WAR-SAXAAFADEED

 



Date: 24/03/2016

Ujeeddo: Beenin

Waxaan halkan ku beeninaynaa war been abuur ah oo lagu sheegay inuu soo saar ay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ku taageeray sulda an cusub oo dhawaan la caleemo-saaray.

Warkaasi been abuurka ah oo saxaafadda looga diray emayl (email) loo eekaysiiyey ka waaxda warbaahinta xisbiga KULMIYE, waa mid aanay habayaraatee waxba ka jirin oo ah xumaan iyo ujeeddooyin la doonayo in bahdilaad lagu sameeyo Guddoom iyaha, ahn a murrashaxa Madaxweynaha xisbiga.

Emaylka ama ciwaanka internetka rasmiga ah ee xisbiga KULMIYE waxa uu u qoran yah ay si ka turjumaysa ujeeddada magacu taagan yahay oo ah sidan; kulmiyemedia@gmail.com, halka emaylka been-abuurka ah ee warbaahinta warka aan jirin looga diray uu yahay sidan; kulmiyemedie@gmail.com.

Xisbiga KULMIYE waxa uu caddaynayaa in aannu ka hadhin doonin cidda ku kacday fal dambiyeedkan beenta lagaga sheegay Guddoomiyaha iyo xisbigaba, isla markaa na uu sharciga la tiigsan doono. Waxa kaloo aannu warbaahinta ku boorrinaynaa in ay ka fii rsadaan wararka la soo gaadhsiinayo iyo meelaha looga soo dirayo.



Alla Mahad Leh

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE