Wax qabadka Saddex biloodka Jan-March 2011 ee Xukuumada
Somaliland
09/04/2011
Ø Nabadgelyada:
Xukuumadu waxay ku guulaysatay iyada oo la kaashanaysa shacbiga,
waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo odayaada xiisadii Kalshaale, waxa
kale oo suurto-gashay in ay inta badan shacbiga Buuhoodle dareen
wanaagsan ka muujiyeen talaabadii xukuumadu ku soo afjartay xiisadii
Kalshaale waxa aanu uga mahad naqaynaa Odayaasha, Madaxdhaqameedka,
Ganacsatada, iyo Waxgarka dhan walba ee Gacan ka gaystay in
Xasilooni iyo Nabad gelyo lagu soo Dabaalo Deegaamadaasi sidaasi si
la mida waxa aanu u mahad naqaynaa Beesha widh-wdh oo si muuqata
Dedaalkaa Qayb ku lahaa waxa aanu ku rajo waynahay inta inta ka
dhiman ama Hadhsan hawshaa nabad-doonimo in ay iyaduna ku soo
afjarmi doonto Gogoshii nabada ee uu madaxweynuhu fidiyey.
Ø Booliska
1- waxa Dugsiga Tababarka Booliska ee Mandheera ka soo baxay 7
Dufcadood oo ay mid waliba ka kooban tahay saddex boqol oo askari
(300) oo ka kala yimid gobolada dalka Ciidankaasi waxa Hubaala in uu
Xooojinta Nabad gelyada wax wayn ka tari doono.
2- Waxa kale oo tababar gaara (special training) heerkiisu sareeyo
looga furay dugsiga Mandheera ciidanka SPU-da (Ciidanka Ilaalada
Hay’adaha caalamiga ah, wufuuda iyo wakiilada dalalka aynu saaxiibka
nahay u jooga Somaliland ,Huteelada waaweyn,Jaamacadaha).
a- waxa la dhisay Guddiyadii Ilaalinta Nabadgelyada ee xaafadaha
magaalooyinka dalka oo wada Shaqayn.
b- Waxa la diyaariyay mashruuc ay nala wado Hay’ada UNDP oo lagu
dhisayo guddiyada nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka (Peace
Building and Conflict Management Committees) ee heer qaran/gobol iyo
degmo,
wada shaqeyna la yeelanaya wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo
Guddoomiyeyaasha Gobolada/Degmooyinka, muddo dhowna la heli doono
dhaqaalihii lagu dhaqaajin lahaa hawshaasi.
3- Waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu qabatay shir-hawleed heer qaran
ah (National Convention of the Police Reform) oo ay kasoo qayb
galeen wakiilada wadamo badan oo ka mid ah kuwa loo yaqaan
Deeq-Bixiyayaasha iyadoo ay fulinayso Hay’ada UNDP, midhaha ka
dhasheyna noqdeen in sideg dega isbedel laxaad leh loogu sameeyo
dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliska, lana dhaqan geliyo
Sharciga Booliska (Somaliland Police Law), Qaab dhismeedka iyo
Darajooyinka Ciidanka, Tababar saameeya dhamaan qaybaha kala gedisan
ee ciidanka, Unifoomka ciidanka, Qaabka qorista oo siddii hore ee
ciidanka loo qori jiray laga guuro iyadoo laga qayb galinayo ardayda
dhameysata dugsiyada sare, Dhisme cusub oo ay leedahay xarunta
booliska iyo in laga haqab tiro agabka hawl-galka ciidanka amniga.
4- Waxa si aan nasasho lahayn ay ciidamada Boolisku u wadaan hawl-
galo ay kula jiraan tuugta, murano ka dhasha dhulka,biyaha iyo
daaqsinka,argagixisada iyo fashilinta tabaha cadowgu ku doonayo inay
ku khalkhaliyaan xasiloonida iyo dhaqaalaha dalka,sida gubistii
guryaha, daabacaada lacagaha faalsada
ah,kootarabaanka,tahriibka,ugaadha loo dhoofiyo sida sharci darada
ah iyo la dagaalanka dhaqan xumida sida khamriga iyo mukhaadaraadka,
waxaana xusid mudan sida laxaadka leh ee ciidamada boolisku uga qayb
qaateen difaaca qaranka iyagoo buuxiyay kaalintii ka banaanaatay
ilaalinta haamaha shidaalka iyo Dekedda Berbera,
sugayna amniga magaalada Laascaanood mudadii ciidanka milatarigu ku
jiray dagaalka.
1- Waxa deeqdii waxbrasho ee ugu weyneyd taariikhda Somaliland
saraakiisha laanta socdaalku ka heleen (25 sarkaal) safaaradda
Mareykanka ee Nairobi, kuwaas oo dufcado isdaba joog ah ugu bixi
doona Nairobi.
