BAYAAN GUDIDA GUUD EE BEESHA CIIDAGALE

 

BEESHA CIIDAGALE MARNA KAMA TANAASULIN DOONISTII GOBOLKA

 


Arinta Ku saabsan Salaxley iyo Deegamada hoos yimaadaa Waxay ay noqotay mid indhowaale ku soo noqnotay war baahinta iyadoo qof waliba sida uu jecel yahay uu uga hadlo sidaa awgeed gudiga guud ee beesha Ciidagale waxay ay mar kale u sheegaysaa Xukuumadda iyo beelaha kale ee Somaliland ba in Go’aankii Shirweynihii beeshu isugu timid ee ka dhacay dhamaadkii Bishii Ogost magaalada Hargeysa (HOTEL AMBASSADOR) in beeshu si wada jir ah u go’aansatay in ay hesho xaqa beeshu u leedahay gobol sida dhamaan beelaha kale ee Somaliland u heleen.



Hadaba waxanu u sheegayanaa cid kasta oo arintaasi khusayso in go’aankaa Beesha aanu bedeli karin qof ama kooxi toona, arintaa doonista gobolka iyo wixii arimo kale ee beesha si guud u khuseeya waxaa u xilsaaran oo ay beeshu u igmatay gudidda guud ee beesha Ciidagale.



Waxaana jira in wada hadal uga socda beesha iyo xukuumadda arintaas ku saabsan Gobolka walina uu socda wada hadalkaasi.

Degaamadda Salaxley hoos yimaadaa waxay doonistooda ku muujiyeen Tiradii isu diiwaangelisay Doorashooyinka Soo socda , iyadoo waliba in badan oo beesha ka mid ahi ay abaaraha awgood u suurta gali wayday inay yimaadaan si ay isu diiwaan geliyaan.



Waxaa kale oo aanu u sheegaynaa beelaha aanu walaalaha iyo jaarka nahay in arintaasi aanay ahayn mid wax u dhimaysa dersi wanaaga , waxa wada qabsiga iyo wada noolaanshaha , waxaananu markasta diyaar u nahay ka wada tashiga wixii beelaha dan u ah.


 

 




GUDOOMIYAHA GUDIDA GUUD EE BEESHA

KAYSE HAYBE MAXAMUUD