Bandhig Loo Sameeyay Buugaag Cusub oo Haayada EDC u Diyaarisay
Ardayda Dhigata Dugsiyada Hoose/dhexe.
“Mugdi iyo maandooriye, Guur iyo Gaadasho, Lilaahi iyo Lugooyo, iyo
ka u danbeeya oo la yidh aa Ilayska Aqoonta…”
Nimco Haybe
Hargaysa (TNN ) : - Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo
tacliinta sare Mr. Maxa med Xasan ayaa maanta ka qayb galay xaflad
balaadhan oo haayada EDC kusoo bandhigtay bu ugaag cusub oo ay u
diyaariyeen ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ee Somaliland oo lagu
qa btay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.
Munaasibadaasi lagusoo bandhigayay buugaagta cusub oo ahayd mid si
heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kale oo kasoo qayb galay
madaxda iyo shaqaalaha haayadaasi EDC, Abwaan Maxamed Ibraahin
Warsame (hadraawi), shaqaalaha ururada bulshada, qorayaasha iyo
marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mr.
Maxamed Xasan oo halk aasi hadal dheer kasoo jeediyay ayaa ka
waramay muhiinmada ay tacliintu u leedahay bulshada isagoo cadeeyay
in ardayga kusoo kora guri ay buugaag badan yaalaan uu ka maskax
badnaa nayo qofka ama ardayga kale ee kusoo kora guri bilaa buugaag
ah oo aan waxba lagu akhriyin.
Agaasimaha wasaarada waxbarashadu waxaa uu kasoo qayb galayaasha
kula dardaarmay inay ubadkooda ku dhiiri galiyaan inay wax akhriyaan
waayo buu yidhi qofka wax akhriyaa maanta wuxuu noqon karaa qoraaga
baritoole, akhriska iyo qaraalkuna sidoodaba ay isku xidhan yihiin.
Maxamed Xasan Waxaa uu ugu danbayntii soo jeediyay in la faro badiyo
goobaha wax lagu ak hristo (Libraries) ee ay xaafadaha magaaladu
leeyihiin taasi oo uu sheegay inay kor u qaadi doonto akhrista iyo
qoraalkaba.
Madaxa Mashruuca SIRIP ee haayada EDC Dr. Khadar Bashiir Ali oo
halkaasi ugu horayn uga mahad celisay dhamaan kasoo qayb galayaasha
sidoo kalena xog ka warantay ujeedada ay haayadani ka lahayd oo ay
sheegtay in haddii aanu ardaygu lahayn aqoon uu wax ku akhriyo
inaanu waxba baranayn taasina ay tahay muhiimada koowaad ee ay
mashruucan ka leeyihiin.
Dr. Khadar waxaa kale oo ay sheegtay in buugaagta ay qoreen
haayadoodu dhan yihiin sideed buug oo ay maanta halkan kusoo
bandhigayaan afar ka mid ah halka afarta kalena ay ku jiraan soo
bixitaankii, kuwaasi oo ay ugu talo galeen inay akhristaan dhamaan
ardayda afka soomaliga ku hadla meel ay joogaanba.
“waxaan aragnay luuqadii soomaligu inay tayadeedii sii lumayso, oo
waxbarashada luuqada so omalidu ay hoos usii dhacayso, taasina waa
arin aad iyo aad u muhiim ah in la darso waayo, wa xaa cilmi baadhis
lagusoo sheegay ardaygu haddii uusan luuqadiisa hooyo garanayn
waligiis ma awoodi karo inuu barto luuqado kale oo qalaad.” Sidaasi
waxaa sheegtay Dr. Khadar oo ka war amaysay muhiimada buugaagtani u
leeyihiin kobcinta iyo tayaynta afka soomaliga.
Dr. Khadar waxaa kale oo ay sheegtay in ilmaha yari ku farxayo marka
ay is ogaadaan inay dad ka tirsan yihiih, sidoo kale arkaan dadkii
ka horeeyay wixii ay sameeyeen taasi oo ay kula dar d aarantay in
soomalidu adkayso sheekooyinka xiisaha leh ee kaydka u ah bulshada
afka soomaa liga ku hadasha, iyadoo kasoo qayb galayaashan ku
boorisay inay kala shaqeeyaan oo waxa ay afka kusoo kordhin karaan
kusoo kordhiyaan.
Awbaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo isaguna munasibada ka
hadlay ayaa ka wa ramay muhiimada ay leedahay barbaarinta ubadka
isagoo ku dheeraaday in marka labada qof ee qoyska ahi doonayaan
inay ubad dhalaan looga baahan yahay inay ogaadaan ama is wayd
iiyaan sababta ay u doonayaan inay ubad dhalaan, taasina ay tahay ta
keenaysa in ilmuhu noq do mid wanaagsan iyo mid xun.
Abwaan Hadraawi waxaa kale oo halkaasi uga mahad celiyay haayada EDC
barnaamijkan iyo bu ugaagtan qiimaha leh ee ay maanta halkaa kusoo
bandhigeen, isagoo sheegay in barbaarinta ubadkana guud ahaan
xilkoodu saaran yahay bulshada ay ka dhasheen kolba sida ay noqonay
aana ku xidhan tahay kolba xaalada ay ku sugan tahay umadda dhashay.
