Berbera Waxaa la Degay Xukuumada jirta, Diy a ar na waxay u Tahay in Xukuumadan si sharciya ay ku bedelaan

 


Iyadoo ay Berbera tahay hooyada dakhliga Somalilland, ayna dhacday in  maa nta muuqaalka berbera laga naxo, isuna rogtay meel laga hayaamo, oo ay ka sii muuqdaan Dhismayaal gaboobay boqolaalsano ka jirey.

Aniga oo ah Muwaadin u dhashay Berbera kuna soo koray kuna kacaamay lakiin iminka degan wadamada Galbeedka dhowr jeerna booqday Somaliland oo  Berb era ka mid ahayd oo aan aad ugu farxay magalooyinku sida ay  hor umar u  same ynayaan , ayaan aad uga naxay Berbera, waxaana maanta aan aad u jeclaystay inaan qalinka soo qaato oo aan dayaca iyo dhibaatada ka muuqata magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo ah bogcad ay ku taalo dekedeena ugu wayn JSL uguna caansanayd Berigii hore dekedaha mandaqada Bariga  Afri ca,magaalada Berbera waxay taariikh facwayn ku lahayd mandaqadan , waxa nay ahayd magaalo ay ku suntanayd taariikh ilbaxnimada iyo xadaaradaha aad u fog, iyadoo mar ahayd Caasimadii  Soma liland waqtigii Gumeystaha .

Iyadoo ay Berbera tahay hooyada dakhliga Somalilland, ayna dhacday in maanta muuqaalka berbera laga naxo, isuna rogtay meel laga hayaamo, oo ay ka sii muuqdaan Dhismayaal gaboobay boqolaalsano ka jirey, Guryihii qadiimka ahaa ,xerooyinkii Xoolaha oo hoy noqday bisadaha iyo tukaha oo aad u qaylinaya oo isna baqti ku jira , iyadoo ay meesha ka baxay adeegyadii caafimaad ee hore u lahaanjirtay Berberi Xukuumadan Riyaale ka hor oo iyada loo soo doonan jirey , waxaa xidhitaan ku dhow Cisbitaaladii Degmada , Gobolka iyo kii maskaxda ee berbera ,iyadoo dadkii yaraa ee ku hadhay ee awoodu siin weyday inay isaga hayamaan lana qabsaday sililica ka jira Berbera, waayeyna cid u damqata , oo Kulaylkii Xagaaga ee darnaana kolba ugu soo galo (Ilaahay u Gargaar).

Iyadoo aan Ognahay berberi in ay noqotay meel lagu ciqaabo Ganacsatada muwadiniinta ah ee yaryar ama dhexe inay dekedooda wax kala soo degaan , Mushkiladaha ugu waaweynina ay yihiin in la sii laba jibaaro cashuurta soo dejinta hab aan sharciyad waafaqsanayn oo laga leeyahay siyaasado qarsoon, waxaanay taasi suurtagelisay in badeecooyin badan oo berbera ka soo degi jirey ay ka wareegaan una wareegaan dekedaha Bosaaso iyo jabuuti .

Waxaa jirta in Berberi ka qatantahay in dhismeyaal Cusub ay ku kordhaan sida magaalooyinka kale oo bilic leh lagana dhiso, waxay noqotay oo keliya in aan Ganactadii dhexe iyo kuwii hoose loo ogalayn inuu u hoydo oo ay wax kala soo degaan si faa,iido ay u hesho oo ay Ganacsadayaal waaweyn oo xafiisyo iyo guryo ku leh wakiilana u joogaan oo aan faa,iido ka soo gelin magaalada waana Dekada keliya ee aan faaido helin oo ah meel wax lagala soo dego loona hoyan.

Waxaasoo dayac ah ee haysta Berbera waxa ka masuula xukuumada   Riyaa le ee maanta jirta iyo Maamulka Saaxil oo ah shaqaalaha ay soo dirteen Xukuumadaasi oo dhaqaalihii ka soo baxayey dekeda berbera ay toos u geynayaan Madaxtooyada iyo halka qaar ay ku dhacdo jeebabka  shaqsiy aad gaar ah iyo inta ku wareegsan oo aan waxba lagu celin Magaaladii  Be rbera baahiyaheeda gaarka ahaa wax ka soo gaadhin waxqabadka  dante eda guud.

Xukuumadani uma jeedo inay soo saarto xeerkii kala xadaynta ganacsiga oo qorshayn lahaa waxa dekeda lagu iibinkaro iyo waxaa la sii dhaafinkaro iyo kala siinta ganacsiga heerarkooda, iyadoo aad arkayso ganacsade weyn oo isagu markabkii uu keenay ilaa keeryoonihii xaafadaha wata oo ay faa,iidadu nin keliya noqonayso.

