Barakaca xoolo dhaqatada Abaartu soo hayaamisay iyo Biyo la,aanta kajirta tog wajaale

 


magalada tog wajaale ah xurunta ganasiga somaliland ugu balaadhan islamaarkaana kutaal xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo ethiopia waxana kuyaal saylada xoolaha ee ugu balaadhan gaaska afrika waxana ay ku kala iibsadaan qoomiyado kala isir ah loona yaqaan dakadii
qalalnayd waxay magaalada wajaale ka arad santahay adeegyadii aasaasiga ahaa ee lafdhabarta u ahaa nolosha binu aadamka oo ay ka mid
yihiin biyaha oo ah nolasha koobaad caafimaadka waxa jirta biyo laan kajirta magaalada tog wajaale iyo deegaanada ku xeeran iyada oo
ay kusoo barakaceen dadkii xoloo dhaqatada ahaa ookasookala hayaamay melo kala gadisan sia Qoolcaday gunburaha iyo meelo kale oo katirsan kililka shanaad ee soomalida ethiopia xolodhaqatadaas abaartu soohayaamisay ayaa isugu jira kuwo geelwat kuwa adhi wata iyo kuwo looda wata xoolo dhaqatada abaartu soo hayaamisay ayaa lagu qiyaasi karaya ugu yaraan 2500 oo qoys kuteedsan mashruuca tog wajaale iyo tuulooyinka ku teedsan ee hoos yimaada dadkaas oodhibaato kahaysato biyo la,aan cuno la,aan iyo hoy la,aan
iyaga oo an wax gacan ka helin xukuumada soomaliland lana ogay waxay ku suganyihiin waxa soo dhaweeyey ookaliya dadkii beeralaydii
ee daganaa wajaale iyo baadiyaheeda iyaga oo taakuleeyey intii karaankooda ahayd waxaan hada aan wax kawaydiiyey midkamida
xoolodhaqatada abaartu ku dhacday inay dibato dadani ka haysato xaga biyaha iyaga oo aan helin booyado ay biyaha kashubtaan islamarkaana foostadii biyihii laga siiyo 50 bir oo lacagta itoobiya ah waxa kale qaylo dhaan u diray xukuumada soomaliland iyo dadka somaliland inay lasoogadhaan gargaar ded deg ah iskusoo wada duuboo iyada oo tog wajaale marka horeba la daalaadhacaysay
biyo la,aanta kajirtay ayaa imikana waxa soo fuulay culays badan oo ka yimi dadka xoolo dhaqatada ah ee abaaraysan ee kasoo hayaamay
halkii hore ay u degenaanjireen hadaba iyadoo ay jiraan dhibaatoyinkaa aan soo sheegnay kama war hayo wasiirka wasaarada macdanta iyo biyuhu isaga oo xil ka saarayahay masuuliyadiisuna tahay in dalka oodhan biyaha gaadhsiiyo balse uu gaadhsiiyo ookaliya gobolada uu hayb ahaan kasoojeedo wasiirku mar uu nagusoobooq hoolka shirarka ee degmada tog wajaale wuxuu umada reer wajaale usheegay inuu hayo gacantana uugu jirto lacagtii wajaale biyo galin rasmiya loogu galinlaha lacagtaas oo usheegay inay wasaarad ahaan u qorsheeyeen wajaale 2.5 laba milyan iyo badh dollar sheegayna sanad gudiihi in lagu dhamastiridoono biyo galin rasmiya balse madhicin waxaanay reer togwajaale aamin san yihiin loo leexiyay deeganada uu kasoo jeedo wasiirka macdanta iyo biyuhu isaga oo biyii wajaale loo qodilahaa loo leexiyey Garada iyo ceelafwayn waxaan hadaba dadka reer wajaale ku wargali nayna inayjirin cid biyo u galinaysa balser iyagu inay isku tashadaan oo lacag la iska ururiyo logu qot ceel magaaladu kacabto cidkalena aanay waxba ka sugin allaah mahadleh
 


Maxamed Cabdilaahi Maxamed Qombor Tog waaale