Badhasaabka Gobolka Sool oo digniin u jeediyay gobollada kale ee dalka

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Badhasabaabka Gobolka Sool Mr. C ali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), oo qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waramay Magaalada Hargeysa oo uu hadda ku sugan yahay, ayaa  faahf aahin ka bixiyay Qaraxyadan iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu  qaadd ay  “..Qaraxyadani waxay ahaayeen kuwa meesha fog laga hago  (Remot e Control). Ilaa haddana waxa loo qabtay Qaraxyadan 5 qof. Waxaanan amray oo magaalada lagu soo rogay bandoo muddo 24 saacadood ah.

Magaalada ma jirto cid ka baxaysa iyo cid soo galaysaaba, waxaana ka socota baadhis qoto dheer oo aanan jeclayn inaan ka hor dhaco. Waxaa na la baadhayaa dadka socota ah ee magaalada ku sugan.” Ayuu yidhi Cali-Sandulle.

Badhasaabku wuxuu sheegay in ay jireen hanjabaado hore loogu  hanjab ay Madax uu isagu ka mid yahay. Waxaanu dhacdadan ku tilmaamay  ku wo culus, isaga oo xusay in ay dhici karto in dad intan ka badan loo qab-qabto. “Kollaybana way jirtay in hore loogu hanjabay Madax aan anigu ka bilaabmo oo aan ka mid ahay..Qaraxyadanna waa kuwo culus, baadhis ta socotana waxa la filayaa in dad kale lagu qab-qabto.”

Guddoomiyaha Gobolka Sool wuxuu gobollada kale ee dalka uga digay in tallaabo noocan oo kale ah ay ka fuliyaan cadowga Somaliland ee fuliyay Qaraxyadan. Hase ahaatee, wuxuu sheegay in tallaabooyinka noocan ah iyo kuwo la mid ahi toona aanay waxba u dhimayn hawlaha Qaranka ee ka socda Gobolkaas. “Dadweynaha waan ka tacsiyaynayaa dhibta  dhacd ay, dalkana waa loo dhimanayaa oo arrimaha noocan ahi waxba ka dhimi mayso hawlihii qaranka ee ka socday Gobolka. Hase ahaatee, waxaan leeyahay gobollada kale ha is-jireen. Waayo, ficilada noocan ahi waxay hadal-hayntuu badnayd inay dhici karaan 29 October. Si dhaqso ah  baa na loo qabanayaa dadkii waxan geystay.” Ayuu yidhi Cali-Sandulle.

Mar Guddoomiyaha la waydiiyay in qaraxyadani wax xidhiidh ah la  leeyi hiin Koox dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobolkaas oo dhawaan shir ugu soo xidhmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo sheegay inay  qaaday aan tallaabo kasta oo ay Xukuumadda Somaliland kaga baxayso  deegaa n nadaas, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Qoladaa Nairobi fal ay noocaa u fulin karaan ma jiraan, mana aha mid aanu baqdin ka qabno ee way ka culus tahay.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Miinada  mee sha fog laga hagaa (Remote Control) maaha mid qof waliba iska heli karo ee waa wax ay dawlado lug ku yeelan karaan. Waayo, waxaad garan kartaa oo aad arkaysaa sida uu uga culus yahay.”

Guddoomiyaha mar la sii waydiiyay in uu faahfaahin ka bixiyo waxa uu  u ga jeedo cabsi kama qabno inay falkaa sameeyaan Kooxaha ku shirayay Nairobi, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi,“ Horta, Gobolka Hadyad  n alooma siinin, Raggan Nairobi ku shirayna isku xaafad baanu nahay, wax welwel iyo culays ah oo ay igu hayaan-na ma jirto oo waanu isnaqaanaa.Dagaal iyo nabad waxay a yimaaddaan-na, diyaar baanu u nahay.”
 

 


Source:Somaliland.Org