Beelaha Galbeedka Burco & odwayne:


War Murtyeed De Deg ah
 


Anaga oo ah Golaha Cuqaasha Beesha Galbeedka Burco iyo Oodwayne, waxaanu si wada jir ah ugu cadaynaynaa Bulshada Somaliland, dibedd iyo Guddaba, qodobada hoos ku xardhan:

1-Inaanu jirin khilaaf u dhaxeeya Gobolka Toghdheer iyo Gobolka Oodwayne oo ku salaysan xuduud cashureedka labda Gobol. Sugidda xuduud-cashureedka waxa u xilsaaran Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo laamaha kale ay khusayso.

2-Waxaanu aad uga xunahay war been ah, oo aan sal iyo raad toona lahayn ,oo lagu faafiyay saxaafadda isku sheegta ‘ Xorta”.Warkaas been abuurka ah oo sheegayaa inuu jiro khilaaf u dhaxeeya labada Gobol, iyo diiwan gelinta oo xoog la isku hortaagi doono , waxa si xilkasnimo darro ufaafiyay shebekadda lagu magaacaabo “ Hadhwanaangnews ”. Talaabo waafaqsan sharciga ayaanu ka qaadi doona Weriyaha iyo Maamulka Shebekadaas.Waxay ku kaceen colaad horin, xaalad abuur, kicin dadwanye iyo khalkhal gelin nabad gelyo.


3-Waxaanu uga digaynaa saxaafadda isku sheegta “Xorta’, inaanay faafin magacyo aan jirin oo ku hadlaaya af qabiil, colaadna ka dhex abuuraaya bulshada Somaliland . Ciddii isku dayda inay nabadgelyadda khal khal geliso, gacan bir ah ayaanu wax kaga qabaynaynaa .




Chief Caaqil Mohamed Dahir.
Chief Caaqil Cali Colujoog
Chief Caaqil Cabdi Xirsi Galow
Chief Caaqil Yusuf Cawad Qoorshe
Chief Caaqil Axmed Cabdi Muruqliqe
Chief Caaqil Ahmed Xuseein Libax.
Chief Caaqil Mataaan Xaaji Xuseein


Waa bilaah Towfiiq

 


Fadhigooda Burco/Odwayne