BAYAAN : JABHADDA “ ANTI -SAMATAR MOVEMENT “ ASM”

 

 


KU : BULSHO-WAYNTA SOMALILAND

Markaanu aragnay falka foosha xun ee ninka lagu magaacaabo Professor Samatar kula kacay calanka tawxeedku ku xardhanyahay ee Somaliland,

Markay ka aamustay Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, iyo saddexda horgale ee kala ah : Wasiir Timacadde, Wasiir Geeljire iyo EX-Wasiir Boobe,

Markay ka muquurteen labada Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID,

Markay afka xidheen xildhibaanada labada Gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda

Markay indhaha ka qarsadeen halgmayashii SNM ay ka mid yaheen Muj Axmed Mire, Muj Dhegawayne , Muj Abdirahman Aw Ali.

Markay ka aamustay saxaafaddii Somaliland, ee qayladda iyo qaxarka badnayd, iyo boqolkii abwaan isku-sheeg ee ku mashquulay jawaabta Wasiir Xirsi :


Waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aasaasnay Jabhadda ANTI SAMATER Movement” , oo fa dhigeedu yahay London, UK. Waxaanu laamo ka furaynaa Magaalooyinka - Hargeisa, Berbera, Bura o, Borama, las Anod, Cerigavo, Oodwayne iyo Gabiilay. Ujeedooyinka Jabhadda waxa ka mid ah :
 

1. Qaban qaabadda mudaahraadyo isdaba-jooga- Dibedd & Digelba , illaa inta Ina Samataer laga mustaafurinyaao Somaliland.

2. Waxaanu ugu baaqaynaa Ururadda rayidka ah , ardayda iyo bulsho-waynta Somaliland inay muda aharaad iyo dhagaxtuur kala hortagaan haddii Xukuumadda Siilaanyo kusoo hogaamiso Goboladda Sahel, Selel, Sanaag, Saraar ,Sool , Togdheer iyo Daadmadhedh.


3. Waxaanu si gaar ah ugu baaqaynaa bulshada Reer Burco , oo ah halkii Calanka lagu suntay, inay dacar leefsiyaan ina Samater iyo horgalyaasha la socda.


Guul iyo Gobanimo - Somaliland.

1. Hoodo Yusuf- “ Gudoomiyaha Jabhadda “ANTI Samater Movement”
2. Canab cabdi Bayr “ Xoghayaha Guud”
3. Saado Baynax “ Hogaanka Abaabulka’
4. Farxiya Kaariye “ Hogaanka Wacyigelinta”
5. Ruun Abokor “ Xidhiidhka laamaha”
6. Asha Fadal “ Media Relations “
7. Zahra Kooshin - Xubin
8. Ifraax xandule - Xubin
9. Qamar Mohamed Kaarshe- Xubin
10. Ruun Xandule- Xubin

 



http://www.youtube.com/watch?v=EWq0JYlb96g&feature=player_embedded