Berbera
Waxaa la Degay Xukuumada jirta , Diyaarna waxay u Tahay in
Xukuumadan si sharciya ay ku bedelaan

Aniga oo ah Muwaadin u dhashay
Berbera kuna soo koray kuna kacaamay lakiin iminka degan wadamada
Galbeedka .Berbera Waxaa la Degay Xukuu mada jirta , Diyaarna waxay
u Tahay in Xukuumadan si sharciya ay ku bedelaan .
Iyadoo ay Berbera tahay hooyada dakhliga Somalilland, ayna dhacday
in maanta muuqaalka berbera laga naxo, isuna rogtay meel laga
hayaamo, oo ay ka sii muuqdaan Dhismayaal gaboobay boqolaalsano ka
jirey
Aniga oo ah Muwaadin u dhashay Berbera kuna soo koray kuna kacaamay
lakiin iminka degan wadamada Galbeedka dhowr jeerna booqday Somalil
and oo Berbera ka mid ahayd oo aan aad ugu farxay magalooyinku sida
ay horumar u sameynayaan , ayaan aad uga naxay Berbera, waxaana maan
ta aan aad u jeclaystay inaan qalinka soo qaato oo aan dayaca iyo
dhibaatada ka muuqata magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo
ah bogcad ay ku taalo dekedeena ugu wayn JSL uguna caansanayd
Berigii hore dekedaha mandaqada Bariga Africa,magaalada Berbera
waxay taariikh facwayn ku lahayd mandaqadan , waxanay ahayd magaalo
ay ku suntanayd taariikh ilbaxnimada iyo xadaaradaha aad u fog,
iyadoo mar ahayd Caasimadii Somaliland waqtigii Gumeystaha .
Iyadoo ay Berbera tahay hooyada dakhliga Somalilland, ayna dhacday
in maanta muuqaalka berbera laga naxo, isuna rogtay meel laga
hayaamo, oo ay ka sii muuqdaan Dhismayaal gaboobay boqolaalsano ka
jirey, Guryihii qadiimka ahaa ,xerooyinkii Xoolaha oo hoy noqday
bisadaha iyo tukaha oo aad u qaylinaya oo isna baqti ku jira ,
iyadoo ay meesha ka baxay adeegyadii caafimaad ee hore u
lahaanjirtay Berberi Xukuumadan Riyaale ka hor oo iyada loo soo
doonan jirey , waxaa xidhitaan ku dhow Cisbitaaladii Degmada ,
Gobolka iyo kii maskaxda ee berbera ,iyadoo dadkii yaraa ee ku
hadhay ee awoodu siin weyday inay isaga hayamaan lana qabsaday
sililica ka jira Berbera, waayeyna cid u damqata , oo Kulaylkii
Xagaaga ee darnaana kolba ugu soo galo (Ilaahay u Gargaar).
Iyadoo aan Ognahay berberi in ay noqotay meel lagu ciqaabo
Ganacsatada muwadiniinta ah ee yaryar ama dhexe inay dekedooda wax
kala soo degaan , Mushkiladaha ugu waaweynina ay yihiin in la sii
laba jibaaro cashuurta soo dejinta hab aan sharciyad waafaqsanayn oo
laga leeyahay siyaasado qarsoon, waxaanay taasi suurtagelisay in
badeecooyin badan oo berbera ka soo degi jirey ay ka wareegaan una
wareegaan dekedaha Bosaaso iyo jabuuti .
Waxaa jirta in Berberi ka qatantahay in dhismeyaal Cusub ay ku
kordhaan sida magaalooyinka kale oo bilic leh lagana dhiso, waxay
noqotay oo keliya in aan Ganactadii dhexe iyo kuwii hoose loo
ogalayn inuu u hoydo oo ay wax kala soo degaan si faa,iido ay u
hesho oo ay Ganacsadayaal waaweyn oo xafiisyo iyo guryo ku leh
wakiilana u joogaan oo aan faa,iido ka soo gelin magaalada waana
Dekada keliya ee aan faaido helin oo ah meel wax lagala soo dego
loona hoyan.
Waxaasoo dayac ah ee haysta Berbera waxa ka masuula xukuumada
Riyaale ee maanta jirta iyo Maamulka Saaxil oo ah shaqaalaha ay soo
dirteen Xukuumadaasi oo dhaqaalihii ka soo baxayey dekeda berbera ay
toos u geynayaan Madaxtooyada iyo halka qaar ay ku dhacdo jeebabka
shaqsiyaad gaar ah iyo inta ku wareegsan oo aan waxba lagu celin
Magaaladii Berbera baahiyaheeda gaarka ahaa wax ka soo gaadhin
waxqabadka danteeda guud.
Xukuumadani uma jeedo inay soo saarto xeerkii kala xadaynta
ganacsiga oo qorshayn lahaa waxa dekeda lagu iibinkaro iyo waxaa la
sii dhaafinkaro iyo kala siinta ganacsiga heerarkooda, iyadoo aad
arkayso ganacsade weyn oo isagu markabkii uu keenay ilaa
keeryoonihii xaafadaha wata oo ay faa,iidadu nin keliya noqonayso.
