BANDHIGA BUUGA CUSUB EE QODOBBADA SALKA UHA BURBURKA QOYSKA

 


Waxay noo ahayd Habeen barakaysan taariikhduna ahyd 29 May 2013 oo waliba Arbaci u d anbayso waana Xaflad balaadhan oo loo sameeyay Gardaadinta Buuga dhawaaan curadka ah ee lamaca baxay (Qodobbada Salka u ah Burburka Qoyska )oo ahayd mid Si heer Sare ah loo Soo Agaasimay Waxaa ka soo Qayb Galay Dhaam ardayda Jamacadaha Kampala iyo mar ti sharaf kale iyo xubnaha ka Tirsan Naadiga Akhriska ee Garaadmaal ee Kampala oo qayb lib aaxle ka qaatay diyaarinta isku diba ridka hawsha oo sifiican u dhacday iyo waliba qoraaga ama Aqoon yahanka buuga Mr Fu’aad Cabdi Obsiiye oo ay nasiib u heleen marti sharaftu in uu kala soo qaygalo bandhiga Buugiisa.


Buuga Qodobbada Salka u ah Burburka Qoyska oo Si wayn loogu diyaar garoobay in badana ay xiisanayeen gaar ahaan inta Afsoomaaliga ku hadasha eek u dhaqan Kampala, Bandhiga Buugan ayaa waxaa Nasiib u yeeshay Yuusuf Xasan Jaamac iyo Saynab oo ka tirsan Ardayd ayda Jaamacada Kampala Internationa University ,buugaasi oo uu qoray Aqoonyahanka Mr Fu’aad Cabdi Obsiiye oo ay sifiican oo aad loodhacay usoo bandhigeen iyagoo soo koobay qo ddobadi ugu muhiimsanaa ee buugu ka hadleey ee inta badan saba ama salka u ah Burbu rla Qoyska.


Gudoomiyaha Naadiga Naadiga wax akhriska Garaadmaal ee uganda Mr Mustafe Maxamuud Cabdilaahi oo Furitaankii Xaflada Hadal kooban ka jeediyay ayaa ka waramay Geedi Socodka Naadiga iyo kaalinta uu kaga jiro Wacyi Galinta Dhalinyarada iyo Kor uqaadida Aqoonta Da,y arta Uganda Gaar ahaana Kampala, Musafafe waxaa uu aad ugu hadlay faa’iidooyinka Wax Akhriska isagoo dhiirigalin badan ardayda usoo jeediyey iyo bulshada kale ee jecel wax akhri ska iyo qoraalka kaalinta ay akaga jiraan hourmarka bulshadacaalamku.

Waxa isna Halkaa ka hadlay Maxamed Cilmi samater oo wax badan ka yidhi guurka iyo faa’iid ad uu uleeyey dhamaan bulshada isga oo adeegsanaya waayo aragnimadiisa uu leeyahay arimaha qoyska ,kana digay in la ga dheeraado qodobbada salka ah burburka qoyska, aadna ugu dhiirigaliyey dhalinyarada inay guursadaan kana fiirsadaan mustaqbalkooda noleel oo ay ku dabaqaan sunada Rasuulka (SCW).

Ugu danbayntii waxa su’aalo dhawr ah laga waydiiyey qoraaga isagoo sifiican oo waafiya ug a jawaabay kana gudoomay ardayda waxii faalo ma dhiiri galin ah ee ay suu jeediyeen qora aga ,waxayna aad ugu Hambalyeey qoraaga iyo cid kasta oo suura galisay inuu buugani cu rto ,Buugan oo waxbadan ka caawin doono dhamaan dhalinyarada aan guursan ee jecel inay wax ka ogadaan arimaha qoyska kuna hamiyaya inay maruun hantaan hoy iyo nolol raaxo badan oo guur.

 


All-Mahad leh
Farxaan Maxamed Jamaac
E-Mail:farmaj776@gmail.com
Tell: +256 793530422
+256 704617659
Uganda, Kampala