Abwaan Hadraawi waxaa kale oo uu xusay in buugaagta ay haayada EDC
qoreen ay waxbadan ka anfici doonaan caruurta qurbaha ku dhalatay ee
ilaaway luuqadoodii iyo haybtoodii ee ku ab tirsada wadamada ay ku
dhasheen.
Nimco Haybe Cismaan oo ka mid ah hawl wadeenada haayada EDC gaar
ahaan qaybta soo band higaysa buugaagta ayaa iyaduna ka warantay
taariikhdii qorista buugaagtaasi oo shee gtay in ay ku qoran yihiin
labada luuqadood ee afka soomaaliga iyo ingiriisiga, ayna
horaysiiyeen luuqa da afka soomaliga, maadaama dadka akhrisanayaa ay
soomaali yihiin.
Nimco Haybe waxaa kale oo ay sheegtay inay buugaagtaasi qoreen
qorayaal da,ayar ah kuwa asi oo ay tilmaamtay inay fursad u ahayd
qorista buugaagtani, taasi oo ay sheegtay in haay ada EDC ugu talo
gashay inay caruurta soomalidu aanay noqon oo kaliyaata dad wax
akhriya laakiin ay noqdaan qorayaashi badali lahaa qorayaasha
waawayn iyo abwaanada maanta la jooga.
“Waxaa kale oo aanu ku talo galnay inaanu (EDC) ogaano mawduucyada
ay ku fikirayaan caru urtu waayo dhibaatooyin badan ayaa haysta,
mushkilado badan ayaa haysta, taasina waa sab abta aan ka helnay
sheekooyinkan in laga soo saar sheekooyin aad u tayo wanaagasan.”
Sidaa si waxaa sheegtay Nimco Haybe oo ka waramaysay mid ka mid ah
faa,idooyinkii laga doonayo ururinta sheekooyinka buugaagta ay
haayadoodu maanta soo bandhigeen.
Nimco Haybe waxaa kale oo ay halkaasi uga mahad celisay qorayaashii
iyo abwaanadii buug ahaan u qaabeeyay markii sheekooyinka lasoo
ururiyay oo ay sheegtay inay ka mid ahaayeen Abwaan Maxamed Ibraahin
Warsame (Hadraawi), Awbaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Yuusuf
Cismaan Cabdule (Y. Shaacir), Ciise Muxumed Siyaad, Cabdi Dheeg
Yuusuf, Cabdiqaadir Cali Cigaal, iyo C/laahi Cawad Muuse, iyo sidoo
kale wasaarada waxbarashada oo ay sheegtay inay ka caawiyeen markii
sheekooyinka lagasoo ururinayay ardayda dugsiyada hoose/dhexe iyo
haayada EDC oo aanay la,aanteed suurto galeen soo saarista iyo
qorista buugaagtaasi.
“Afarta buug ee aan maanta soo bandhigi doono waxaa magacaantooda la
kala yidhaa: Mugdi iyo maandooriye, Guur iyo Gaadasho, Lilaahi iyo
Lugooyo, iyo ka u danbeeya oo la yidhaa Ilayska Aqoonta.”
C/qaadir Nuur Xuseen (Maax) oo ka mid ahaa kooxda soo qortay
buugaagtan ee haayada EDC ayaa isaguna ka waramay siyaabihii ay usoo
ururiyeen sheekooyinka ku jira buugaagta iyo wax yaabihii ay u
eegayeen marka ay kala xulayaan sheekooyinka ay ardaydu soo gudbiso
isagoo uga mahad celiyay qorayaasha iyo abwaanada kala qayb galay
isla markaana suurto galiyay soo saarista buugaagta quruxda badan ee
cilmiga iyo sheekooyinku ka buuxaan.
Sheekada marka ardayga loo sheegayo waxaa loo sheegayay inay yeelato
kow: inay sheekadu noqonoto mid run ah ee aanay noqon curis ama mid
la sameeyay. Laba: Maax Maax oo ka wara mayay waxyaabaha ay ku
xulanayeen sheekooyinka buugaagta ay ku qoreen waxaa uu yidhi
“Sheekadu inaanay ku saabsanayn qabiil ama qabyaalad. Sadex:
Sheekadu inaanay ahayn mid hore buug loogu qoray oo lagasoo xigtay.
Afar: inay sheekadu gudbinayso oo laga baranayo duluc ama ujeedo
wanaagsan. Shan: in Sheekadu ay tahay mid dugsi dhexe Lix: inaanay
labo arday oo isku fasal ahi aanay sheeko soo wada qorin : Todoba:
in sheekadu aqy leedahay tilm aan, hordhac, ubuc, gabagabo iyo duluc
lagusoo gunaanado. Qodobka ugu danbeeya in ay shee kadu gudbinayso
ujeedo wanaagsan (moral). Ardaydii sheekooyinkooda la qaatayna waxay
ha ayada EDC gudoonsiisay abaal marino ay ku farxaan.”
Maaha markii ugu horaysay ee ay haayada EDC soo saarto buugaag ku
qoran af-soomaali oo wax badan ka caawinaya ardayda dugsiyada hoose
ee waxay hore usoo saartay buugaagta ay ka midka yihiin Xarfaha Afka
Soomliga oo fasalka koowaad ilaa ka afraad loogu talo galay, Aasi ya
Buug, Buuga Shaqalada, Buuga Xarfaha iyo buugaag kale oo faro badan.
Ahmed Sh Nour Ducaaleh
(Ahmed Biito)
ahmed_biito@hotmail.com
|