Baarlamaanka Ingiriiska Oo Su’aalo Somaliland Ku Saab san Lagu Weydiiyay Wasiirul Dawlaha UK Ee Afrika

 


London (TNN) :--Fadhigii aqalka baarlamaanka Ingiriiska 17 Oktoobar, ayaa waxa su’aalo k u saabsan Somaliland lagu weydiiyay wasiirul dawlaha Afrika iyo bariga dhexe u qaabilsan was aasaradda arrimaha dibadda Ingiriiska Md. Tobias Ellwood.
Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo aad u taageera qad diyadda Somaliland, ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan wada hadalada Somalil and iyo Somaliya iyo weliba shirka nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay beelaha gobalada Sool iyo Sanaag-bari.

Su’aalaha iyo jawaabaha oo aanu idiin soo turjunay waxa u dhignaayeen sidan Stephen D oughty: Waxaan Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka weydiin lah aa, door noocee ah ayaa ay xukuumaddu qorshaysay in ay ka qaadato, gac an ka geysas hada fududaynta dib u bilowga wada xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya doorashooy inka madaxweynaha ee bisha March 2017 kadib.?


 Tobias Ellwood: Dawladu waxay ogtahay ahmiyada wada hadalka Somaliland iyo Somaliy a oo ay hadda fududaynayso dawladda Turkigu, waxaanan rajaynaynaa in dib loo bilaabo marka doorshada Somaliland ee madaxtooyada iyo Baarlamanka laga gudbo, isla markaa na geeddi-socodka doorashada Soomaaliya la qabto.


Mawqifka dwaladda Ingiriiska ee Somaliland wuxuu muddo dheer ahaa inay u taalo Somalil and iyo Somaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda iyo inay dalalka jaarku hogga amiyaan aqoonsiga qaab kasta oo cusub.


Stephen Doughty: Waxaan wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka, weydiin lahaa, maxaa qiimayn ah ee uu ku sameeyay hawlaha dib-u-heshiisiinta ee ay dawladda Somaliland ka dhex waddo bulshooyika gobalada Sool iyo sanaag ee Somaliland, maxaase’ taageero ah ee ay dawladdu ka gaysanaysaa gacan-qabashada dadaalladaas.?
?Tobias Ellwood: Dawladda Ingiriisku way soo dhawaynaysaa wada hadalka dhowaan u bilowday dawladda Somaliland iyo wakiillo ka socda goballada bari ee Sool iyo Sanaag.

Waa hannaan ay Somalidu hoggaaminayso oo ay Somalidu leedahay kaas oo aanu rajayn ayno inay natiijadiisu noqoto, xal siyaasi ah oo loo dhan yahay, iyo xasiloonida gobalka oo la xoojiyo. 16kii September, annaga oo kaashanayna saaxiibadeena caalamiga ah, waa aanu soo saarnay war-murtiyeed aanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqayno in uu si degdeg ah u dejiyo geeddi socod cad, oo waqtiyeysan oo arrintan lagaga gungaadhayo.

 


Xigasho: Geeska