Beesha Habar Awal oo oo si Turxaan la’aan ah u qaybsatay Ergooyinkeedii Shirweynaha Kulmiye
 

Taariikhda markii ugu horaysay ee Sacad Muuse iyo Ciise Muuse Saami isku mid ah kala qaata an

Hargeysa (TNN):- masuuliyiinta Beesha Habar Awal kaga jirta Golayaasha Qaranka iyo guddid a fulinta ee Kulmiye ayaa kulan ay shalay yeesheen si rasmi ah ugu qaybsaday Ergooyinkii ay qaybta u heleen oo dhamaa 240 Ergo.

Qaybinta ErgooyinkaBeesha Habar awal oo ah beeshii ugu horaysay ee qaybsata ayaa waxay u kala qaateen Beesha Sacad Muuse oo la siiyey 110 Ergay, Beesha Ciise Muuse oo la siiyey 110 Ergay iyo beelaha Baha Muuse oo la siiyey 20 Ergay.

Kulanka Beesha Habar awal oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolayn ayaa la sheegay in ay ka qayb galeen wasiiradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Ganacsiga Maxamed C/laahi Cumar, Xildhibaanada Golayaasha kaga jira iyo xubnaha guddida fulinta qaarkood.

Beesha Habar awal oo laga cabsi qabay in ay noqon doonto beesha ugu danbaysa ama lagu raago qaybteeda ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee si Turxaan la’aan ah u qaybsata 240-kii Ergay ee laga siiyey 1162-ka Ergay ee ka soo xaadiri doona Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

Kulanka Beesha Habar awal oo uu Marti-geliyey Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxa med Samaale ayaa la sheegay in laga jeediyey qudbadihii ugu Kal iyo laab furnaa inta la ogyah ay kulamada lagu qaybsado saami qaybsiyada Siyaasiga ah ee Beelaha soo dhex dhaca.
 

Source:Waaheen