Baashoow Waa Laguu Khaldamay Ee Umada Ka Xishood?
“Quruumahakan Wada Giigsan Baa Baalka Kaa Guri,Adigaaba Lagu
Gaadayaa Waadan Gara nayne Gaagaabso Oo Aamus Yaan Gaadh Lagaa Qabane”…waa
Tuduc Ka Mid Ah Gabaygii Abwaan Ismail Mire Rabi Ha u Naxariistee Ee
Gabaygiisii Gud-Gude.
Waxa nasiibdaro ah oo qarankan ceeb ku ah in kooxdii mudada todobada
sano ka badnayd burada xaraanta ah ku ahayd umadan, kuwaas oo uu u
IL duufay m/weynihii hore Axmed Siilaanyo.
Waxa kale oh ayaan-daro ah in kooxdan qawleysatada ah inay ku
shiraan hoy Ka mida go ob ku suntan ama ku naanaysan m/weynihii hore
Axmed Siilaanyo.Iyadoo intaasi ba ay ji raan waxaa dhacday arin Fool xun oo qudha,
qoys
iyo qaranba ceeb ku ah, taasoo aanu u aragno mid aanu ku kaceen
inuun qof damiir leh.
Hadaba maxay tahay arintaasi? Will Yar Oo aan da’diisu gaadhin
afartan jir oo markii hore na ay umadu ka xishootay in badan isla
markaana laagu ixtiraamay magaca labadiisa aabe haduu yahay ka
dhalay cawil x-Cumar iyo haduu yahay ka inanta siiyey Axmed
Siilaanyo waa baashe,e
Baashe Cawil
inaadeer waa laguu khaldamay oo Ambasator lagaa dhigay,
waa lagaa xisho oday oo weliba waxa si weyn kaaga xishooday
seediyadaa kulmiye Axmed Siilaanyo, calina sir Axmed Siilaanyo iyo
baashir Axmed Siilaanyo, kuwaasoo aminta intaa le’eg ee aabahoo d m/weynaha
dalkan ka ahaa aan saaxada siyaasada iyo dalkatoona aan lagu Arag.
Baashe waxa ceeb ku ah m/weynihii hore ee umadan Axmed Siilaanyo
inuu wado sidii u dh ulka u sii jiidjiidid lahaa marka uu ku
marti-qaadayo hotelka magac xaafada uu ka midka ah aa watay xubno
wasiiradii xukuumadii sodogii ee weliba uu leeyahay “Anigoo ku
hadlaya m agaca m/weynihii hore Axmed Siilaanyo waxaanu idiinka
mahad-naqaynaa mudadii aad na la soo shaqaysen, iyo xisbigii kulmiye
ee aad dhiiga u shubteen”
Erayadaasi waxay uu muuqdaan kuwoo xilkasnimo ah oo aan looga
fadhiyin Mr Baashe. Xu bnahaa Wasiirada ahaan jirey ee Baashe uu
gudoominayey waxay ahayd inay ixtiraamaan dardaarankii madaxweynihii
cugtay iyaga ee Axmed Siilaanyo,Sidoo kale waxay ahayd inay
qadariyaan M/weynihii xisbigiisii u soo xushay M/weynahan cusub ee
Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Hase yeeshee intaasiba may dhicin sidaa awgeed waxa
M/Wayne Muuse
Biixi umadu uga fadhidaa inuu daba galo hantidii shacbiga ee ay
lunsadeen kooxdaasi tunku ku weynaaday hantidii qarankan ee ay
awoodii dawladnimo ku boobeen.
Ugu dambeyn waxaan hadalkayga ku soo xidhayaa horaa soomaali u tidhi
inanka inantaadu kuu keento waa ayaankaa, Ninka inantiinu idiin
keentana waa nasiibkaa.
M/weyne waxaad ku fadhigaa kala badh iyo dheeraad ama
56% cidkii
shacabka Somaliland sidaa awgeed waxaanu dhawrnaaba waa talaabada
aad ka qaado tuugtaa jaaniska heshay.
W/Q: Liban Mawel Shire.
|