BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

 

Warbixin ku ku saabsan habka BBC Somali ugu waranto Somaliland
Jimce, November 14, 2008
Hargeisa, Somaliland

Annaga oo ah, Ardayda Heerka kowaad ee Kulliyadda Saxaafadda iyo Warbaahinta ee Jaamacadda Hargeysa, oo mataano la ah Jaamacadda Indiana University of Pennyslavania ee dalka Mareykanka, marka ugu horraysa waxa aanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen shicibkii aan waxba galabsan ee ku geeriyooday qaraxyadii gardarrada ahaa ee ka dhacay Hargeisa 29kii Oktoobar 2008. waxa kale oo aanu Illaahay (swt) uga baryaynaa in uu caafimaad siiyo dadkii ku dhaawacmay iyo dadkii xannuunada nafsiga ah ay ka soo gaadheen.

Beryahan u dambeeyay waxa soo xoogeysanaysay dhaliilaha warbaahineed ee Idaacadda BBC-da, Laanta Afka Soomaaliga ah, oo ka baydhay tilmaamaha aas-aasiga ah ee saxaafadeed, oo ay ka mid yihiin tebinta warar dhex-dhexaad ah, sugan, isla markaana si caddaalad ah looga weriyo dhinacyada ay taabanayso.

Tusaale dhow, waxa aan u soo qaadan karnaa war ay BBC-da Laanta Afka Soomaaliga ay siideysay 9 November 2008, kaasi oo ku saabsanaa hawlaha baadhitaanada ay Ciidamada Somaliland ku xidhaan dadka looga shakiyay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay Hargeisa 29kii Oktoobar 2008.

Qaabka warineed ee warkaasi ay BBC Somali sheegtay ayaa ahaa mid ka aradan milgaha saxaafadadeed iyo qodobada aas-aasiga ah ee war tebinta. Weriyaha BBC Somali ee warkaasi akhriyay waxa uu qodob warreedkiisa ku bilaabay nidaam muujinaya weerar toos ah oo BBC Somali ku hayso shacabka iyo dowladda Somaliland. Waxana uu weriyuhu akhriyay tibaaxo dhammaantood ah kuwo aan waafaqsanayn qaabka saxaafadeed iyo warbaahinta.

Waxa nasiibdarro ah in BBC Somali ay sidan ku dhawaaqdo: "Haddii aad joogto magaalada Hargeisa, oo aad ka timid Koonfurta Somalia ama lagaa dhadhansado lahjad koonfureed, Dumar, carruur iyo cirooleba midkaad doonto ahow oo lagama yaabo in aad ka badbaado Booliska Somaliland|”.
BBC Somali waxa ay warkooda ku sheegeen in dowladda Somaliland ay xidho, dhibaatana u geysato dhammaan ummadda Soomaalida ah ee ka soo qaxay colaadaha iyo abaaraha ka jira Koonfurta Somalia, iyada oo weriye Yuusuf Garaad Cumar, oo ah tifaftiraha BBC Somali ay deggan qaraabdiisu degan yihiin Hargeisa, si fiicana loo soo dhaweeyey. Weriyuhu waxa uu carrabkiisa ku adkeeyay in aanay suurtogal ahayn qof aan u dhalan Somaliland in uu ku noolaado wadanka Somaliland.

Waxa arrin laga tiiraanyoodo ah isla qodob wareedkaas in ay BBC-du ku warraysatay gabadh da'yar oo aan la xusin magaceeda iyo in ay tahay qof looga qaateen ah oo laga warraysan karo arrimaha xaasaasiga ah ee sidan oo kale ah, iyoda oouu wariye ujoogo.