Xukuumadan jirtaa ma ogola inay maamul tayo fiican leh iyo in ay
keenaan barnaamij siyaasadeed oo horumarineed oo lagaga baxo
duruufihii adag ee ilaa maanta wadanka ka taagan ee ay uga sii
dartay , isagoo madaxweynuhu sameeyey ballan-qaadyo aan waxba ka
fulin oo warshado aan jirin uu dhagax-dhigay Berbera dhamaan waxay
noqdeen in wershadii Sibidhka oo waxyar uun u baahnayd uu Scarp la
damcay la iibgeeyo,dadkuna ishortaageen,waxii ka dhacay waan ogayn.
Dhamaan xaaladaha siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, tahriibka oo ay
dhalintii markii ay arkeen in aanay wax rajo ah jirin inay baddaha
isku miidamiyaan iyo Bulshada duruufaha kala gedisan ee dadka iyo
dalkaba ku geedaaman oo ay masuuliyadeeda leedahay Xukuumadan jiraa,
markaa waxaan arkay maqaalo badan oo ka hadlaaya dayaca iyo
mashaakilka haysta Berbera ,waxaan leeyahay Berberi waxay wax la
qabtaa ,,,Mashaakilka haysta Somaliland inta badan , Ninbaa dhashay
waqti jilaala , waxaa laysweydiiyey maxaa laga yeelayaa ninkan soo
kordhay ,,,, waxa uu wax la qabaa ,Reerkiisa,ayaa la yidhi …
Anigu waxaan qabaa Berbera inay Duruufaha Guud kala midtahay
Somaliland, marka laga reebo ta gaar ahaneed , Dhibaatada maanta
jirta oo ka timi Xukuumada talada haysaa oo caan ku noqotay
maamul-xumo iyo musuq-maasuq, inta ay talada hayaana lagama filayo
in ay wax ka qabanayaan arrima caddaalad-darrada, musuq-maasuqa,
dhaqaale xumada, shaqo la’aanta, dhaqanka ku tumashada Sharciga ,
Kolkaa anigu waxaaa aaminsanahay Xukuumadan maanta joogtaa ee Daahir
Riyaale intay talada hayso in aanay dalka wax-ba is bedeli Karin,
Dhalinyaradii Jaamacadaha ka soo baxday, kuwii dugsiyada Sare ka soo
baxayba, wax allaale wax shaqo ah oo ay hayaan ama ay ka heli karaan
ma jirto, kuwii hore u joogayna waxa ay ka cabanayaan mushahar yari
iyo dhibaatooyinkale iyo cadaadisyo , waxaynu maraynaa heer dhulkii
Danta guud ahaa ee siyaad bare ka xishooday lagu hanbaabiro Tijaar
hebel ayaa la soo siiyay. Waxaas oo dhami waa qayru sharci, waana
xuquuqdkii Dastoorkii Qaranka oo meel lagaga dhacayo,Waana hantii
Qaranka oo la lunsanayo. .
hadaba iyadoo aan ognahay in ninkii u damqanaayey Berbera loo
samaystay ninkale Magaaladiina sii baa,ba,ayso,dadkeediina ay ka
hayaameen, iyadoo Xukuumada Iyo maamulada ay u sameystaan ay
diidanyihiin in Siyaasad cad oo wax qabad leh loo sameeyo waxna
loogu qabto Magaalada Berbera ee sii dhamaanaysa , ayaa waxa loo
baahanyahay in inta badan ee damiir koodu fayaw yahay iyo qurba
jooga Saaxil ay ka shaqeeyaan sidii ay Bulshada G/Saaxil ay u
dareensiin lahaa uguna boorinlahayeen looguna diyaargaroobo in
Xukuumadan jirta lagu bedelo codkii shalay ay ku timi, haddii
Xukuumadan la bedelo waxaa la helikaraa qorshe iyo nidam hufan oo la
meel mariyo, hawshaa waxaa ku jira Qurbajoog badan oo Reersaaxil oo
aanu kawada hadalnay iskuna afgaranay qaabkii ay u fulinlahayd.
Waxanaan hadalkayga ku soo xidhayaa waxqabadka berbera waxuu ku
xidhanyahay codka shacabka inay ku muujiyaan isbedelkooda intay
xaaladu dhowdahay ,haddii kale waxaa iman doonto in waqti aan
nidhaahno waxay ahayd magaalo berbera la odhanjirey ,waxaanan uga
digayaa dadka reer berbera in aanay dhicin in dadkeedu ay noqdaan
wax badhna gaajo layso waxna cuquubo ka galaan dadkooda sidii ay
dulmi ugu adeegayeen oo aan cidiba hadhin, Markaa xalka keliya ee
maanta Berbera Iyo Somaliland lagu badbaadin karaa waxa weeye, waa
innaga oo xukuumada maanta jirta sharci ku bedelna, oo doorasho ku
bedelna.
Mustafe Adan Shanle
Birmingham UK
|