Bal ila taliyoo, Face book-ga, ma iskaga tagaa?
Waxaa kale oo tuban face book-ga hablihii uu Axmed Saleebaan Bidde
ka maansooday, ee sahadinayey:“Iyadoo doog dhex jiiftoo, daawanaysa
ubaxo, shaw raaxo damacadoo, durba garayskii furatoo, sii deysey
timihii, aan idhi ma deysaa, mise waad dug siisaayee, dabnaha ma isa
saartaanee, yaa dookhu heli jirayee, dadaw maxaad ku talin lahayd.”
Maashaa allaaha. Waqtiga Isbedeley, war baa la socodee, warbaa la
socodee.
Balaayo kac guur amma kac guurso, ayay ku tidhaa. Balaayo aan kaa
qoslina balaayo ma ah. Aniga oo baraad la’ oo baraha Internet-ka iyo
jaarun xaruntayd, ayuun baan geedi dheer u lalabay. Waa la I
arooriyey, waxaa laga iga wacay face book iyo xerta, bahda ama
madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland.
Haddaba, safarkan dheer ee aan galay marka hore waxaan, si guud u
dalmari dhammaan goobihii aan u sii hoydey, kuwaan guura ku dhaafay,
kuwaan ku dhaxay, guurahaygii iyo galab carrowgii. Iyo weliba kuwaan
orod ku dhaafay. Marka danbana mid walba si gaar ah ayaan idiinku
faafaahin doona.
Maalin aan sidaa u sii fogeen, ayaa waxaan ku arkay xaadhima
internet-ka , ogeysiis lagu shaaciyey, oo ah in xaadhin libaaxyo
hurdaan, oo cusub, in la furay.
Xaadhinta libaaxyada oo ah Bahda amma Madash Wada Tashiga iyo
Toosinta qaranka oo furtay buuga fool ka foolka (Face book) oo lagu
wada xidhiidhi karo.
Degdeg ayaan awrkaygii ina Goray, baabuur ma lihiye, hogaanka ugu
soo qabtay oo keeneeyey. Waan tu’iyey, waan qarqarsiyey, waanan
foodh foodhyey. Waxaan ku maaweeliyey, intaan rarayey “Ma jaboo, ma
jiiraaloo”
Heeryada ayaan ku laalay. Agab, saabaan iyo sahay wixii aan u
baahanaa, geedigan aan keligee u qalqaalay ee aanan cidna kala
tashan; ayaan guradiisi ku hubsaday. Caynka iyo baydana waan ku
giijiyey. Kamaan iloobin dabgeliskii, ilayn haddii kale, sida
dawladaha Afrika ayuu dheel dheeliyiye. Dawladaha Afrika waxay
saluugaan dabageliska dimuqraadiyada oo ah “Political Pressure
Groups.” Waana sobobta keenta gacan ka hadal.
War la’aan baa col hade eh, inkasta oo aan Sheekh Cabdil Qaadir
cuskaday, awrkii hayinka ahaa wuu I canaadey; oo wuu diidey in uu
kaco. Samay samay iyo juu midna wuu iga aqbali waayey.
Aakhirkii, awrkii wuxuu ku reemay: “Waa xaggee, ma col baa inna
galay?”
“Waa madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, col innama gelin”
ayaan ugu warceliyey.
Wuxuu ku guuxay, isaga oo faruuryaha lulaya: “Bi’waa aadamiyoo, gaar
ahaan somaliyoo. Oo anigaba ila maad tashana, maxaad ku kordhin
kartaa Madasha wadatashiga ee Somaliland.”
Wuxuu intaa sii raaciyey: “Soodigan I afduubaya. Soo xaq iyo xurmo
iskuma lihin, maxaad iila tashan weydey.”
Waan yaabay, dood dheer ayaa na dhex maratay. Hadhaw ayaan
faahfaahinteeda idiinku soo celin. Guud ahaan awrkii waxaanu ku
heshiiney in aanu safarkaa galno, wanaanu dhaqaaqanay.
San wadeenada (guide lines) buuga fool ka fool (face book), ma aqaan
jin iyo insi, waxay yihiin cidda ka shaqaysaaye, ammaradoodii ayaan
u hogaansame.
Waxaa la igu yidhi si socdaalkaygu u hirgalo, abtirsoo ayaad tahay.
Magacaag, Magaca awoowgaa, ciddaad u dhalatay, goortaad dhalatay iyo
halka aad ku nooshaya sheeg baa la yidhi. Hawraarsan baan idhi,
waanan fuliyyey amarkaa. Buuxiyey goobihii loogu talagalay, oo ka
gudbey.
Markaan dhammeeyey, waxaa la igu yidhi geli haybtaada(Email Address)
iyo faruur xidhkaaga(Pass word). Dhib ka mudan meysid baan idhi, oo
Labadiiba caynka iyo bayda ayaan u giije, inkasta oo aan la yara
raftay, ilayn badaw baan ahaye.