Xukuumadan jirtaa ma ogola inay maamul tayo fiican leh iyo in ay keenaan barnaamij siyaasadeed oo horumarineed oo lagaga baxo duruufihii adag ee ilaa maanta wadanka ka taagan ee ay uga sii dartay , isagoo  madaxw eynuhu sameeyey ballan-qaadyo aan waxba ka fulin oo warshado aan jirin uu dhagax-dhigay Berbera dhamaan waxay noqdeen in wershadii Sibidhka oo waxyar uun u baahnayd uu Scarp la damcay la iibgeeyo,dadkuna ishortaageen,waxii ka dhacay waan ogayn.

Dhamaan xaaladaha siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale, tahriibka oo ay  dhalin tii markii ay arkeen in aanay wax rajo ah jirin inay baddaha isku miidamiyaan iyo Bulshada duruufaha kala gedisan ee dadka iyo dalkaba ku geedaaman oo ay masuuliyadeeda leedahay Xukuumadan jiraa, markaa waxaan arkay  maq aalo badan oo ka hadlaaya dayaca iyo mashaakilka haysta Berbera ,waxaan leeyahay Berberi waxay wax la qabtaa ,,,Mashaakilka haysta Somaliland inta badan , Ninbaa dhashay waqti jilaala , waxaa laysweydiiyey maxaa laga yeelayaa ninkan soo kordhay ,,,, waxa uu wax la qabaa ,Reerkiisa,ayaa la yidhi

Anigu waxaan qabaa Berbera inay Duruufaha Guud kala midtahay  Somal iland, marka laga reebo ta gaar ahaneed , Dhibaatada maanta jirta oo ka timi Xukuumada talada haysaa oo caan ku noqotay maamul-xumo iyo  mus uq-maasuq, inta ay talada hayaana lagama filayo in ay wax ka qabanayaan arrima caddaalad-darrada, musuq-maasuqa, dhaqaale xumada, shaqo la’aanta, dhaqanka ku tumashada Sharciga , Kolkaa anigu waxaaa  aami nsanahay Xukuumadan maanta joogtaa ee Daahir Riyaale intay talada hayso in aanay dalka wax-ba is bedeli Karin, Dhalinyaradii Jaamacadaha ka soo baxday, kuwii dugsiyada Sare ka soo baxayba, wax allaale wax shaqo ah oo ay hayaan ama ay ka heli karaan ma jirto, kuwii hore u joogayna waxa ay ka cabanayaan mushahar yari iyo dhibaatooyinkale iyo cadaadisyo , waxaynu maraynaa heer dhulkii Danta guud ahaa ee siyaad bare ka xishooday lagu hanbaabiro Tijaar hebel ayaa la soo siiyay. Waxaas oo dhami waa qayru sharci, waana xuquuqdkii Dastoorkii Qaranka oo meel lagaga dhacayo,Waana hantii Qaranka oo la lunsanayo.

hadaba iyadoo aan ognahay in ninkii u damqanaayey Berbera loo  samays tay ninkale Magaaladiina sii baa,ba,ayso,dadkeediina ay ka hayaameen, iyadoo Xukuumada Iyo maamulada ay u sameystaan ay diidanyihiin in Siyaasad cad oo wax qabad leh loo sameeyo waxna loogu qabto Magaalada Berbera ee sii dhamaanaysa , ayaa waxa loo baahanyahay in inta badan ee damiir koodu fayaw yahay iyo qurba jooga Saaxil ay ka shaqeeyaan sidii ay Bulshada G/Saaxil ay u dareensiin lahaa uguna boorinlahayeen looguna diyaargaroobo in Xukuumadan jirta lagu bedelo codkii shalay ay ku timi, haddii Xukuumadan la bedelo waxaa la helikaraa qorshe iyo nidam hufan oo la meel mariyo, hawshaa waxaa ku jira Qurbajoog badan oo Reersaaxil oo aanu kawada hadalnay iskuna afgaranay qaabkii ay u fulinlahayd.

Waxanaan hadalkayga ku soo xidhayaa waxqabadka berbera waxuu ku   xid hany a hay codka shacabka inay ku muujiyaan isbedelkooda intay xaaladu dhowdahay ,haddii kale waxaa iman doonto in waqti aan nidhaahno waxay ahayd magaalo berbera la odhanjirey ,waxaanan uga digayaa dadka reer berbera in aanay  dhic in in dadkeedu ay noqdaan wax badhna gaajo layso waxna cuquubo ka galaan dadkooda sidii ay dulmi ugu adeegayeen oo aan cidiba hadhin, Markaa xalka  kel iya ee maanta Berbera Iyo Somaliland lagu badbaadin karaa waxa weeye, waa innaga oo xukuumada maanta jirta sharci ku bedelna, oo doorasho ku bedelna.

 


 

 

By:- Mustafe Adan Shanle
Birmingham UK