BOOLO XOOF TADII QAAXO

 

waxaan salamayaa Timacade groub iyo hawl wadeenada sharaf ta leh. Ilaahay baa mahad iska leh, ina siiyay xornimadeena, waxaana waajib inagu wada ah, in la dareeylo, lana ilaaliyo.
Halkan waxaan kusoo lifaaqay maqaal ka kor ku xusan, Idin koo iga raali ah, ila eega.

ILaa maalin tii Somaliland lasoo noqotay xornimadeeda, waxay maalin wal ba
arkaynay, wax ku cusub nolosheena.iyo dhaqano kala duwan.
waxa inagu soo kordhay, munaafaqad , iyo is wanjalaad . Labadaa mid na
maynaan aqoonin, intaa dalka laga bixin.


Sidaynu la wada socono, khaliaaf kii kumiye, wuxuu isu rogay argagixiso, iyo
in umabd la laga toosiyo hurdada, waa digniin barakicin eed.
waxaan xasuus taa ayaamihii Dawladii Riyaale, ayaynu maqli jirnay , qaraxyo noocan
ah, waxa jirtay inay dhawr jeer oo hore lagu eedeeyay Xusbiga Kulmiye inuu ka dambeeyo.
Waxa maan ta cadaatay, inay run ahayd, inuu kulmiye, qarax yada ka dambeeyo.
dawlad da maan ta jirta, iyo khalifaak Kulmiye, wuxu dib inoo xasuusiyay, Qaraxyadii hore u jiray, iskuna cadeeyeen, inay iyagu sameeyaan, maan tana ay wali sii wadaan. Waxa la doonayaa, sabab tii dalkan loogu soo rogi lahaa Bandoo, iyo Casar koo lays xareeyo.
Nasiib daro, waa waxa qudha ee ay yaqaanaan, niman ka is haystaa, ee maan tana loo
tag waayay.


Sidaynu la wada socono, qaraxani, marka kale inagu bilaab may, wuxu la kawsaday khilaaf ka kulmiye. Taasi waxay daliil cad u tahay, inuu kulmiye ka dambeeyo, waxa maan ta ka socda dalka.
waxaan salaamayaa Timacade groub iyo hawl wadeenada sharaf ta leh, Mahad na ilaahay baa iska leh, ina siiyay xoriyadeena, iyo Karamadeena, waana inagu waajib in la dhawraa. Halkan waxaan kusoo lifaaqay, maqaal ka kor ku xusna, idin koo mahad san ila eega
Waxa xalay bandoo lagu soo rogay qaybo ka mid Hargaisa, waxa la madoobays tay Madaxtooyadii, light kiina laga bakhtiiyay.


Intaasi markay dhacaday, waxa magaalada lagu soo daadiyay, Niman afka duuban, ood moodo, inay dagaal ku socdaan, waa niman aad u hubaysan. Hujuum culus, baa lagu hogaamiyay, meel ka mid Magaalada. Rasaas badan baa la furay, waxaas oo dhami, waxay tilmaamayaan, in Dawladi isu rogtay dawlad Milatary oo samaysay Inqilaab, lagu cabsi galinayo umad da.
waxa mar labaad inagu soo noqday, Munaafaqad dii, iyo fafal kii qaaxo. Waxa dib laynoo xasuusiyay, faqash tii, iyo dhib tii.Waxa si cad laynoogu sheegay, inaanay Dawlad deena ka dawanayn, tii Siyaad Bare. Waxa layna dareen siinayaa, inay samayn karaan, wax ka xun tii siyaad bare.


Siday ay tahay tarkiibadeeny, waxaynu u dagnaa, sifa qabiil, meel walbana, reer baa ku suntan,taasi waxay sababi kartaa in si yar dhibtu u fido, fidmaduna ma fiic na.
Hala hor joogsado maan ta, intay goori goor tahay.
Waxaan hadal kayga kusoo koobayaa, waar tollow col ka jooga, balaayo madax la qabtay leedhay, ee daba la qabto malaha, Nin ka u haysta in la kala adkaadoow, wallee inaan la kala adkaan. Maan tana waxaynu u eegnahay dal jira, ka daayo, mar labaad ha la dhicina madaafiic di.Hooyadaan wali ka soo kaban, dhibtii faqashta, iyo goblan meel walba jooga Somaliland, dib haw xasuusinina, inay bilaash ku goblameen. Mar labaad ha xasuusinina, naafada meel walba daadsan, een wali helin daryeel, inay ku naafoobeen waxaan jirin. Aduun ka marlabaad ha tusina, inaynaan tashan Karin, oo xaqiiq tahay, inaynaan dawlad noqon Karin.
Waar khaliaaf kii Qaaxo, iyo cudur kaa kala timaadeen dibad da, ha ku dhex tuurina, dalka iyo dad kaba, ka daaye.


Umada reer Somaliland meel ay joog taba, waxaan kula dardaar mayaa,Dalkiina iyo dantiina hoos u eega, qarax yada maan ta dhaca yana, waa kuwii reer kulmiye, waa cagajug-layn hore leh, waa cudur kii lagala yimi dibad da iyo qaaxo. Raga maan ta is haystaana, waa kuwii shalayto wada socda, waxa lagu coloobay na, waa idin ku guud kiina, waxa lays ku haystaa na , waa nafteena, iyo maatideena, waxa inagu waajib ah, in laga digtoonaado, lays kana joojiyo, intay goori goor tahay, een farta dhex da laga qaniini.
Wa bilaahi tawfiiq.
 



Abdulkhaliq Mohamed