Badhasaabka Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jaray Hottel Cusub Oo Laga Hirgaliyey Magaalada Gabiley.

 



Munaasibadaasi xadhiga lagaga jarayay hudheelka cusub ayaa waxa kasoo qayb galay... Daawo Sawirro badan


Gabiley (TNN)- badhasaabka gobolka gabiley ayaa maanta xadhiga ka jaray hottel Cusub oo laga hirgaliyey magaalada gabiley huteelkaasi oo la magac baxay GABILEY HOTTEL GUEST HO USE.

Munaasibadaasi xadhiga lagaga jarayay hudheelka cusub ayaa waxa kasoo qayb galay badh asaabka gobolka gabiley axmed calinuur, suldaan ibraahim jaamac samatar, caaqil maxamed muuse qawdhan, maamulaha dugsiga sare ee timacade Maxamed maxamuud saleebaan (Aw s), qaar kamida musharixiinta golaha deegaanka ee degmeda gabiley, Oo ay kamid ahaayeen Axmed maxamuud shirwac, amiin cumar cabdi, axmed suufi haadh, Dr: sangub, iyo dadwayne kale oo tiro badan.

Ugu horaynba waxaa munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey mulkiilaha hudheelkaasi axmed maxamed qalinle oo ku dheeraaday sobobihii ku dhaliyay inuu hudheelkaasi ka hir gali yo magaalada gabiley sidoo kalena tilmaamo ka bixiyey qaybaha uu hudheelku ka kooban ya hay waxaanu yidhi “Runtii waxa nagu dhaliyay horta ganacsatadu meel walba way maraan markaanu raga ganacsatada ah wada sheekaysano ayay nagu yidhaahdaan waar meel loo hoydaba mayadaa leh magaaladu runtiina ta nagu kaliftay waa taasi hadii aan wax ka tilmaa mo qaybaha uu hottelku ka koobanyahay, waxa uu hudheelkani leeyahay Qayb kafateeriya ah, waxa kale oo uu leeyahay Internet bilaash ah, sidoo kale waxa uu leeyahay parking-kii baabuurta oo baaxad wayn leh, waxa kale oo uu leeyahay hurdadii iyo qaybo kale oo aan lasoo koobi karayn” Ayuu yidhi Axmed maxamed qalinle.

Suldaan ibraahim jaamac samatar oo isaguna munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey ayaa baaq u diray qurbajoogta gobolka gabiley waxaanu ugu baaqay inay soo dhistaan gob olkooga oo ay ka qayb qaataan horumarka gobolka sidoo kalena suldaanku wuxuu ku dheeraaday ahmiyada uu hudheelkani u leeyahay gobolka gabiley.

Sidoo kale caaqil maxamed muuse qawdhan oo isaguna munaasibadaasi hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay baahida loo qabay hudheelkaasi sodoo kalena tusaalayaal usoo qaatay hudheel la,aanta magaalada iyo waxyaabihii uu kalasoo kulmay waxaa hadalkiisii kamid ahaa “ marka aanu odayaasha gobolada nooga imaada balano ayaanu odhan jirnay waar waxaad yeeshaan subaxda soo kalaha si aad galbta u carowdaan” ayuu yidhi caaqil maxamed muuse qawdhan.

Isaguna waxaa munaasibadaasi hadal kasoo jeediyey wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga Abiib xasan filfil isaga oo ku dheeraaday ahmiyada uu hudheelkani u leeyahay gobolka gabiley sidoo kalena mahadnaq balaadhan usoo jeediyay mulkiilaha hudheelkan sidoo kalena ku amaanay fikirkaasi wanaagsan ee uu kusoo kordhiyay gobolkiisa.

Gebagabadii munaasibadaasi waxaa soo afmeeray badhasaabka gobolka gabiley axmed cali nuur isaga oo tilmaamay baahida loo qabay hudheelkan sidoo kalena baaq u diray qurbajoo gta gobolka gabiley waxaana hadalkiisii kamid ahaa “ runtii horta masuuliyiinta dawlada ee socdaalka ku timaada magaalda gabiley awal may heli jirin meel ay ku dhaxaan oo waxay na odhan jireen waar hargesaanu u hurdo doonane waanu idinkusoo laaban, balse imika waa wax ilaahay loogu mahadiyo in maanta magaaladeenii ay yeelato meel martida lagusoo dhaw eeyo, waxaan halkan baaq uga dirayaa dhamaan qurbe joogta gobolka gabiley wax aanan leeyahay waar wakaa axmed maanta idiin bilaabee bal hada ku dayda oo gobolkiina soo dhis ta” ayuu yidhi axmed calinuur.

Sikastaba ha ahaatee hudheelkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale laga hirgaliyo guud ahaanba gobolka gabiley.
 

 


Guuleed Yare
Timacade News Desk
Gabiley, Somaliland