Waxa kale oo xusid mudan in Jimce, 31kii Oktoobar 2008, ay Idaacadda afka Soomaaliga ee BBC-da qabanqaabisay dood ku saabsan ciddii ka dambeysay qaraxyadii ka dhacay Hargeisa. Marka la qabanayo doodaha noocan oo kale ah waxa muhiim ah in saxafiga aanay ka dhex muuqan aragtidiisa ku aadan qodobka laga doodayo, isla markaana uu dhex noqdo dhammaan dhinacyada dooddda ku lug leh, oo keliya in doorkiisu noqdo mid hoggaamineed, isla markaana uu hadalada ugu qaybiyo si siman.

Haddaba, Yuusuf Garaad Cumar, oo ah tifaftiraha wakhtigan ee Idaacadda BBC Somali, waxa uu bilaabay in uu si toos ah u soo bandhigo aragtidiisa ku aadan cidda ka dambeysay qaraxyadii Hargeisa. Isaga oo difaacay Ururka Al Shabaab, oo ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah dadkii dooda ka qayb-galay in ay ka dambeeyeen qaraxyadii Hargeisa.

Waxa kale oo tusaale loo soo qaadan karaa sida ay u luntay dhex-dhexaadnimadii BBC Somali ee guud ahaan dadka Af Soomaaliga ku hadla. Dhacdooyinka ugu waaweyn waxa ka mid ah:

Geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon, oo ahaan jiray muddo dheer Madaxweynaha Djibouti, waxa dhacday in BBC-du aanay ka diyaarin barnaamijkii taariikheed iyo xasuustii halgameed ee hoggaamiyahaas qaaliga ah ka baxay Soomaalida oo dhan.

Sida oo kale, Dr. Cabdimajiid Xuseen, alle ha u naxariistee, oo isna ka mid ahaa hoggaamiyayaasha Soomaalida ee shaqooyinka heerkoodu sareeyo ka soo qabtay dowladda Ethiopia iyo Qaramada Midoobay, may diyaarin idaacadda BBC Somali ee uu tifaftiraha ka yahay Yuusuf Garaad.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, oo isna ahaa hoggaamiye siyaasi ah oo taariikh ballaadhan ku leh geyiga Soomaalida oo dhan, gaar ahaan ummadda Somaliland, muu uusan helin in BBC Somali ay diyaariso xuskii taariikheed ee uu xaqa u lahaa.

Arrintaasi waxan ku qiyaasaynaa qaabkii warbaahineed ee dhinaca ujanjeedhay ee ay BBC-du kaga warbixiso Marxuum Aadan Cadde alla ha u naxariistee, oo isna ahaa hoggaamiye Soomaaliyeed oo taariikh weyn leh. Balse waxay gaadhay heer ay BBC-du warbixinaheeda ku soo xigato aqoonyahano ku tilmaamaya “In uu ku sifoobay Nebinimo”. Waxa jiray barnaamijyo taxane ah oo muddo dheer qaadatay oo ay BBC Somali ugu go’day Marxuum Aadan Cadde, si ka badan tebinta ay siisay hoggaamiyayaasha kale ee Soomaalida.

Idaacadda BBC, laanteeda Afka Soomaaliga, waxa ay si toos ah uga soo horjeedaa madaxbannaanida iyo dimoqraadiyadda Somaliland, iyada oo sameysay khariirad cusub oo ay ku kala goynayso wadanka Somaliland. Weriyaha BBC Somali ee Hargeisa, Axmed Saciid Cige, waxa laga mamnuucay inuu ka warbixiyo Gobollada Sool iyo Sanaag, oo ka tirsan Somaliland, waxana loo qoondeeyay in ay ka soo warbixiyaan weriyayaasha BBC Somali ee ku sugan Somalia.

Idaacadda BBC, laanteeda Afka Soomaaliga waxa caado u noqotay in ay si joogto ah hoos ugu dhigto wararka iyo dhacdooyinka ku saabsan Dabaaldegyada Madax bannaanida Somaliland, iyada oo buun-buunisa dhacdooyin yaryar oo lid ku ah qaranimada ummadda. Waana arrin ummadda oo dhan u wada muuqatan tan iyo intii uu Yuusuf Garaad la wareegay gadhwadeenimada Idaacadda BBC Somali, oo la filayay in ay dhex u noqoto dadweynaha Af-Soomaaliga ku hadla oo dhan.