2- Waxa ciidanka Laanta Socdaalka laga haqab tiray gaadiid isugu
jira kuwo cusub iyo qaar la dayac tiray kuwaasoo ay baahi u qabeen,
wax weyna ka bedeli doona tayada hawl maalmeedkooda.
3- Waxa la kordhiyay tirada ciidanka Laanta Socdaalka (67) oo lagu
daray miisaaniyada sanadkan 2011 si goob kasta oo ka mid ah
xuduudaha, madaarada iyo dekedaha,huteelada la seexdo, IWM, ay uga
hawl galaan.
4- Iyadoo la hubinayo sugnaanshaha dhalasho iyo dembi la’aaneed,waxa
muwaadiniinta loo fududeeyay xaqa ay u leeyihiin inay helaan
baasaboorka JSL wakhti kooban oo munaasib ah.
Ø Ciidanka Ilaalada Xeebaha
1- Waxa dib-u-habeyn lagu sameeeyay qaab dhismeedkii ciidanka
Ilaalada Xeebaha lana asteeyay fadhiisimihii ciidanku ka hawl
galayay oo ka kooban baro ilaalo oo ku teedsan xeebta dheer ee
ciidamadu ka hawl galaan, xarumaha waaweyna ay yihiin saldhigga
galbeed (Saylac), saldhiga dhexe (Berbera) iyo saldhigga bari (Maydh)
lana sameeyay xarunta Taliska Guud (Hargeysa) oo la qalabeeyay.
2- Waxa dayactir lagu sameeyay haddana hawl gala gaadiidka badda (8
laashash) iyo dekedda dabaalata ee saldhiga dhexe ee Berbera oo ay
kusoo xidhaan raxanta maraakiibta iyo doonyaha ciidanka.
3- Waxa dhisme cusub oo fooq ah laga dhisay saldhiga galbeed
xaruntiisa Saylac,iyadoo dayactir laxaad leh lagu sameeyay xarunta
saldhiga dhexe ee Berbera iyo ka bari ee Maydh.
4- Waxa Ciidanka Ilaalada Xeebaha u yimid gawaadhi (14) iyo qalab
isgaadhsiineed oo isku xidhaya dhamaan laba iyo tobanka (12) barood
ee ku teedsan xeebta.
5- Waxay madaxda Ciidamada Ilaalada Xeebuhu ka qayb galeen shirar
caalami ah iyo Siminaaro lagaga hadlayay arrimaha Budhcad Baddeeda
iyo guud ahaanba tayaynta ciidamada Ilaalada Xeebaha.
6- Waxa la qabtay 52 doonyood oo si sharci darro ah uga
kalluumaysanayay xeebaheena kuwaasoo la hor- geeyay sharciga.
7- Waxay ciidanku qabteen 14 xubnood oo ka mid ah budhcadbadeeda
kuwaasoo haatan ku xidhan jeelasha dalka, taasoo toddobaadkan ay
gacanta ku dhigeen nin ka mid ah raga ugu caansan budhcad baddeeda
Puntland oo magaciisa la yidhaa, Cumar C/laahi Cabdi, fashiliyeena
11 iskuday budhcad baddeed saldhiga bari, dhinaca saldhiga galbeed
waxa la qabtay 8 doonyood iyo 3 baabuur oo siday tahriibayaal.
8- Waxa ciidanka ilaalada Xeebaha muddo dhow u imanaya 19 engine-da
doonyaha oo cusub,3 raadaal oo casri ah oo isku xidhan, waxaana laga
bedelayaa dekedda dabaalata (floating jetty), waxana loo dhisayaa
xarun taliska guud oo saddex dabaq ah.
Ø Hay’adda Miino –Saarka Qaranka (NDA)
1- Waxay Hay’adu si joogto ah u wadaa dadaalka ay ugu jirto siddii
Somaliland looga sifeyn lahaa walxaha qarxa sida miinada,khasharka
baaruuda,rasaasta IWM.
2- Waxa kale oo Hay’da NDA wadaa wacyigelin bulshada qaybaheeda kala
duwan si ay u noqdaan kuwo ka feejigan walxaha qarxa.
Ø Dhismaha 12 Saldhig
Waxaa la dhisay 12 saldhig Boolis oo loogu talo galay inay
Shaqeeyaan 2011-ka Horaantiisa waana la Dhamaystiray
Waxaanay kala yihiin
1. Gobolka Selal Hal Saldhig – Garbo-dadar
2. Gobolka Awdal Hal Saldhig – Cali Xaydh
3. Gobolka Maroodi-jeex Laba Saldhig – Ex. Badhka, Sal. Cali Rooble
4. Gobolka Saaxil laba Saldhig –Bulaxaar, iyo Laasciidle
5. Gobolka Togdheer 3 Saldhig – B/dhiig,khaatumo, iyo Kalbare
6. Gobolka Saraar Hal Saldhig – War-idaad.”
|