Booliska Hargaysa oo Gacanta ku Dhigay Shan Nin iyo 2 Gaadhi

 

Ciidanka booliska ayaa maanta duhurkii gacanta ku dhigay shan nin iyo laba gaadhi oo lagu xidhiidhinayo qaraxyadii dadka badan ku dhinteen ee Arbacadii ka dhacay magaalada Hargeysa.

Sida ay caddeeyeen saraakiisha booliska Saldhigga ee Dalloodho afar ka mid ah raggaas ayaa laga qabtay guri ay deganaayeen oo ku yaal xaafadda Cabbaaye, kaas oo la sheegay in ay dhowaan ku iibsadeen lacag gaadhaysa $35 kun doollarka Maraykanka, halka ninka shanaad oo isla gurigaas deganaa uu ka cararay booliska isagoo watay baabuur yar oo noociisu yahay Grande, isla markaana aannu mar qudha istaagin xataa markii ciidammadu rasaas dulmariyeen, iyadoo ay waqtigaas waddada marayeen dadweyne tiro badan.

Dad goob-joogayaal deggan xaafaddaas ayaa caddeeyey in boolisku gurigaas ka soo saareen xidhmooyin waraaqo ah iyo laba shandadood kuwa yaryar ah, balse aan la garanayn waxa ku jira, iyadoo ciidammada ammaanku hadda gacanta ku hayaan shanta nin iyo labada baabuur ee loo tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarradii argagixiso.

Waa markii ugu horreysay ee ciidammada boolisku gacanta ku dhigaan cid lagu xidhiidhinayo qaraxyadii khasaaraha badan dhaliyey ee Arbacadii toddobaadkan gilgilay caasimadda Hargeysa.

 

 



Keyse A. Digaale,

Togdheernews Hargeysa