BBC Somali, waxa kale oo ay iska indho tirtaa in ay ka warbixiso safarada ay madaxda Somaliland ku tagaan wadamada Yurub, Afrika, Amerika iyo Eeshiya, iyo shirarka muhiimka ah ee lagu martiqaado Somaliland.

BBC Somali, waxay si badheedh ah dagaal ula gashay shicibka iyo dadweynaha Somaliland, iyaga oo mowduuca kowaad ka dhigtay dhacdadii Xadhigii Zamzam Axmed Ducaale, oo lagu eedeeyay fal dembiyeed ka dhan ah Qaranimada Somaliland. Waxana ay bilaabeen in ay buun-buuniyaan, oo ay noqoto dhacdada wareed ee lafdhabarta u ah barnaamijyada BBC Somali ee sannadkii August 2004.


Iyada oo ay sidaas tahay, BBC Somali waxa ay ku guuldarraysatay in ay ka warbixiso fal dembiyeedyo isdaba joog ah oo dadka Somaliland loo geystay, sida Xaawa Xuseen, oo lagu jidh-dilay xabsi ku yaalla Boosaaso. Arrintaasi BBC Somali kama ay warbixin.

Sannadkii 2005 wadanka Somaliland waxa lagu xidhay hawlwadeeno argagixiso, oo isku dayay in ay weeraro ka fuliyaan doorashadii Baarlamaanka ee ka dhacday wadanka. Dadkii la xidhay waxa ka mid ahaa Maxamed Sh. Ismaaciil, oo maxkamad sharci ah ay ku heshay in uu ku lug lahaa falalkaas. Muddo dabadeed, sannadkii 2006 waxa soo baxay cajalad been abuur ah, oo lagu sheegayo in la jidh-dilay sheekha, arrintaasi BBC Somali waxay bilowday in ay uga faa’iidaysato cadaawaddii iyo dagaalkii ay kula jirtay wadanka, waxan ay bilowday in ay mowduucyo iyo warar isdaba joog ah oo ay ku buun-buuninayso cajaladaas ka baahiso barnaamijyada BBC Somali.

13, July 2007, Idaacadda BBC Somali waxa ay qabatay Barnaamij toddobaadle ah oo su’aalo lagu weydiinayay Madaxweynaha Kililka 5aad ee wadanka Ethiopia, wakhtigaas waxa taagnayd dhacdooyinkii naxdinta lahaa ee Baabuurta Ganacsiga ee Somaliland lagu gubay gudaha Ethiopia, gaar ahaan gobolka Soomaalida. Baabuurtaas oo tiradoodu ka badnayd 30 baabuur oo ah kuwa xamuulka. Waxa la filayay in Madaxweynaha lagu weydiiyo dhacdooyinkaas, waxase Idaacadda BBC Somalia ay joojisay maalintaas in ay qabato dhammaan telefoonadii looga dirayay Somaliland, hal marna su’aalihiisii kuma uu darin su’alihii uu weydiinayay Yuusuf Garaad, oo barnaamijka xidhiidhinayay.

Iyada oo aan laga gayoonayn masiibada ku habsatay qaabka saxafadeed ee BBC Somali, oo uu horseed ka yahay Yuusuf Garaad Cumar, oo kaashanaya shaqaale uu qaraabo-kiil ku soo dhoweystay.

Waxa ay BBC Somali caado ka dhigatay in ay daboosho dhammaan warbixinaha Caalamiga ah ee sida fiican u qora xaqiiqooyinka iyo dhacdooyinka horumarka leh ee umadda Somaliland ay sameyso. Waxana ka mid ah warbixinaha ay qortay hay’adda ka digta khataraha Caalamiga ah ee “International Crisis Group” oo Somaliland ka diyaarisay warbixin dhiirigelin ah, oo Soomaalida oo dhan ay ku farxi karto, oo ku saabsan horumarka iyo geedi-socodka nabadeed ee Somaliland.

