Baarlamaankii loo hanweynaa ma hungaa
laga joogaa?
 

Marka aad maqasho Qaran ama dal leh nidaam iyo kala danbayn  waxa sal u ah Baarlamaankooda. Haddii aad aragto dal aan lahayn  kala  danba yn ama u xidhan qof ama koox waa dal aan lahayn  baar lamaan. Qaranku waxa uu ka dhismaa hadba sida uu  Baarlamaank oodu u leeyahay  awoo d. Lagama werwero nabadgelyada oo waxa lagu seexdaa laguna soo  too saa in dalka ama Qarankaasi leeyahay Gole, dhexdiisa lagu doodo oo la raaco dhinaca loo badanyahay.

Dalalka aan lahayn Baarlamaan awood leh waxa looga baqaa in uu  burbu ro dalkaasi. Sagaalkii sannadood ee ugu horreysay ee ay  dhi snayd  Jam huuriyaddii Soomaaliyeed, waxa jiray Baarlamaan. Inkasta oo uu ahaa mi d qaab aan wanaagsanayn u shaqaynayey, hadana waxa uu itaalka ahaa baarlamaan laga danbeeyo oo go'aa nkiisu socdo.

Markii ay Milleterigu la wareegeen awooddii dalka waxa la  baabi' iyey  B aarlamaankii. "Baga, oo baga, bagaa Baarlamaankii  baguu gaha looga  d higay bagaaaaa!", waxa ay ka mid ahayd heesihii  xill igaa la qaadi jiray. Dadka badankoodu waxa ay naceen  baarlam aanka iyo xubnihii kuraasta ku fadhiyey. Waxaase aan la ogayn haddii uu Baarlamaanku meesha ka baxo xaaladda la geli karo.

Maanta se waynu ognahay xaaladdii la galay. Awooddii ku soo  uru rtay qof keliya ama koox keliya, ee la waayey dhan looga baxo. Qo fkastaba roobku meel buu ku qabsaday. Baarlamaan la'aani waa  Q aran la'aan. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxa Qaranimo ugu  dan baysay 1969kii. Sannadihii ka danbeeyey ma ay ahayn qaran, ee waxa ay ahayd  Jamhuu riyad uu hoggaamiyo qof keliyi oo aan laga daba hadli karin. Dalal badan oo ay ka mid tahay Masar, Itoobiya, Sacuudiga, Jabuuti, Imaaraadka iyo qaarkaloo badan ayaan ahayn Qaran luga ku taagan. Sababtuna waxa weeye Baarlamaan awood leh baan jirin.

Aan isweydiinnee ma leedahay Somaliland Baarlamaan? Haa way  leedah ay, sidaasaa qofkastaaba ku warcelin lahaa. Laakiin awood ma leeyahay? MMMM Maya. Maxaa awooddii ka qaaday? Waxa ka qaaday dadka oo aan ku baraarugsanayn khatarta ay leedahay Baarlamaan la'aantu. Dib u jalleec imisa go'aan bay golaha  wakiil adu soo sareen oo aanay  xukuum addu dheg-jalaq u siin? lama soo koobi karo. Igama aha in aan tilmaamayo keliya madaxweynaha Daahir Rayaale ayaa qalad ku socda. Ee waxa la leexiyey ama la qalday waa nidaam dhan oo qofkasta dan u ah, haddii ay  xukuum adda tahay iyo haddii ay mucaaradka tahayba. Waxa la afduubay nidaamkii dalku ku gaadhi lahaa horumarka,  kaladanba ynta iwm. Waxa ilkaha laga saaray Baarlamaankii oo go'aamadoodii ciddii fulin lahayd ay daaqadda ka tuurtay.

Maanta dalka Somaliland ma laha Baarlamaan. Haddii uu jiro  baarla maan awood leh doorasho la'aan dalku muu ahaadeen laba  sann adood oo  dh an. Weliba maantana ma soo cadcadda in doorasho  d h acayso, oo Serverka ayaa la wada eegayaa. Baarlamaanku waxa uu awood u yeelan lahaa in uu dhiso xukuumad ka saarta dalka  Do orashada. Golaha  guurti da waxa aan u arkaa waa gole muhiim ah, waana golaha kala badbaadiya dalku marka uu galo muran  siyaa sadeed oo jiq ah oo loo baahnaa in goor horeba Golaha, WAKIILAD U, wax ka qabto. Nasiib darro ma jiro gole Baarlamaan oo  awoodd aas leh. Xubnaha Baarlamaanku waa awooddii dadka. Waxa ay ku yimaaddeen doorasho sida loo soo doortay  madaxwe ynaha ayaa loo soo doortay. Waxa ay u dhigmaan 84 madaxweyne oo la raaci lahaa go'aankooda dhanka ay u bataan. Maanta taasi ma jirto, mana soo muuqato.

Marka sidaasi dhacdo ee ilkaha laga guro Baarlamaan dal uu  leey ahay, waxa kaca dadka oo muujiya rabitaankooda. Taasina mid  dh acaysa maaha, oo nabadgelyada ayaa la dhawrayaa. Qofkii  muu jiya  dareen kiisana waa la xidhaa, waayo nabadgelyada ayuu  dhaa wacayaa. Sidaas darteed ayaanuu u jirin Baarlamaan. Mana  muuq ato qaabkii uu Golaha wakiiladu ku soo ceshan lahaa  sharaf tiisii iyo awooddiisii ay dadku siiyeen. Waxaase ka muuqata in ay sidaa ku qanacsan yihiin oo ay mushaharkooda u xaadiraan. Intii aan la soo dooran baarlamaanka waxa la odhan jiray marka aynu helno Baarlamaan la soo doortay baynu ka bixidoonnaa  baarl amaan xumaantan. Balse xaqiiqadii waxa ay noqotay in Golihii wakiilada ee hore ---uu ka firfircoonnaa ka maanta jooga oo noqday gole  fadh iid ah. Malaa waxa habboonayd in xubnaha Goalaha Wakiiladu dham maantood is casilaan.

Waxa Qaran la helaa marka uu Baarlamaanku yeesho awoodda go'aamada
.

Nabaadiino

 

Sayid Maxamed Yuusuf
Sweden