.
Madaxweynuhu wuxuu kale oo wadahadal la yeeshay Raiisal Wasaaraha
Japan, Naoto Kan iyo Madaxa hey'adda Iskaashiga Caalamiga ah ee
Japan, Sadako Ogata. Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah
mashruuc ay tahay in laga hirgeliyo Djibouti oo la doonayo in uu
quwad dabiici ah ka dhaliyo koronto.
Madaxweyne Geelle waa booqashadiisii shanaad ee uu ku tago dalka
Japan oo mashaariic dhowr ah oo horumarineed ka fuliyay dalka
Djibouti.
Ciidanka Japan waxaa uu sladhig ahaan u isticmaalaa dalka Djibout
Source:BBC
|