Barnaamijka cusub ee “Kor U Hay” ee la Dagaalanka Mucaaridka

 


Waxaa dhowaan Ku soo biiray siyaasadda Somaliland magac ku cusub OO la yidhaa “Kor U Hay” kaasoo ay Xukuumadda Kulmiye dhabar jab kula beegsanayso xisbiyadda mucaaridka ah. Kulmiye waxay bilaabeen inta jilicsan iyo inta xil doonka ah ee mucaaridka ka tirsan ayaa lala xidhiidhayaa OO lagu odhanayaa CVgaagii bal noo keen. Maadaama ay dalkii baahi iyo shaqo la ,aan baahsani ay jirto waxaa laysu tusayaa shakhsiyaadkaa CVga la weydiiyey in la siin doono shaqo OO ay Kulmiye noqon doonaa.

Sida lay sheegay waxa “Kor u hay” loogu bixiyey waa iyadoo marka ay dadkan jilicsan ama xil doonka ah ee mucaaridka ah marka ay u waraysi tagaan Xukuumadda ee ay is yidhaahdaan bal warsadda in shaqo laydiin helay ay madaxda xukuumaddu Ku jawaabto ” Kor baan u haynaa CVgaagii”. Runtii waa nasiib darro xukuumaddii looga fadhiyey in ay dalka horumar gaadhsiiso OO xataa xisbigoodan kala fadhiya ee Kulmiye bal shirweyne uun u qabato iyadoo imika la shee gayo in mar kale dib loo dhigayo. Xukuumaddu xil baa loo iigmaday, marnaba U CID baa layska casilay u noqon mayso marmarsiiyo OO filimkaasi xilkay Ku heshay ileyn Kulmiye waa kii odhan jiray UDUB lama rabbo OO waa layska casiley,


haddaba isla filimkii shaqeyn maayee ileyn Kulmiyaa xilka hayee ” khuuro kale keen”. Xisbigga UCID 130,000 OO cod ayuu helay tartan kii Golaha deegaanka iyadoo 7 xisbi tartamaayo. Haddaba dhowr qof oo ” Kor u hay” xaalkoodda lagu waddo waxba u noqon maayo. Beentuna waa xaaraane Ilaahay ka baqoo bal Kuwa beenta ah uun TVga ka reeba ileyn somaliland waa istaqaanaaye. Dawladda wixii loo igmaday ayaa laga rabaa ileyn Ummadda ayaa idiin dhiibtay, xisbiyadda mucaaridka ah Ku ilaaliya ayaa iyagana la yidhi. Xukuumaddu ha ogaato canshuurtii danyarta ayeey mucaaridka kula dagaalamaysaa.

Ilaahay tubta toosan hayna tuso.

Wa bilaahi Tawfiiq

Jamaal Cali Xuseen