Boobe yuusuf Ducaale oo Dhaliilay Safarka Xukuumada Ee imaaraatka
carabta

Hargeysa (TNN) Wasiirkii hore ee Wasarada Warfaafinta iyo
Wacyigalinta Somaliland Md.Cabd iraxman Yuusuf Ducaale (Boobe)ayaa
Naqdiyey Safarka Madaxweynaha Somaliland iyo waftig ii uu hogaminayey
ay ku tageen Imaaradka Carabta, waxanu Safarkaasi ku tilmaamay
mid
ka baxsan milgaha iyo maamuuska Dawladnimo.
Boobe Yusuf Ducaale wax uu sheegay in aanay Wadamada Carabtu u soo
Gurman wakhtigii D awlada Siyaad Barre shacabka Reer Somaliland
Gumaadaysay “Mudadii Dheerayd ee aynu d agaalka kula jiray Siyaad
Barre ee Dadkeenu Darxumada iyo Gaajadu haysay ,Nimanka Carbe ed
inoomaysoo gurman, marka ma Muuqato wax nimanka Carbeed ee
khamiisyada Diracyada ah xidhani wax faa’iido ah oo ay noo soo wadan.”
Boobe Yusuf Ducaale wax uu Nasiib darro ku tilmaamay Waftiga
Madaxweynaha ee Tirada ba dnaa oo uu sheegay in aanay
tayadooduna
wanagsanayn, loona Bahnaa wafti kooban oo miis an leh.
Wax kale oo uu intaasi raciyey. “Markii uu madaxweynuhu Madaarka
Berbera ka Dhoofayey w ax uu lahaa Anigu Cidna lama Balansani, cid
aanu la soo shiraynaana ma jirto, danaha somalila nd halkii ay nala
Galaan waanu maraynaa, laakiin may ahayn in uu Madaxweynuhu
muhmalkaa Ku dhoofo, waxay ahayd in ay sugnaato booqashada
madaxweynuhu oo ay yeelato martiqaa d rasmi ah.”Ayuu yidhi.
Boobe Yusuf Ducaale ayaa Waxa uu Baaq u Diray Shacabka Somaliland
waxanu yidhi. “Shacab ka Waxaan odhan lahaa ha Baqanina, wax dhibaato
ah oo jiraa ma jirto, Aayihiinuna Gacantii na ayuu ku jirraa, Laakiin
Aayihiinu wafti dhoofa iyo Golle meel fadhiista midna kuma jirro,
wax ay Xukuumada jirtaa masuul ka tahay in ay ka shaqayso qaab
nololeedka dhaqaale iyo Qorsha yaal, laakiin marka ay Aayakatalin
noqoto dadkaa iska leh, Illahay ayaa iska leh, cid Badali kartaana
ma jirto.”Ayuu yidhi Boobe.
Source:Waaheen
|