Bayaan taageero ah oo ku wajahan ka qayb galka iyo natiijadii shirka Soomaaliya ee London


 

 


Waxa aannu guul u aragnaa in shirkan ay ka soo baxeen saddex qoddob oo Somaliland guul siyaasadeed u noqon karaya .....

Taariikh:01/03/2012
Tixraac: SSE30501032012

War Saxaafadeed

Bayaan taageero ah oo ku wajahan ka qayb galka iyo natiijadii shirka Soomaaliya ee London

Ururka Somaliland Societies in Europe (SSE) oo kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub wuxuu bayaan ama fariin taageero ah u dirayaa shacabwaynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, madaxda qaranka ee uu hormoodka ka yahay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilanyo”, Golayaasha Qaranka, Xisbiyada iyo ururada siyaasadda. Waxaan ku taageeraynaa guushii siyaasadeed ee Somaliland uga soo hoyatay madashii shirka Soomaaliya loogu qabtay London bisha Febraayo 23keedii 2012.
Nuxurka siyaasadeed ee ka soo baxay shirkaas waxaan u aragnaa inuu wax wayn ka tarayo qadiyadda gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa xusid mudan, inay dawlada iyo shacabka reer Somaliland, gudo iyo debedba in bilowgii hore ee shirka ay dareen wayn ka muujiyeen maqaamkooda shirku siduu noqonayo qaran ahaan. Waxa Ilaahay mahadii ah in wada tashi ballaadhan oo laga yeeshay arrinkan ayaa keenay in gorgortan adag lala galo dowladda Ingiriiska. Gorgortankaas iyo dadaalkii loo galay in marka hore balanqaad cad laga helo dowladda Ingiriiska ayaa sababay in la ballan-qaado inaan Somaliland ku dhex milmi doonin kooxaha reer Soomaaliya. Ballantaas xukuumadda Ingiriisku way fulisay.
Ururka SSE waxa uu guul u arkaa in dowladda Somaliland ay ixtiraamtay baaqyadii, qaylo dhaantii iyo talooyinkii ka soo yeedhay dhammaan shacabka iyo qurbo joogga Somaliland iyo Golayaasha Qaranka ee ku salaysnaa in qaddiyadda Somaliland ee gooni isku taagga ah aanay gorgortan galin iyo in xisaabtan adag oo meel mar ah lala galo dowladda Ingiriiska inta aan shirka laga qayb gelin, waxna la isku ogaado.
Waxa aannu guul u aragnaa in shirkan ay ka soo baxeen saddex qoddob oo Somaliland guul siyaasadeed u noqon karaya:

1.Shirku waxaa uu aqoonsadey in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo TFG-da amma ciddii beddesha ay ku heshiiyaan inay yeeshaan si loo caddeeyo xidhiidhkooda mustaqbalka. Qodobkani waxa uu dunida tusayaa in Somaliland ay gaar ka tahay Soomaaliya. Tallaabadani waa guul weyn oo u soo hoyatey reer Somaliland.

2.Dhaqaalaha Somaliland la siinayo oo laga madaxbanneeyay ka loogu deeqo Soomaaliya oo ay mustaqbalka maamuli doonto guddi ka socota beesha caalamka. Arrinkani waxa uu salka ku hayaa ku dhawaaqistii “Somaliland Development Corporation” oo ah Hay’ad dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga ah. Waxa kale oo xusid mudan soo bandhigistii Qorshaha Horumarinta Somaliland ee shanta sanno ee soo socda (Somaliland Development Plan) oo lagu soo bandhigey xarunta Baarlamaanka UK.

3.Waxa la caddeeyay in mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaalidu uu yahay mid
dadka Soomaalida ahi ay iska leeyihiin.
Guulahani may ahayn kuwo dhayal ku yimid. Waxa lagu soo hooyay isku duubni iyo wada tashi joogta ah oo ay ka wada qayb qaateen dhammaan hay’adaha qaranka oo ay garabtaagan yihiin shacabweynaha reer Somaliland. Waxa intaa dheeraa afkaarta ay qurbo joogga Somaliland ay ka gaysteen isku diyaarinta ka qayb galka iyo ka midho dhalinta shirka.
Ururka SSE waxa uu u mahadnaqayaa dhammaan xubnihii jaalliyadaha reer Somaliland ee Yurub gaar ahaan Jaaliyadaha UK iyo Holland ee sameeyay bannaanbaxyadii lagu taageerayay qaddiyadda gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale oo ay SSE u mahad celinaysaa jaaliyadaha Somaliland ee Norway, France, Belgium, Sweden iyo Holland oo iyaguna ka gaystay taageero dhaqaale sidii isu-soo baxa London looga midho dhalin lahaa.
Isu-soo baxa muujinta rabitaanka shacbiga Somaliland ee London ka dhacay 22kii Feebarwari waxa uu ahaa mid noociisa aan hore loo arag, waxaana xusid mudan in madaxda qaranka oo uu horkacayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka soo qayb galeen bannaan baxaa. Ururka SSE wuxuu si gaara ugu mahadnaqayaa dhammaan xubnihii guddiga qabanqaabada isu-soo baxa oo muujiyay waxqabad dheeraad ah iyo kuwii soo diyaariyay madasha London ee uu kula kulmay dadweynaha reer UK.
Ugu dambeyn ururka SSE waxa uu Ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo habeenkii munaasabada la kulanka Madaxweynaha ee London uu xanuun la soo darsay. Xaaladda Wasiirku hadda way soo raynaysa.
Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan wuxuu wax badan ka geystay fikirkii ka dambeeyay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka midho dhaliso ka qayb galka shirka London. Fikirka Dr. Maxamed-Rashid wuxuu ku salaysnaa in laga wada tashado ka qayb galka shirka; in wada tashigaa laga qayb galiyo dhammaan hay’adaha qaranka iyo qurbo jooggaba.


Allah ayaa mahad leh.
Guddiga Fulinta ee SSE

Website: sseuro.com
Email: info@sseuro.com
Somaliland Societies in Europe
360 Great Western Street
Manchester
M14 4BY
Tel: 0044 161-2493978
Mob: 00447930655099
Website: sseuro.com
Email: info@sseuro.com




Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub.