Booliiska Germany oo xiray dad Soomaali ah

 


Booliiska u tababaran qaabka Comandos-ka ee waddanka Germany ayaa xoog ku galay diyaarad ay leedahay shirkadda KLM oo ku sugneyd garoonka Cologne, halkaasi oo ay ku xireen laba qof oo looga shakiyay inay argagaxiso yihiin.

Labada qof ee la xiray ayaa ah nin Somali ah 23 jir ah iyo 24 jir ah, midkoodna uu heysto dhalashada waddanka Germany.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in in labadaasi qof ee Soomaaliga ah ay qorsheynayeen inay u dhintaan dagaal jihaad ah, oo waraaqo dardaaran ahna ay reebeen, isagoo intaa sii raaciyay in muddo dhawr bilood ah kor ay kala socdeen dhaqdhaqaaqooda.
 

 


Source:BBC