Badhasaabka Gabilay Oo Ka War-bixiyay Socdaalo Uu Dhawaan Ku
Soo Maray Wadamo Yurub Ah,Iyo Qaraxyadi
Badhasaabka Gobolka Gabilay
Maxamed Axmed Aw Cabdi [Xabiib] ayaa ka warbixiyey natiijada Sodaal
uu dhawaan ku tagay wadamo Yurub ka mid ah, isla markaana ka hadlay
qaraxyadii ka dhacay 29-kii October Magaalada Hargeysa, hawlaha
diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka iyo xaaladda Gobolka
Gabilay, waraysigaasina waxa uu u dhacay sedan:
S: Guddoomiye Sidee ayey dadweynaha ku dhaqan gobolka Gabilay ugu
diyaar garoobeen diwaangelinta codbixiyayaasha oo dalka dhamaati ka
bilaabantay?
Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Maxamed Axmed Aw Cabdi oo ka hadlayey
qaraxi ka dhacay Somaliland ee ay dadka badani ku dhinteen waxa uu
yidhi “Marka hore waxaan dadka reer Somaliland ka tacsiyadeynayaa
eheladii, qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday masiibadii
ka dhacday dalkan Somaliland, gaar ahaan Caasimada, arrinkaasi waxa
uu ahaa mid loogu talagalay in lagu mijaxaabiyo Dalkan Somaliland oo
qaranimadeena aynu maanta ku taamayno oo inagoo maanta ku abtirsana
dalka ugu nabada fiican Geeska Africa,”
“Markaa waxaan leeyahay dadweynaha reer Somaliland aynu taxadirno oo
digiin ha inoo ahaato oo maanta qasrigeeni Ilaahay inoo badbaadiyey
inay arrintaasi digniin inoo noqoto oo aynaan yar iyo weynba aynaan
moral jabin oo aynu gacmaha is-qabsano, oo ciidamada amaanku waxba
maqaban karto. Markaa waxaan Shacbiga reer Somaliland u soo
jeedinayaa yar iyo weynba inuu qofba halkiisa ka noqdaa askari
nabadgelyada ilaaliya.”Ayuu yidhi Maxamed Axmed Aw Cabdi
Mr. Xabiibi waxa uu sheegay inay qaraxyadii ka dhacay Hargeysa ay ka
danbeeyeen ururka Al-shabaab, waxaanu yidhi “Markaa waad ogaydeen in
Chanel-ka Al-jasiira laga soo saaray oo inay qirteen dad argagixiso
ah oo ah Al-shabaab ah inay ka danbeeyeen, markaa waa inaynu yar iyo
weyba waa inaynu difaacnaa oo aynu ilaalinaa.
Gudoomiyaha Gobolka Gabilay waxa uu ugu baaqay Shacbiweynaha reer
Gabilay inay isdiwaangelyaan , waxaanu yidhi “Waxa lagu jiraa
diwaangelintii oo ka soo dhamaatay laba gobol, annagu ka gobolka
ahaan [Gabilay] ka sadexaad ee ku-xiga ayaanu nahay Inshaa Allaahu
tacaala waxaan rajeynaynaa wiigan maahee wiiga kale ee bilaabmaya
inay dabayaaqadiisa diwaan-gelintu inoo bilaabmi doonto ayaan
rajeynayaa, markaa dadweynaha Gabilay ku nool waxa n u soo
jeedinaynaa in si weyn looga qeyb-qaato, taasi waa takaliya ee
maanta aqoonsigeena sugeysa ee jinsiyadeena sugeysa ee lagu kala
saari karo dadka wax ina yeelaya iyo dadka reer Somaliland, markaa
waxaan leeyahay waa in si balaadhan looga qeybqaato oo sidii hore ka
badan , waxaan rajeynayaa inay shacbiga reer Gabilay inay badnidii
muujiyaan.”
Wareysiga oo sii socdaana waxa uu yidhi “Markaa waxaan u soo
jeedinayaa dadweynaha reer Gabilay inaanay dalkooda ajaanib ku noqon
oo ay diwaangelinta si fiican uga qeybgalaan.”
Mar u Shacbiga reer Gabilay Si khaasa ula hadlayey waxa uu ku
boooriyey oo uu yidhi “Waxa igu maqaalo ah inay doorashooyinkii hore
dadka qaar iska qayili jireen xiliga ay socoto oo la seexan jiray oo
ay dumarka iyo caruurtu ay ka soo qeybgali jireen. Gobolka Gabilay
ha ka mid ahaa gobolada Cusub awalba waxa la odhan jiray lixda Gobol
iyo Gabilay, markaa annagu waxaanu doonaynaa inaan Goboladii hore la
tar-tano.”
“70 goobood ayaa laga diwaangelinayaa, Gobolkuna waxa uu imika ka
kooban yahay sadex degmo, gabilay oo Xarunta ah Wajaale iyo
Aley-baday, tuulooyinkuna waa 31 tuulo, oo aanay ku niyad jabin
waxyaabaha dhacay oo aan dar-dargelin ah.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha
Gobolaasi Gabilay.
Mr. Xabiib oo ka hadlayey carqabadihii ka horyimi markii
diwaangelintu ka bilaabantay Gobolada Saaxil iyo Awdal, waxa uu
yidhi “Marwalba carqabadii ka Dhacday Saaxil way ka duwanaanaysaa
tii ka dhacday Awdal, waayo aragnimo ayaanu ka qaadanaynaa wixii
goboboladaa hore ka soo dhacay oo waanu saxaynaa, waxaana dhacday
kuyuuyadii dadku iska diwaangelinayey inay ciyaal ku buuqeen, taas
oo kale waxaan kaga digtoonaanaynaa oo anagu waxaan diyaarinaynaa in
goobkasta iyo sideeda qof ee wax diwaangelinaya aanu ku kabno cuqaal.”
Sidoo kale mar uu ka jawaabayey Gudoomiyuhu Su’aal ahayd, Socdaal uu
dhawaan ku tagay qaar ka mid aha wadamada Yusub, waxa uu yidhi
“Wadan ayaan soo maray Sweden, Norwey iyo Ingiriiska waxaan ku
baraarujinayay dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaana dadweynaha
Gabilay, gobolkan oo ah mid cusub loo soo jeesto cidii wax ka
qabanayasa, hawsha ugu badan ee aan sii taabanayey waxay ahayd
Jaamacadabaa dhawaan Madaxweynaha Somaliland digreeto ku soo saaray
sidaa daraadeed waxaan u raadinayey dhaqaalo ay ku dhaqaaqdo, taasna
wax ayaa iiga soo qabsoomay”.
Hadhwanaagnews
|