Biriij Laga Hirgelinayo Meel U Dhaxaysa Labada Degmo Ee Gacan Libaax Iyo Maxamuud Haybe Ee Caasimada Hargeysa

 

Biriij nooca jiifa ah [Irish Bridge] ayaa maanta laga bilaabay dhismhiisa dooxa u dhaxeeya degmooyinka Gacan libaax iyo Maxamuud Haybe, si ay u fududaato isku gudubka dadweyanaha iyo gaadiidka caasimada Hargesa.

Xafladii loo sameeyay bilowga dhismaha biriijkan waxaa ka soo qeyb galay Maayarka caasimada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir iyo masuuliyiinta shirkada qaadatay dhismaha biriijka ee Daryeel, masuuliyiin ka tirsan maamulka dawlada Hoose, dadweynaha labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Gacan-libaax iyo weftigii ka socday Ganacsatada Shiinaha ee booqashada ku joogga dalka.

Duqa Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, oo xafladii bilowga dhismaha biriijkan ka hadlay ayaa sheegay inuu dhismahani wax weyn ka tari doono dhibaatooyinka waddo xumida ee caasimada Hargeysa isla markaana ay gaadiidka iyo shacbiga labadaasi degmo u sahli doonto inay isu gudbaan, oo ay meesha ka saari doonto waddadii wareega ahayd ee ay mari jireen.

Eng. Jiciir wuxuu sheegay in dhismaha biriijkan ay iska kaashadeen dadweynaha labada degmo ee Maxamuud Haybe, Gacan-libaax iyo dawlada hoose ee Hargeysa. "Waxaan u mahad celinayaa dadweynaha labadan xaafadood ee ka qeyb galay bixiyeyna qaadhaanka lagu dhisayo bariijkan oo ah nooca jiifa ee loo yaqaano Irish Bridge."

Duqa caasimadu waxa kale oo uu sheegay in biriijyo noocan oo kale ah ay ka hirgelin doonaan degmooyinka kale ee caasimada Hargeysa.

Sidoo kale, waxaa xafladaasi ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka labadaas degmo ee biriijka loo dhisayo oo maamulka dawlada Hoose ku amaanay hirgelinta biriijkan, oo ay sheegeen in baahi weyn loo qabay.
 

 


Ramaasnews