Booliiska Somaliland Oo Maanta Duhurkii Galalafay Guriga Ay Ku Nooshahay Amiirka Al-Shabaab Hooyadii Ee Hargeysa.

 



warar hordhaca oo hawl galkan naga soo gaadhay ayaa sheegaya Boolisku inay ku beegsanay een Amiir Godane ama cid ka mid ah ...


Hargeysa (TNN)- boolis uu horkacayo Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fa dal iimaan ayaa Goordhawayd Gaadh xoogan ka qabtay Guriga ay Hargeysa kaga nooshahay Am iirka AL-shabaab Axmed Cabdi Godane Hooyadii, iyaga oo qaar ka tirsan ciidankaas oo watay lix gaadhi ay Guriga Gudihiisa baadheen, Guriga Reer Cabdi Godane waxa ku nool Hooyadood oo da’a h isla markaana Xanuun sanaysa sida ay Noo xaqiijiyeen Dadweynaha Xaafadaasi mana jirto Bool isku Cid ay ku qabteen hawlgalkan oo ku soo beegmay Xili Qadadii .

warar hordhaca oo hawlgalkan naga soo gaadhay ayaa sheegaya Boolisku inay ku beegsanayee n amiir Godane ama Cid ka mid ah kooxdiisa oo ay Boolisku xog ka heleen balse xogta ay heleen wax natiijo ah ugamay soo bixin, talaabadan lagu baadhay Guriga Reer Cabdi Godane ayaa ku so o beegmaysa maalin kadib markii fariin dhinaca Codka ah oo hanjabaad xambaarsanayd uu warb aahinta soo galiyey halka ay kooxdiisu weerar is miidaamin ah ka fulisay Muqdisho kuwaas oo ay ku geeriyoodeen dhawriyo taban Qof halka ay in ka badan labaatan ku dhaawacan tay.

Booliska ayaa la sheegay Saaka inay Xidheen Qaarka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay Walaalo Yihiin Amiirka, halka ninkale oo ay walaalo yihiin oo ka tirsanaan jiray Mujaahidiintii NSM ay u yeedheen markii ay fuliyeen hawlgalka ay Guriga ku baadhayeen, Booliska Somaliland Wax ay dhawaan Xidheen Wiil ya walaalo yihiin Amiirka kaas oo ka tirsanaan jiray Al-Shabaab Balse isaga yimid wiilkaas oo mudo ku siman todoba bilood Hargaysa Joogay ka hor intii aanay Boolisku Qaban.

Amiir Godanaha Hargeysa laga baadhayo ayaan sida muuqata la garanayn Meesha uu joogo ma adaamoo sida laga fahmi karo hawlgalkan Boolisku Hargaysa ka day dayayaan, dhawaan Saraak iil Al-Shabaab ka tirsan ayaa ku eedaysay Amiir Godane iyo Kooxda ka amar qaadata inay ku ha wlan yihiin weeraro ay ku khaarajinayaan Dagaal yahanada Ajaaniibta ah ee ku sugan Dagaam ada ay haystaan waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu dhaawacay Al-Amiiriki.

Taliyaha Booliska oo aanu isku daynay inaanu waxka wadiino Hawlgalkan ayaa naga qaban waa yey Telefoonkiisa ,waxaana jira dad badan oo u Xidhan Tuhuno Al-Shaab ah kuwaas oo aan ilaa hada loo haynin cadaymo ku filan oo lagu maxkamadeeyo.

si kastaba ha ahaatee waxaa Xukuumada looga Fadhiyaa in ay Dadweynaha u bandhigto daree mada ku gadaaman amaanka ee sababay in la baadho Guriga Reer Cabdi Godane iyo Gaadiidka Dadweynaha Si ay uga Digtoonaadaan khataraha ku soo waajahan.

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland