Badhsaabka Iyo Maayirka Magaaladda Gabiley Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Inqilaabkii Fashilmay Ee La Doonayay In Xilka Lagaga Xayuubiya Gudoomiyaha Degmadda Gabiley

 



Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan oo Ugu horreyn Shirkaa-Jaraa'id ka hadl ay ayaa......


Gabiley (TNN)- Maamulka Gobolka iyo ka Degmada, iyo waliba Madaxdhaqameed ka tirsan R eer Gabiley ayaa wada-jir ah u canbaareeyay xildhibanadii maanta loo taxbaay xabsiga mag aaladda Gabiley, waxana ay sheegeen in ay masuuliyiintani ku dhaqaaqeen ficil aad u xun, waxana ay sidaas ku sheegeen shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hoolka Shirarka ee Dawlada/hoose ee Gabiley.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan oo Ugu horreyn Shirkaa-Jaraa'id ka had lay ayaa sheegay in uu Tallaabo Sharciga waafaqsan ka qaadanayo Xildhibaanada Golaha D eegaanka ee ku kacay Falkani, taasi oo uu hoosta ka xariiqay in uu gacantiisa ula tagi doono , isaga oo Arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi:

"Xildhibaanadu way kala qaybsan yihiine Kuwa Maanta ay ugu horreeyaan kuwii Maayarada soo maray ayaa Fal-Dambiyeedkaasi dhacay Maanta, haday dhaawac tahay, Albaabo la jab iyey haday tahay, Muraayado la goostay haday tahay, Intuba Markhaati iyo Marag ayay leedahay. Taa Dawlada iyo Hay'adda Nabad-galyada ee u xil-saaran ayaa Tallaabadeeda ka qaadan doonta Wax kalena ma dul taalo ee Ceebtooda uunbaa dul taala, ee Sagaal sano iyo wax ka badan u qaban waayeen ayaa Lix bilood lagu qabtay intaasuunbaa dhibaysa oo dan bigaa faraha u galisay. Waxaanan leeyahay tallaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaaday naa oo waliba gacantayda ayaan kaga qabanayaa, Cidna u daba fadhiisan maayo". Ayuu yid hi Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar Magan (Subagle).

Maayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh oo iyaduna Shirkaa-Jaraa'id ka had laysa ayaa sheegtay in Nimanka doonaya in Fadhigan ay qabsadaan ee Rabshadaha u horse edaya ay ka mid yihiin Afar Maayar oo Iyada ka horreeyey, kuwaas oo qaarkood lagu eedee yey Lunsi Hanti-Qaran.

"Xildhibaanadani Waxay ku xisaabtameen Gabadh ayaa joogta oo waad ka qaadan karaysa an, hadaanay sidaa ahayn waay? Dee Digreetada waanu ixtiraami jirnay. oo Maxamed Caba as oo ka mid ahi shalay ayay ahayd markii Labada Sanno iyo Badhka ku joogay Digreetada, Xildhibaan kastana Gurigiisa ayuu iska joogay oo kii la yidhaa Edeb-darro ayuu wadayna Gur rigiisa loogu tagi jiray, oo la odhan jiray Maxaad samaynaysaa, Kulmiyaad tahay ayaa lanagu haystay, oo lanooga jari jiray Gunnadayada, oo Mushaharkayaga lanooga jari jiray, Ragga M aanta Mushaharkoodii qaadanaya. Umadana Inta halkaa maanta socotay Mid walbaaba Dani hiisa gaarka ah ayuu ka hadlaa. Inta Danta Umadan ka hadashaana waa Intaa na bar-bar ta agan ee ay u muuqato wax-qabadku, waxaanan Odhan lahaa Anagu Ceebtiina aad ayaanu u asturi jirnay, Jecelnahayna in aanu waliba sii asturno, Magaca Xildhibaanadana wada qaad an maysaan, Kii halkaa Askarta la dagaalamayey ee Ilkaha ka daadinayey ee Muraayadaha jajabinayeyna Magaciisu gaar ayuu u noqon doonaa, Xildhibaanaduna ceebtaa ma wada qab to, Anagaanada Dadka u kala sheegayna, Iyaguna way isa sheegeen". ayay Tidhi Maayarka Magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil Rooble oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley aya a Dadwaynaha ugu baaqay in ay ka raali noqdaan, Isla markaana ka tacsiyadeeyey Khasaar aha soo gaadhay Xarunta Dawlada/hoose ee Gabiley, Maadaama oo ay Xubnaha Falkan sam eeyey ay wadaagaan Magaca Xildhibaanimo oo ay ka wada tirsan yihiin Golahooda. waxaanu ku war galiyey in aanay kula soconin Falkaasi oo ay kaga soo hor jeedaan. Maayarkana ay kula bar-bar taagan yihiin Horumarka iyo wax-qabadka ay Umada U fulinayso.


Cuqaasha iyo Madax-dhaqameedka halkaa ka hadlay ayaa Iyagana waxa ka mid ahaa Cheif Caaqil Muxumed Faarax (Faaliye-dheere), Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil Gaydh Cige Geele, Caaqil C/laahi Qalinle Fariid, Caaqil Cismaan Caynaan, Oday Cumar Barkhad Bullaale, X asan Yuusuf Warma-Haye, Maxamed Muuse (Isleeg), Cabdi Cali Cilmi oo ka tirsan Dhallinyara da Gobolka Gabiley, Najiib Ismaaciil Dhagoole iyo Xubno kale kuwaas oo dhamaantood si-way n ugu dhaliilay Xildhibaanada Golaha Degaanka Gabiley ka tirsan ee Maanta watay Mooshin ka ka dhanka ah Maayarka, kuwaas oo ku tilmaamay in ay Majaro-habaabiyeen Nidaamkii ay ku dacwoon lahaayeen, oo ay ku kaceen Fal- Anshax xumo ah. waxaanay xuseen in Falkaa ay ku kaceen u eeg tahay in Xildhibaanadaasi ay ka xun yihiin wixii ay qaban waayeen, ee Maay arkani uu qabtay. Shirkan-Jaraa'id ee Ay Maamulka Gobolka Gabiley, Maayarka Magaalada, Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha, iyo Hogaamiye-dhaqameedka Gobolku ay wada-jirka u qabteen ee ay ku naqdinayeen Xubnahan ka midka ah Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Xildhibaano ka tirsan Goluhu ay ku baadi-goobayaan Mooshin ka dhan ah Maayarka Gabiley oo ay ku doonayeen in ay Xilka kaga qaadaan Khadra Xaaji Gaydh, iyada oo Muddo-Xilleedka Golayaasha Deegaanada Dalku ay ka hadhsan tahay in ka yar Bil iyo badh oo ay gabo-gabo tahayba Muddada Xil-hayntoodu.

Waana markii ugu horreysay ee Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Deegaanada Dalka oo intaa leeg Xabsiga loogu taxaabo guud ahaan Somaliland

 



Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News Desk
Gabiley , Somaliland