Badhasaabkii Gobolka Togdheer Oo Warqad Iscasilaad Ah U Gudbiyay Madaxtooyada Somaliland iyo Sabatuu isku Casilay

 


lamana saadaalin karo xilliga laga aqbalayo Xamarje is casilaaddiisa .....


Hargeisa (TNN): - Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Mudane Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje) ayaa maanta waraaq is casilaad ah u gudbiyay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Mudane Xamarje oo xilkan hayay muddo sannad iyo todobaado ah kadib markii uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u magacaabay xilka guddoomiyaha Gobolka Togdheer xilligaas oo ku beegnayd markii u horraysay ee Badhasaabada gobollada la isku bedelo guud ahaan dalka.


Xamarje ayaa is casilaaddiisa maanta ku sababeeyay mid ku lug leh arrimo caafimaad, mana jiraan warar kale oo wax kale ku sababaynaya is casilaadda Xamarje balse waxa ka mid ahaa dhacdooyinka gobolka ee u dambeeyay in Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolkaas laba goor ay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen


Mudane Xamarje ayaa mudadii uu xilkan hayay muujiyay waxqabado dheeraada, karti iyo dadaal xoogan oo dhinacyada amniga gobolka iyo horumarinta guud ee gobolka Togdheer ah, waxana jirtay in Guddoomiye Xamarje uu kaalin weyn ka qaatay xallinta khilaafaado is daba joogay iyo dhacdooyin kala duwanaa oo xaaladda nabadgelyada gobolka ku lug lahaa, waxanu kia hawlgalayay Badhasaabku inay mar uun bulshada reer Burco noqdaan dad ka xarooba kala sheegashada labada daamood ee bari iyo galbeed iyo kala qaybsanaanta.
Mudane Xamarje ayaa haddii uu Madaxweynuhu ka aqbalo is casilaaddan ayay bulshada reer Burco ku xasuusan doonaan inuu waxbadan ka qabtay xagga ammaanka iyo kobcinta iskaashiga, iskaashiga iyo wadajirka bulshada reer Togdheer.


is casilaadda uu gudbiyay Mudane Xamarje ee maanta ayaa ku soo beegantay xilli uu Madaxweynaha JSL iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo oo muddo qaadanaya dibadda ugu baxay, lamana saadaalin karo xilliga laga aqbalayo Xamarje is casilaaddiisa, isla markaana uu Madaxweynuhu cid kale u magacaabi doono jagadaas.

Wariye Kamaal Sh Ismaaciil