Booqashada Gudoomiyaha KULMIYE ee
baarlamaanka SWEDEN

   

Gudoomiyaha KULMIYE Oo shalay Ka hadlay Shir lagu qabtay Xarunta Baarlamaanka Sweden

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo weli ku gudajira booqashadii uu ku Joogay wadanka Sweden Ayay u bilaabmeen shalay Kulamadii xidhiidhka ahaa ee uu la yeelanayey Masuuliyiinta kala duwan ee ka tirsan Xukuumada , Baarlamaanka iyo Hay’adaha kala duwan ee wadanka Sweden Wuxuuna Shalay 11-06-2009 Hadal ka jeediyey siminaar ka socday Xarunta Baarlamaanka wadanka Sweden.
Munaasibada oo ay qabanqaabeeda lahaayeen Xisbiga Liberal-ka iyo SILC Wuxuu gudoomiyuhu si balaadhan uga Xogwaramay Taariikhdii ay soo martay Dhismaha dib u yagleelka qaranka Somaliland iyo baahida Somaliland u qabto inay Hesho Citiraaf .
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo ka warbixiyey diyaargarowga loogu jiro inay wadanka ka qabsoomaan doorashooyinka Madaxtooyada ee la Filayo inay dalka ka dhacaan 27-ka Sept. 2009.


Gudoomiyaha Kulmiye ka sakow waxaa Hadalo ka jeediyey Xoghayaha Arimaha Debeda Ee xisbiga KULMIYE Dr Mohamed Abdilaahi Omar oo si faahfaahsan u qeexay siyaasada Xisbigiisa KULMIYE waxa Kale oo Hadalo qiimo leh halkaa ka jeedisay Marwada Gudoomiyaha Marwo Amina Weris oo aad ugu dheeraatay Doorka Haweenka Somaliland Ku leeyihiin siyaasada Hogaaminta wadanka waxayna Cadaysay in Xisbiga KULMIYE yahay Xisbiga Keliya Ee Mudane baarlamaan iyo Mudane Gole degaan Ku leh Golayaasha .


Gudoomiyaha Wuxuu ka qaybgalay Dhegaysiga qaabka Doodaha Baarlamaanka ee wadanka Sweden isagoo la Kulmay masuuliyiin Kala duwan, wuxuuna ku soo wareegay qaybaha Kala duwan ee dhismaha Baarlamaanka wadanka Sweden oo Meel kastaba loogu soo dhoweeyey Si heer are ah.
Masuuliyiinta Gudoomiyaha iyo waftigiisu shalay la Kulmeen iyo Kuwa ay maanta la Kulmayaan oo isugu Jira SIDA, SILC, Baarlamaanka iyo Wasaarada Arimaha Debededa iyadoo Maantana Lagu qaabili Doono Xarunta Madaxtooyada ROSENBAD.


Hadaba Khudbadaha iyo Kulamada Gudoomiyaha oo aad u fara badnaa waxaanu ku dedaali doonaa inaanu idiin soo gudbino Masuuliyiintii uu la kulmay, sawiro maqal iyo muuqaal intaba leh,sida ugu dhaqsaha badan







Saraarnews