Baarlamanka Somaliya oo laga yaabo in dib loogu raro magaalada Nairobi.

 


Waxaa la isla dhexmaraya warar ku aadan in laga yaabo Baarlamanka Somaliya dib in loogu raro magaalada Nairobi oo markii la aasaasay ay xarun u aheyd,kadib markii arinkaasi ay soo bandhigtay xukuumadda Kenya.

Sii hayaha xilka madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo socdaal ku maraya magaalada Nairobi ayay arrimahaasi kala hadleen madaxda dalka Kenya,inkastoo aanan wax meel la isla dhigin.

Dawladda kenya oo ka cudur daaratay in ay ciidamo usoo dirto dalka Somaliya ayaa dooneysa in ay ku qanciso dawladda Federaalka oo iyaduba mashaakilkeeda heysto inay u tababarto ciidamo halka Baarlamanka hadi looga baqaayo Baydhabo ay Nairobi ku marti galinayan.

Ma jiraan wali wax warcelin ah oo dhanka Somalida kasoo baxay kuna aadan in Baarlamanka Somaliya hadii uu ku shaqeyn kari waayo Baydhabo dib loogu raro magaalada Nairobi,waxaana taasi looga baqayaa marka ay ka baxaan dalka Ciidamada Itoobiyaanku ee iyagu aan muuqan in ay baxaayan.
 

 

 

 


Markacadey.net