Baarlamaanka Finland oo ay shir ku galeen xubno ka tirsan baarlamaanka somaliland iyo Finland
 


Finland (TNN)-Wafdigii xubnaha baarlamaanka somaliland ee aqoon korodhsiga doorashooyinka u joogay finalnd ayaa xurunta cusub ee baarlamaanka finland kula kulmay ergayga gaarka ah ee wasaarada arimaha dibeda finland u qaabilsan geeska afrika ahna xildhibaan golaha wakiilada ah 21.4.2011.

Ergygan oo magiica la yidhaa Pekka Haavisto ahna mid hore u booqday Somaliland marar kala du wan, ayaa si sharaf mudan ugu soo dhaweeyay xubnaha baarlamaanka somaliland goobtii kulan ka oo ahayd golaha baarlamaanka finland.

Pekka Haavisto waxuu xildhibaanada somaliland oo kala ahaa Ali Hassan Mohamoud (Kulmiye),M ohamed Nur Arale (Udub),Mohamed Yusuf Ahmed (Kulmiye) ka dhegaystay warbixin guud oo gee ska afrika khusaysa iyo mid gaara oo somaliland khusaysa.

Sidoo kale Haavisto ayaa dhinaciisa ka waramay xaalka siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale ee Somaliland, somalia iyo Putlandba, isagoo amaan u soo jeediyay waxa ay somaliland qabstay iyo weliba doorashadii madaxweynaha somaliland sida ay aduunyada ugu cadeeyeen inay  somali land u bislaatay nabada iyo dimuqraadiyada.

Waxaa kaloo uu Haavisto ka xogwaramay isbedelada ku yimi UN ka iyo ergeyadeeda somaaliya qa abilsan, dhaqaalaha sida tooska ah iyo si dadbanba loogu talagalay somaliland sadexda sano ee soo socda.

Waxaa kaloo ay xildhibaanadu sheegeen iyo arimaha soo socdaa ay yihiin muhiimada ugu wayn ee ay u arkaan in Finland ay ka caawin karto Somaliland mar uu Haavisto waydiiyay maxaa soma liland laga caawin karaa? Jawaabihii xildhibaandu waxay ahaayeen sidan

1. In dhalinyarada tirada badan ee jaamacadaaa ka soo baxaysa loo abuuro shaqooyin

2. In biyo la,aanta laga caawiyo loona helo xal kale oo lagaga maarmo in roobka uun la sugo

3. In aqoonkorodhsi iyo tareenin iyo dhaqaalaba laga caawimo ha’aydaha amniga ee somaliland si ay nabadu u sii adkaato

4. In xoolaha nool iyo adeegyada ay u baahan yihiin sida caafimaadka laga caawiyo.

Intaa ka dibna waxaa xubnaha baarlamaanka somaliland lagu casuumay oo la baray dhismaha baarlamaanka, sida baarlamaanka iyo xisbiyada kala duwan ee wadankani u shaqeeyaan iyo sida kuraasta baarlaanku isubedeli doonto wiigaga fooda inagu soo haya, maadaama ay xisbiga xag jirka ahi si lamafilaan ah ugu soo bateen golaha baarlamanka Finland.

Waxaa Pekka Haavisto kusoo gebagebeeyay kulankan inuu iman doona somaliland kula kulmi doono xildhibaanada somaliland.
 


Abdillahi Mohamed
pj
HORN Organisation for Peace and Democracy
(HORN Democracy ry)
Puh: 045 6714929
Pl 203
00931 Helsinki
horn.democracy@gmail.com