Ooddii ayaa la iga rogey. (Welcome to the Face book) soo dhawaw,
minanku, minankaaygii waaye, ha is martiyeen, ayaa hadal la iigu soo
koobay. Way macnasan yihiin haddaad amaradooda raacdo, duulka ka
shaqeeyaa buuga fool ka fool.
Waxaa haddana la ii weydiiyey ma faq(private) ayaad rabtaa mise baal
furan (public). Kuma hakane, markiiba waxaan doorbiday baal furan,
si safarkayga loola wada socdo oo aanu qarsoodi u noqon.
Irridihii, ayaa is wada balaqay. Ma aqaan malaa’iig iyo shayaadiin
wax hogaaminayee, markiiba waxbaa soo shuruug yidhi, cagtiibaa igu
badatay, booqashooyinkii ayaa xad dhaafay. Sheekh iyo shariif, lab
iyo dhidig meesha, gaalo iyo islaam meesha waa lagu dhan yahay.
Laba erey ayaa goor walba I hortaagan, kuwaas oo kala ah “Confirm”
iyo “invite”. Mid walba dhag, dhag baan ka siiyaa.
Waxaa noqotay khasab in aan qalo badan sii dhex maro, maxaayeelay
gurigaan aan ku socod ee madasha wada tashiga, waxaa ka sokeeya oo
hortii la degey guryo badan oo kale.
Cagtii horaba, juq waxaan u soo idhi dugaaga jala butaynaaya. Saa
waa mooryaantii Muqdisho oo kortay oo dalacaday. Shaadhad diimeed
kala duwan xidhatay, qabyaaladna aan ka tagsanay, dawladaha reer
galbeedkuna kala fadilaan.
Waa mooryaantii oo cal iyo bey leh. Waa mooryaantii oo qaar ka mid
ah, beesha caalamku, caleema saartay, oo federal sheeganaya, qaarna
daadufeysey. Iyo weliba dad ka soo jeeda beesha caalamka oo
kheyraadka qaranka bad, berri iyo uur ku jirataba in loo saxeexo
doonaya, iyo dadweynihii gobolada oo qaylinaya: “Qabta, qabta,
qobtoleeyaa, xaja, xaja, xadhka u yeela.”
Intaan hadalba iga soo bixin, awrkiibaa diday, oo ka Acuudu
bilieystey, oo yidhi: “Hal la qalay sideed lagu soo qamaamoo,
qalalaasihiiba ninba qurub haleelo, qosol wuxuu ka joogaa, qubanaha
danbeeyee, buuraha qotada dheer, ka arkaaya qiiqee, qarka soo
jafaaya.”
Anna waxaan ku sii ladhay:“Weligee cad quudheed, kola qaadan maayoo,
qalanjada faraha dheer wax la qaybsan maayee.”
Aniga ayaa kooxdaa warkooda idiin faahfaahin doon, iga war suga.
Cagtii xigtana mise waa qabyaaladii oo dhex butulaqaysanaysa, oo la
waabwaabinaayo. Buugii fool ka fool ee casriga ahaa, ayay dhex muuta
muutenaysaa. Meesha qolo, qolo ayaa loo degen yahay. Tooyashada ayaa
igu badatay, sibiq ayaan ku dhaafay. Wixii na kala qabsaday gadaal
baan idiinka sheekayn, sabir yeesha.
Waxaa kale oo aan orod ku dhaafay qalanjooyin iskala lulaya, is kala
haadinaya, is kala hufaya, iskala jiidaya, qaar jimicsanaya, qaar is
janjeedhinayaan, qaarna intay toobab soo xidheen tal iyo xiisaan
leh, xarago la tiicaaya. Qaar baa daymada xishood kale, luquntooda
dadbaaya.
Maxaa suleekhooyin jooga, sedex goor is kala jabinaaya, sinta bidix
isqabanayya, sanqaroorka taagaaye, dhexdu qabasho le’eeg tahay, oo
aad moodo in ay leeyihiin siddii qadiijo warsame, intay qosol digix
ka siiyaan : “siddi qabax”, iyo qaar luquntooda dheer; lagu qoray
cabaadhyo; oo la moodo midhihii macaleesh, sareen dhillin iyo heed
la feedagay, oo aad indhaha la raacraacayso. Waxaa kale oo aan
meesha ka maqnayn kuwuu Axmed Saleebaan Bidde Sheegayey: “Iyadoo
doog dhex jiiftoo, daawanaysa ubaxo, shaw raaxo damacadoo, durba
garayskii furatoo, sii deysey timihii, aan idhi ma deysaa, mise waad
degsiisaayee, dibnaha ma isa saartaan, yaa dookhu heli jirayee.”
Maashaa allaaha.
Waxaase ugu badnaa oo goobta joogey, kurar intay garbahooda dhan
daaheen, sida ramadka geela oo laga reebay ilmihii, dhugashada rog
rogaya.
