Badhasaabkii Hore ee Hargeysa Iyo Masuuliyiinta La Xidhan Oo Cuntada ka Soomay


 




Hargeysa (TNN) – Badhasaabkii gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), Agaa simihii wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somali land Cismaan Siciid Jaamac oo Axadii toddobaad xabsiga loo taxaabay, ayaa la sheegay inay cunt ada ka soomeen labadii maalmood ee u dambeeyay, kadib markii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay xadhig rumaan ah ugu dirtay xabsiga weyn ee Hargeysa, isla markaana dhegaysiga dacwado oda u muddaysay Sabtida toddobaadka dambe.

Saddexdan masuul oo lagu eedeeyay inay leexsadeen raashin kaalmo ah, Madaxweyne ku-xige enka Somaliland-na hore u sheegay in baadhistoodu socoto, ayaa la sheegayaa inay diideen inay wax cunto ah qaataan, iyagoo taas kaga jawaabaya xadhigga rumaanka ah ee xabsiga loogu di ray, isla markaana ay u arkaan xadhigooda mid xaq-darro ah oo Maxkamadi ku heshay.

Qaar ka mid ah ehelada saddex masuul ayaa Wargeyska Saxafi,  u xaqiijiyay inay masuuliyiintani cuntada ka wada soomeen, kuwaas oo sheegay inay arrintan ka war-heleen kadib markii ay shal ay xabsiga ku booqdeen, halkaas oo ay Taliyaha Xabsiga iyo askarta ka hawl-gashaa ku war gel iyeen inay masuuliyiintani ilaa habeen hore cuntada diideen.

Masuuliyiintan oo maalintii la xidhay xilalkii ay qaranka u hayeen laga qaaday, ayaa dacwadoodu maalinta sabtida ahi ka bilaabmi doontaa Maxkamada gobolka Hargeysa, iyadda oo shalay jeelka ku booqdeen xubno ka mid ah ururka garyaqaanada Somaliland ee loo yaqaano SOLLA iyo qaree no kale oo sida la sheegay dibadda uga yimi difaacooda, iyadoo laba ka mid ah masuuliyiintani ay haystaan dhalashada waddamo Yurub ah.

Cunto joojinta masuuliyiintan oo la sheegay inay socotay ilaa habeen hore ayaa sidoo kale waxa Saxafi u xaqiijiyey Mudaneyaal ka tirsan golaha Wakiilada oo shalay xabsiga ku booqday, iyadoo Cismaan Siciid Jaamac oo isagu ahaa La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland uu labada masuul ee kale kaga horeeyay cunta ka soomida.

Dhinaca kale waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa soo gaadhay isla markaana xabsiga ku booqday masuuliyiintan Qareen u dhashay dalka Britain oo la sheegay inuu Hargeysa u yimi inuu ka qayb-qaato difaaca Cismaan Siciid Jaamac oo isagu haysta dhalasho Ingiriis ah, halka sida la sheegay ay Saraakiil ka tirsan dawladda Danish-ku xidhiidh la soo sameeyeen ehelada Agaasimi hii Guud ee Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre, oo isaguna haysta dhalasho Danish ah, kuwaas oo sheegay in ay maalmaha soo socda Somaliland u soo diri doonaan saraakiil la socon doonta dac wada loo haysto masuuliyiintan ee ka furmaysa Sabtida Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi , oo shalay dalka dib ugu soo laa btay ayaa gurigooda ku booqday Qoyska Badhasaabkii hore ee Hargeysa, Axmed Cumar Xamarji, halkaas oo uu Guddoomiyaha KULMIYE xog-warran kula yeeshay qoyska iyo ehelada Badhasaa bkii hore ee Hargeysa.




source:saxafi