Bangiga Dahabshiil International oo Qayb ka Qaatay Taa geerida Shir
loo Qabtay Maalgashiga Soomaalida

Nairobi (TNN):- Bangiga Dahabshiil International
(DBI) oo ka mid ah shirkadaha Dahabshiil Group, ayaa qayb ka qaatay
taageerida shir caalami ah oo loo qabtay maalgashiga Soom aalida iyo
sidii loo soo jiidan lahaa maalgashadayaasha adduunka, kaasi oo lagu
soo gunn aanaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Arbacadii.
Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray shirka, waxa lagu
dhiirrigeliyey ganacsatada Soomaalida inay hormood ka noqdaan dib-u-dhiska
dhulkooda, iyadoo la isla qaatay baahi da loo qabo in
maalgashadayaashu ka faa’iidaystaan deganaanshaha nabadeed ee
waqti gan, isla markaana beesha caalamku inay ka midho-dhaliyaan
caawimo dhaqaale.
Maamulaha guud Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo
shirkaddiisu hormo od u tahay isu-socodka lacagaha, ayaa sheegay
Dahabshiil door wayn ka qaato yaraynta faqriga iyadoo lacago
taageero iyo amaah ahba siiyaan dadka Soomaalida ah, “Shirkaday adu waxay u suurtogelisay Soomaalida qurba-joogga ah inay lacagta u soo
diraan qaraab adooda. Sidoo kale, waxaannu taageernaa ganacsiyada
cusub annagoo siina lacago lagu bilaabo iyo amaah,” ayuu yidhi Mr.
Cabdirashiid Ducaale.
Agaasimaha shirkadda Shuraako Mr. Lee Sorensen, ayaa sheegay in
dhawr maalgashada yaal muhiim ahi ay shirka ka ballanqaadeen lacag
ilaa $500,000 (shan boqol oo kun dollar) oo dhaqaale maalgalineed ah
si loogu taageero dib-u-dhiska adeegyada caafimaad ee Soomaalida.
Ganacsatada Soomaalida ee lagu casuumay shirka, ayaa ku
dhiirigeliyey maalgashadaya asha caalamiga ah inay ganacsigooda uga
faa’iidayeen fursadaha badan ee ganacsi ka jira, waxaanna madaxdaasi
qola waliba soo bandhigtay warbixinno la xidhiidha adeegaya da la
maalgashan karo, waxyaabaha fududaynaya maalgashiga ee ay sameeyeen
iyo xaa laddaha ammaanka.
Shirkan waxa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Safaaradda Maraykanka
ee Nairobi, Ban giga Adduunka iyo shirkad fadhigeedu yahay Maraykanka
oo la yidhaa Shuraako, isla mar kaana hirgelintiisa ay qayb ka
qaadatay shirkadda Dahabshiil oo ay goob-joogayaal ka ah aayeen
Maamulaha guud Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo saraakiil ka socotay
Bangiga Da habshiil, waxa ka qaybgalay ganacsato, maalgashadayaal,
khubaro ku takhasusay maalg ashiga iyo horumarintiisa iyo hay’ado
caalami ah, kuwaas oo diirrada saaray maalg ashiga gobollada
Soomaalida iyo helitaanka qorshayaal soo jiita maalgashadayaasha.
Saddex maalmood oo uu socday shirku waxa ka qaybgalayaashu
falanqeeyeen fursadaha maalgashiga ee ka jira dhulka Soomaalida ee
dhinacyada tamarta la cusboonaysiiyo, khay raadka dabiiciga ah,
heerka koritaanka ee ganacsiga, adeegyada horumarinta ganacsiga,
ganacsiga dumarka iyo dhallinyarada iyo qaybo kale oo badan.
Shirkani waxa uu daba socday dhawr ka horreeyey oo lagu qabtay
magaalooyinka Nairo bi, Dubai iyo London, iyadoo marba marka ka
dambaysa sii badanayaan ka qayb galayaa sha iyo daneeyayaasha
maalgashigu.




|