I.M Lewis, oo ah qoraa si qoto dheer wax uga qora arrimaha Soomaalida, waxa uu BBC Somali ku tilmaamay sannadkii 2003, in ay tahay “Afkii Carta” wakhtigii Cabdiqaasim Salaad Xasan loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Somalia. Waxana maanta la odhan karaa waa “Afkii Al Shabaab”.

Sidoo kale, December 2006 iyo January 2007, Yuusuf Garaad Cumar, oo ku sifoobay afhayeenimada cid gaar ah, waxa uu safar ugu ambobaxay Nairobi, si uu uga soo tebiyo warar joogto ah, oo uu ku taageeryo Maxkamadihii Somalia, oo wakhtigaas dagaalo kula jiray kooxo kale, oo ka soo horjeeda.

Waxaa la xasuustaa wakhtigii magaalada Hargeysa laga furayey xarunta FM- BBC Hargeysa, xafladdii lagu qabtay Hutel Maansoor-Hargeysa, oo uu joogay Yusuf Garaad, ayaa Marxuum Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal, hadal uu ka jeediyey waxa uu si qoto dheer ugaga waramay sooyaalkii BBC-da, hadaladiisii waxa ka mid ahaa, Hadafka BBC-da ee dhax-dhaxaadnimada waxa ku dhaqma Afaf kale sida English iyo Abaric, hase ahaatee Laanta Afka somaligu kuma dhaqanto.

Waxaa kale oo la xasuustaa sanadihii 2002 ilaa 2004, waxa Hargeysa Aqoon korodhsi loogu qaban jiray Suxufiyiin ka iman jiray Somaliya siiba muqdisho, waxaana qaban jirtay BBC-da qaybta tababarada, dhallinyaradii Muqdisho waxay ku faani jireen “haddii aanu nahay “Qabiil Hebel” Yusuf Garaad, ayaa BBC-da noo fadhiya” show waxa jira ayey iftiimin jireen.

Haddaba, Idaacadda BBC Somali, oo ka tagtay ujeedooyinka iyo tiirarka Aas-aasiga ah ee loo dhigay Shirkadda British Broadcasting Corporation Ltd, oo ku hadasha ilaa 40 luqadood, waxa ay joogteysay:

1. In ay Colaad ka dhex abuurto ummadda Soomaalida, iyada oo tebinaysa warar aan dhex-dhexaad iyo sugnaan ku dhisnayn.
2. In ay kala fogayso shacabka Somaliland iyo shacabka Ingiriiska, oo cashuurta ay bixiyaan lagu dhaqaaleeyo BBC-da.
3. BBC Somali waxa ay luminaysaa rajadii dadka Soomaalida ka qabeen in ay helaan idaacad ama telefishan dhex ah, oo arrimahooda si miisaamin ah, caddaalad, sinnaan, run sheeg iyo mihnadyaqaanimo ah ugu hawlgasha.
4. BBC Somali waxa ay taageero u muujisay kooxo lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihin falal argagixiso.
5. BBC Somali waxa ay dagaal kula jirtaa madax bannaanida iyo dimoqraadiyadda Somaliland.

Ugu dambeyn, waxa aanu u soo jeedinaynaa maamulka sare ee BBC, in ay wax ka qabtaan Barnaamijka Afka Soomaaliga ee BBC-da. Iyada oo haddii aan tallaabo laga qaadin ay wax u dhimi doonto sumcadda BBC guud ahaan.

B.A. Degree Students in Journalism and Mass Communication, UOH.

Xubnaha guddiga ardayda.


1) Adnaan Daahir Muxumed
2) Mustafe Adam Muse
3) C/Raxmaan Maxamed Axmed
4) Maxamed Ibrahim C/laahi
5) Samsam Axmed Xasan
6) Aamina Maxamed Rodol