B A R O O R D I I Q

 


Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka qoyskaygaba, waxan tacsi u dirayaa dhammaanb a bahda saxaafadda Somaliland iyo guud ahaanba muwaadiniinta reer Somaliland meel k asta oo ay caalamka ka joogaanba- gaar ahaan, inta jecel garsoorka xaqa ah iyo sinnaa nta. Kuwaasi oo aan ka tacsiyeynayo geeridii murugada lahayd ku timid, halyeygii weyn aa ee Maxamedrashiid Muxumed Faarax oo xalay ku geeriyoodey cusbitaal ku yaalla mag aalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.

Alle ha u nariistee, Maxamedrashiid wuxu ahaa nin hal adag oo xilkii uu Solja u hayey oo ahaa xoghayaha guud ka soo dhalaalay oo aan ogolaan jirin; dhoodhoobka iyo dhalantee dka rag saaxiibadii ahaa raaceen!
 

 


Godka lagu janneeyow
Wuxu ahaa geesi noo kacaye

*****

Gabashada nin diiduu ahaa
Oon galowda yeelayne

*****

Geeryaaluhu markuu maago
Ayuu geer ka soo kacaye

*****

Gorgortan iyo wuxu diidi jiray
Gini la qaataaye

*****

Gaagaabsi muu yeeli jirin
Gabadh sideediiye

*****

War gaalaalan buu bixin jiray
oo garasho raacdaaye

*****

Xilkii uu gardaadsay
ayuu gaadh ka hayn jiraye

*****
Gardarrada ma yeelayn
Iyo xumaan lala gucleeyaaye

*****

Goblantaye Saxaafadi
Maxay geesigaa odhan!

 

C/llaahi Maxamed Cumar
Email:
timacadde56@hotmail.com