Badhasaabkii Hore ee Gabiley Aqoonyahan Xabiib oo Ca mb aareeyay Talaabada Aargoosiga Foosha Xun ah ee Wasiir Cukuse ku Xidhay Gudoomiyaha Jaalliyada Sweden

 



Stockholm (TNN):- Badhasaabkii Hore ee Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) kana Mid ah Qurbajooga Reer Somaliland ugu Firfircoon ee Dalka Sweden ayaa Cambaareeyay Falkii Fo osha Xumaa ee Wasiirka Warfaafinta C/laahi Cukuse ku Xidhay Gudoomiyaha Jaalliyada Swed en Sakariye Xasan Wacays isaga oo isticmaalaya Awooda iyo Karaamada Xilka uu Hayo, kuna Sameeyay Aargoosi Foolxun oo Sumcadda iyo Habdhaqanka Wasiirada Xukuumada Siilaanyo Meel kaga Dhacaya.

Aqoonyahan Maxamed Axmed Aw Cabdi Xabiib oo Qoraal kooban Soo Gaadhsiiyay Gabileyne wsonline.com ayaa Waxa uu u dhignaa Sidan hoos ku Qoran“Waxaanu aad uga xunahay falkii fooshaa xumaa ee dhacay madaarka Cigaal Airport 6/1/2015 taas oo Lagu xidhay gudoomihii jahliyada dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays oo wafi hogaaminaayay.

Dhamaan qubojooga reer somaaliland waa dad safiiro ah kuna dadaala Danta guud ee dalka iy o sidii uu dalkeenu horumar ku gaadhi lahaa ama ictiraaf u heli lahaa waa dad u heelan habeen iyo dharaar siday wax u soo kordhin lahaayeen.Waana dad soo dhaweeya jecelna madaxdoo da markay dibada u soo baxan iyo marwalba.

Hadaba waxaa ayaan darro ah in maanta Gudoomiyihii jahliyada sweden lagu xidho madaarka caasimada soomaliland ee hargeysa. Isagoo ah dadka ugu waxqabka badan dalkiisa.

Ma gayo in maanta karaamadiisa iyo sharaftiisa lagu waxyeeleeyo kiiyoo wafi hogaaminaya d alkiisii hooyo.Taasi waa ayaan daro la soo daristay dadka qurbo joog ah reer soomaaliland.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay mr. Xabiib.

Waa Markii ugu Horeysay oo Xubin Miisaan Culus ku Leh Qurbajooga Somaliland isla markaana Madaxda Somaliland oo Dhami ogyihiin Kaalinta uu ugu jiro sidan oo kale loogula dhaqmo Mad aarka Hargeisa isaga oo Waliba Wafti hogaaminaya oo soo Dhawayn Mutaystay, Haddii Aan Xukuumadu Jawaab ka Bixina Waxay Qurbajoogtu uqaadan Doonaan Fariin ah “ Ninkii Qayrkii loo Xiiroow Adna Soo qoyso”.




Stockholm/Sweden
contactgabiley@yahoo.com