Badhasaabka Gabiley oo xeer ilaalinta Gobolka ka soo goostay Waaran Qabasho ah
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xaliib) ayaa xeer ilaalinta Maxkamada Gobolka Gabiley uga soo jaray  Waa ran qabasho ah, Weriye Nimco Muxumed Ibraahim oo ka mid ah Wariye-yaasha  Shab akada Wararka ee Gabiley News ka dib markii qortay Faalo cilmiyaysan oo ay Baadhis farabadan ku samaysay Halka ku danbeeyay qaadhaankii loo ururinayay Jaamacada Gabiley.

Warkan oo ay jiritaankiisa noo xaqiijiyeen Dad kala duwan oo xogogaal ahoo aanu la xidhiidhnay iyo Wariye Nimco Muxumed oo lafteedu noo xaqiijisay ayaa waxa uu  shee gayaa in war-bixintan ay gabadhu soo bandhigtay oo si qoto dheer uga hadlaysay Qaadhaankii Jaamacada Gabiley oo uu mudo laba sano ku dhaw ururinayay  Badhasa abku halka ay ku danbaysay iyo Xadgudubyada uu Badhasaabku kula kaco xisbiyada mucaaridka ah, arintaasi oo aad uga cadhaysiisay Guddoomiyaha ka dibna uu balan qaad aan ka noqod lahayn ku sheegay in ay soo cadayn doonto hadii kale uu Jeelka ku ridi doono. Dad kala duwan oo ay qaarkood Masuuliyiin yihiin oo isku dayay in ay arinka wada hadal ku dhameeyaan ayaanay u suurto galin markii uu Guddoomiyuhu dhinaciisa diiday kuna adkaystay in uu Tallaabo ka qaadi doono.

Wariye Nimo Muxumed Ibraahim, ayaa dhawaan soo qortay Faalo si qoto dheer ay uga diyaarisay Hawlaha horumarka Gobolka iyo Ololaha Xisbiga udub oo isku dhex milmay, iyada oo tilmaantay in Masuul uu ka yahay Gudoomiyaha Gobolku,waxa kale oo ay kaga hadlaysay arimo aad u tiro badan oo ka mid ah Gaabiska ku yimi dardar galintii Hawlaha Horumarinta oo ay xukuumadu iyo Maamulka Gabiley kaga  mashquu leen ololaha xisbiga udub ku kaliyaystay.iyada oo tilmaantay in ay Masuuliyiinta  gobo lku isku dayan inay hor istaagaan Isu soo baxyada Axsaabta Mucaaridka ah.Mar  aa nu isku daynay in aanu Guddoomiyaha kula la xidhiidhno khadka Telefoonka si aanu arintan wax uga ogaano ayna suurto galin inaanu ku helno khadka telephone-ka, Sidoo kale,

Nimco Maxamed Ibraahim, oo ah Wariye ka Tirsan Wariye-yaasha ka hawl gala  Shab akada Wararka ee Gabiley News (WWW.Gabiley.net) Xafiiskeeda Hargeisa, ayaa ah Suxufiyad ilaahay haybad usiiyay Qoraalada iyo Faalooyinka iyada oo badanaa wax ka qorta Arimaha bulshada, Siyaasada, iyo Wararka Somaliland.

Arintan ayaa ahayd mid maalmahan danbe si wayn looga hadal hayay Magaalada  Ga biley. waxaanay ku soo beegantay waqti ay siyaasada Somaliland isku shareertay meel aanay gaadhin intii ay Somaliland jirtay. Hadii ay dhacdo oo ay ciidamada  Boolii sku amarkaa fuliyaana waxa ay noqon doontaa mid ku cusub Habdhaqanka  xukuum adihii kala duwanaa ee Talada wadanka iskaga danbeeyay isla markaana aan ka mid ahayn dhaqanka Somalida oo aad iyo aad u tixgaliya la dhaqanka Dumarka.

Maamulka Gobolka ayaa Maalmihii udanbeeyay ku mashquulsanaa sidii ay uxidhi  laha ayeen Wariyeyaasha Shabakada Wararka ee Gabiley News, Tan iyo intii ka  danbay say Mudaharaadyadii Ey-da Calanka udub loo xidhay ee Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ka sameeyay Magaalada Wajaale, kuwaasi oo sawirada ka soo qaadeen qaar ka mid Wariye-yaasha ka hawl gala Shabakada wararka ee Gabiley News, Arintaasi oo sababtay in ay ugaadhsadaan Hawlwadeenada Gabiley News.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Gabiley News


 

Source:Gabileynews