Baaqii 2aad :ku socda ciidamada Somaliland
 

Waxaan marka hore idin ku hambalyaynayaa sidii waddaninimada ahayd ee ugu soo dulqaadateen uguna samirteen duruufihii i qallafsanaa iyo no loshii adkayd ee idin soo martay intii aa dalka xilka u soo hayseen.


Waxaan hubaa in mid kasta oo idinka mid ihi uu u baahan yahay horumar dallacaad iyo aayatiin uu ubadkiisa uga tago.

Waxaa sidaa lagu gaadhi karaa hoggaan iyo maamul dowladeed hanka  i yo himilooyinka bulsha la jaan qaada una diyaar ah baahi tirka qabyada iyo baahida mar kasta taagan.

Unugga iyo saldhigga maamulku, waa ku dhaqanka, hirgelinta, fulinta, iyo dhowritaanka dastuurka iyo shuruucda dalka loo dejiyay. Haddii intaa la waayo, oo hadba ninka madaxda ihi uu siduu doono ugu takrifalo, ma jirayo qof iyo koox, iyo ummad hiyi durugsan iyo han yeelan kartaa.

Dhibaatada iyo carqaladda qudha ee maanta dalk Somaliland haysataa ee dalku aqoonsi caalami ah ku layahay ilaa xilligaa waa, maamulka dalka ka jira oo u dhaqmay sidii keli taliskii S.Burre. Waa ku takrifalaka hantidii ummadda eexalaasha noqday. Waa xadhigga aa qiimaha ku fadhiyin ee aragtida iyo fekrradda muwaaddinka lagu xidhayo, iyadoo dastuurkii dhigayao inaan qofna aragtidiisa iyo rayigiisa lago xidhi karin.

Waa heshiisyada sidaqarsoodiga ah loola soo gelayo dalal amdshirkado shisheeye ee aan sharcigii iyo xeerkii loo marayn.

Waa cabbudhinta xisbiyada iyo saxaafadda xorta ah.. Waa curyaaminta iyo kala daadinta golihii la soo doortay iyo baabiinta golihii guurtda, waa curtaaminta hayadihii madaxa banaanaan sida Hanti dhowrkii Guud, xeer Ilaalinti, Maxkamadihii shaqaalihii iyo Bangigii.

Waxaa ogtihiin in maalin walba Madaxwaynaha ama Wasiirka arrimaha guduhu amar ku soo bixiyo in la soo xidho magacyo iyo muwaadiniin ay aragtida siyaasadda iyo maamulka ku kala duwan yihiin, dabadeedna Madaxwaynaha laga baryo inuu soo daayo/ Waxaa taa barbar taalla, suaal ah, weli ma aragteen , ma maqasheen mase la idiin diray in la soo xidho masuul hantidii ummadda boobay. Waxaa loo baahan yahay inaa is wayddiisaan sababta ay sidaasu u dhacayso ee aa idinku u noqonaysaan hangool lagu adeegto.

Waxaa laga yaabaa idinkoo aan u badheedhin in aa noqotaan kuwii burburka dalkooda loo adeegsado sidii Dhabarjainii iyo NSStii Maamulki S. Burre.

Siyaasiyiinti tartan iyo loollan ayay ku jiraan.Waxa dabarka u ihidhammaantood waa dastuurka iyo sharciga dalka u yaal oo nin ka sarreeyaa aanu jirin loona simanyahay. Waa idinka kuwa dastuurku u xilsaaray fulinta sharciga. Maaha Madaxwaynaha, maahaa Wasiir mana ahaa Madaxdaxisbiyada..

Madaxdaiyo saraakiisha ciidanka waxaan kula talinayaa, inay iska hubsadaan amarka aan sharciga ahayn ee aragti siyaasadeed ka duulaya ee sida fudud loogu xidhayo qof muwaaddin ah.Ninka siyaasiga ihi wuxuu leeeyahay dan iyo damac gaar ah.Idinku ha noqonina dembiilihii ummadda dembiga culus ka galay. U sheega ninka amarka idin siiyay, in aannu sidaa xaq u lahayn. Dhibta ugu wayn eeidiin soo gaadhaa waa shaqada oo la idinka eryayo. In aad dalki iyo ummaddi dembi ka gasho iyo inaad shaqada ka tagto oo sharaf iyo magac yeelato

ayaa taalla tii aad dooran lahayd. Walaalyaaal, waxaa la idinka codsanayaa inaa ka fogaataan waxyaalaha horseedka u noqon kara burburka dalka, oo aa ku dayataan raggii jiritaanka dalka iyo xorriyaddan naftoodii u huray.


Waa mahadsan tihiin. Ilaahay sida khayrku ku jiro ha inna waafajiyo
 

 

 

Suleman Omar Kujoog London
kujoog2@yahoo.com