Kurarkani heerin ahaa mooyi , calaf doon ahaa mooyi, dhoof doon ahaa
mooyi, tahriib doon ahaa mooyi, qurba joogi u carrab laaladisaa
mooyi, Jacaylkoodii tahriib ku maqana mooyi. Warkiisa la waayaa
mooyi. Garan waayey. Haddise laga tegi waayo, waxaan u maleeyey,
markii aan u dhaba galay, in badankoodu ku luuqaynayeen: “ Hadbaa
walalacdaadii la ii kaa widhwidhiyoo, wehelkaygiiyoo I waadaalisee,
warsan iyo weedhsan ii soo wacee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee.”
“Walbahaara jacayl baa I weedhaamiyee, wajigana xishood kaa
waabtayee, warsan iyo weedhsan ii soo wacee.” Oo ummad kale
tahriibte iyo caadkeed.
Isku soo wada duuboo, wax kale kuma garatidey, xuural cayntii
Aakhiro, ayaad moodaa, in ay meesh iskugu timid. Gabadh madoobi waa
dhif iyo nadir, oo waxaa loo loo helay daawo, la iskaga tirtiro. Mar
baan is moodey in jannadda ugub ee Cabdi Adan Qays sheegaayey, anoon
jirab u soo marin, in sahal la ii dhex jooje.
Been idin ku haasaawin maayee, anigu waan ku daaley jeedaal, Isha
qoodheeda ayaan ka qooraansiyey, oo denbiga waanu iska dhawreeyey.
Culmidu waxay I dheerayd fariimo wacadi iyo jacay iskugu jira, ayay
hablaha u tebinayeen, ishana way ka buuxsanayeen.
Waxaan weydiiyey, mid ka mid ah kooxdan, madasha wada tashiga, halka
ay degan yihiin.
Waxaa iigu jawaabey: “Adeero, go straight, turn left, then right,
you cann’t miss them, or you can google them”, shaw innantan aan la
hadlay waa ree London.
Waxaan ku hakaday markay salaan gacanta ii taageen, carmaliyo jaawi
shidanayaa, foox iyo uunsi, oo qiiqii iyo qaacu isqabsadeen. Cusbur
iyo casar leged dhabanada ku duugey, shaah macaan dhaafay, fuudaaya,
murduuf qaada dhilanaaya, oo hadana cibaadeysanaya. Oo sheekha
baqamaala caamada, ee TV-yada kiraystay, sadaq u dhiibaaya si uu
hawada duco ugu soo mariyo, oo carruurtooda xabsiyada Ingriiska ku
jirta uga soo daayo.
Markaan arkay waxaan ku idhi: “Waa la idin salaamay.” Degdeg waxay
igu jawaabeen: “Lagaa qaad”. Way garteen in aan haasaawihii dadkii
hore hayo, oo way ku farxeen. Is afgaranay. Awrkaa iga diidey
mooyaane, mar baan damcay in aan iskala dego oo aan madasha wada
tashiga ka gaabsado, oo aanu ka wada sheekaysano xusuus iyo waayo
waayo, geed deeb leh iyo gal saxar mar labaad ma gaadhnaa iyo lila
law.
Waxay igu yeedhaahdeen: “Xaggeed ku degdegsan tahay?”
Waxaan ku idhi: “Madasha wada tashiga iyo toosinta Qaranka.”
Mashxarad ayay ku dhufteen. Awoowyadood hore iyo intay awliyooyin
cuskadeen, ayay yidhaahdeen: “Duco ayaanu ku raacinay, guuleysta.”
Waxaan kaga rogey dabuubtaa: “Waa yahaye, ducada ficil ha lagu
daro.”
Waan idiinka sheekayn doonaaye, midbaaba igu tidhi, aan is baananee
buul ma leeday. Sidii sharciyada dalkan Ingriiska wax looga
bedeleyba “Single mothers”, hawl weyn ayaa ku soo korodhay.
Faafaahinta kooxdan dib ayaan idiin ka sheekayne, sabir yeesha.
Cagtii xigtey, misooliye waa madashii mafrashyada, oo aad yaabayso
guuxooda iyo sarwaxankooda, haddana kala shakisan, kalana maqnaan,
oo waxaan dantooda ahayn, ku xiiqay oo ku doodaaya. Shaw annaa
hurdaye baryahaaba, buuga fool ka fool, ayay ka dhex botorinayeen.
Awrkii ayaa ka yaabay, oo ku durdurin gaadhey.
Waxay igu yidhaadeen: “Soo fadhiiso, waar odayga meel u baneeye.”
Waxaan ku idhi: “Waar socod hore ayaan leeyahay, waad mahadsan
tihiin.”
Waxay igu yidhaahdeen: “oo fiide maxaad la cararaysaa.”
Waxaan ku idhi: “Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaan ku
socdaa.”
Mid baa soo boodey oo yidhi: “Oo maxaad ka dooneysaa. Hadday
nafleeyihiin, ha galaan xusbiyada Qaranka.”
Waxaan ku idhi: “Oo soo kuma jiraanba. Oo xusbigii dadka iyo dalka
anfacaya u ololayn maayaan, oo codka siin maayaan.”
Kuwaasina sheekooyinkoodii ugu xiisaha badanaa, ee na dhex maray,
hadhoo ayaan idiin bal balaadhin, sabir yeesha.
La soco qaybaha danbe
|