Baasaaboorka Somaliland oo laga dhigayo elaktaroonik adduunka meel walba laga heli karo

 



Baasaaboorka Somaliland, ayaa xukuumaddu sheegtay inay ka dhigayso Electronic, si meel kasta oo.....


Hargeysa (TNN) – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qorshaysay inay wax ka bedasho baasaaboorka Somaliland isla-markaana ay casriyeyso si muwaadiniinta iyo dadka kale addeegsadaaba uu ugu fududaado.

Baasaaboorka Somaliland, ayaa xukuumaddu sheegtay inay ka dhigayso Electronic, si meel kasta oo adduunka ah looga heli karo isla-markaana qofka u baahda in la siiyo uu ka qaadan karo safaaradaha Somaliland ee dalka dibadiisa ku yaala, si ay meesha uga baxdo caqabadii ahayd in Hargeysa oo kaliya laga qaadan karo.

Hanaanka xukuumaddu sheegtay inay u casriyeynayso Baasaaboorka ayaa ah in qofku macluumaadkiisa ka soo diri karo dalka dibadiisa, iyadda oo marka macluumaadkiisa la helo ay si fudud hay’addaha socdaalku isagoo samaysan ay qofka ugu diri karaan eemayl.

Sidaasi waxa sheegay Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shalay khudbad u jeediyey Mudanayasha Golaha Wakiilada oo uu horgeeyay odoroska Miisaaniyada 2013-ka.

Wasiir Samaale, waxa uu sheegay inay qorsheeyeen inay baasaaboorka Somaliland ka dhigaan E-pasport isla-markaana Miisaaniyada ugu dareen kharashkii lagu casriyeyn lahaa “Waxaanu samayn doonaa haddii ILAAHAY noo suurto-galiyo Somaliland E-pasport oo aanu u arkayno inuu muhiim u yahay safarka Madaxdeena iyo dhammaanba umaddeena oo aanu isagan miisaaniyada wax ka galinay”ayuu yidhi








Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland