Booliska Boorama oo Xildhibaan Baarlamanka Soomaali ya ka Tirsan Xabsiga u Taxaabay, kuwo kalena ku raad-jooga

 


 

Boorama (TNN)-Badhasaabka Gobolka Awdal Mr. Maxamed Cabdalle, ayaa Hargeisastar u  xa qiijiyey in Ciidamada Booliska Xabsiga magaalada Boorama u taxaabeen Xildhibaan Cabdoo  Maax Faarax (Cabdoo Shoodhe) oo ka tirsan Baarlamanka dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ku raad-joogaan laba Mudane oo kale oo Baarlamaankaas ka mid ah, kuwaasoo  dhammaant ood u dhashay dalka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Awdal, ka dib markii ay si dhuumasho ah toddobaad ka hor Boorame ku yimaaddeen.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Cabdalle, waxa uu sheegay in Somaliland sharci uga yaallo cidda reer Somaliland ah ee Shirarka dawladaha Soomaaliyeed lagu dhisayo ka  qayb gala amaba xil ka qabta Soomaaliya inaanu dalka soo gali Karin, illaa uu cafis dawladda Soma liland soo waydiisto, isla markaana ka noqdo waxa uu aamminsan yahay, haddii uu dalka soo galo cafis la’aanna in la xidho. Hase, ahaatee, Badhasaabku waxa uu sheegay inay  saddex dan xubnood ee ka tirsan Baarlamanka dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay  dh awaan magaalada Boorame si qarsoodi ah u yimaaddeen, iyaga oo aan wax cafis ahna soo dalban, dalab uu Guddoomiye ahaan ugu yeedhayna diideen, ka dibna uu isagu Badhasaab a haan amray in Ciidamada ammaanku soo qabtaan saddexdaas Xildhibaanba.

“Saddexdaa nin magaalada Boorama ayay yimaaddeen dhawaan iyaga oo aan wax cafis ah dalban, wax ogaysiis ahna na soo siinnin, cid ka war haysaana jirin, markaaannu ka war  hel nay farriin baannu u dirnay Maamul ahaan oo aannu ku nidhi iska soo xaadiriya Xafiiska  maa mulka Gobolka Awdal, dabadeedna way iman waayeen, sidaa daraaddeed, waxaan amar ku bixiyey in la soo qabqabto nin la yidhaahdo Cabdoo Shoodhe ayaa la soo qabtay, labadii  kal ena dhuumasho ayay ku jiraan oo Ciidanka Booliska ayaa ku raad-jooga.” Sidaa ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Cabdalle oo Wargeyska HargeisaStar khatka  Talee fanka xalay wax kaga waydiiyey qaabka loo xidhay Mudanayaashaas iyo sida ay dalka ku  yi maaddeen.

Badhasaabka Awdal Mr. Maxamed Cabdalle, oo aannu waydiinay magacyada labada  Xildhiba an ee ay Ciidamada Boolisku baadi-goobka ugu jiraan, waxa uu sheegay in la kala yidhaahdo Xildhibaan Sitiin Xuseen iyo Xildhibaan Wehel. Weriyahayaga Gobolka Awdal Cali Ismaaciil  A are oo ku sugan magaalada Boorama, ayaa ku soo warramaya in Xildhibaan Cabdoo  Shood he oo shalay galinkii hore Boolisku dhigeen Xabsi ku yaalla magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, laga qabtay gurigiisa Boorama oo ay degan yihiin Xaaskiisa iyo Carruurtiisu, oo uu booqasho caadiya ugu yimi Xildhibaanku. Waxaanu Wariyuhu intaa ku daray oo uu  sh eegay in hadal-haynta ugu badan ee shalay laysla dhexmarayay Boorama ay ahayd ka  she ekaysiga dhacdadaas Xildhibaan Cabdoo lagu qabtay, Mudanayaasha kalena lagu raadinayo.

Si kastaba ha ahaatee, Xeer Golayaasha sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland hore u  m eel-mariyeen, ayaa dhigaya in qof Somaliland u dhashay ka qaybgali Karin shirarka lagu  dhis ayo dawladaha koonfurta Soomaaliya, maadaamoo ay Somaliland ka madax-bannaan tahay Soomaaliya, kaasoo cid kasta oo ka qaybgasha ama xil ka qabata Soomaaliya aanay  Somalil and dib ugu soo laaban Karin illaa uu cafis soo dalbado, haddii uu cafis la’aan ku yimaaddana Xabsiga la dhigayo illaa inta uu si cad uga noqonayo mawqifka uu aamminsan yahay ee Som aliland-diidnimada ah, cafisna dalbanayo. Iyada marmar hore oo kala duwan shaqsiyaad Som aliland u dhashay oo xil ka qabtay dawladaha ku-meel-gaadhka Soomaaliya u kala dambeey ey amaba shir ka qaybgalay sidan oo kale loo xidhay illaa intay ka noqonayeen mawqifka So omaali-weynimo.


Source:hargeisa star