Baaq uu Shacabka Somaliland u dirayo Boqorka
beesha Ayuub
 

 



Bismillaahi raxmaaniraxiim.

Aniga oo ah Boqor Cali Xuseen Kaahin boqorka sayla bari ducoyeelka Somaliland. Umadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan guddo iyo dibedba waxaan Ilaahay uga baryayaa in ay caafimaad qabku noolaadaan. Midnimada Somaliland waa muqaddas lama taabtaan ah gorgortan ma gelikarto. Ilaahay mooyaane cid wax ka qaadi kartaana ma jirto.

Waxaan leeyahay umaddu ma ilawsana wixii soo maray Diyaaradii hargeisa rushaynaysay waatan khayriyada inoo saaran. Kaarihiina waa ka Baar hargeisa noo horyaalla qaranima da Somaliland wax ka horyimaada ma ogolin wadankunawuxuu leeyahay ciidamada xoo’gan oo aan la soo agmari Karin.

Waxaan leeyahay Alle ha soo hadeeyo kaan garawsanayn wixii wadanka soo maray. Hada ba waxaan baarlamaanka leeyahay arintan xun ee foolx umada ah ee ay wadaan maaha waxa umadu u dul qaadankarto, waana ceeb taagan oo ceeb ku ah qaranimada Somaliland. Hadii ay joojin waayaan waxaa ay wadaan shacabiyo dawlad midna wax loo dulqaadan kar o maaha wadanku dawlad buu leeyahay shacabka iyo dawladuna way soo faragelin wax ay kuhayaan qaranimada Somaliland.

Teeda kale kooxina waxba kaqaadi kari mayso qabiilna waxaba ka qaadi karimaayo. Shacab kuna way garab tagan yihiin dawladda hooyo hiilba way la garab taagan yihiin. Cadawga Somaliland ma ogolin waxa ka farxiya. Waxaan u ducaynayaa Umadda reer Somaliland iyo dawladda ba iyo madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisaba in ay helaan horumariyo barwaaqoyo ictiraaf Insha Allah.

Alla Mahad Leh,

Boqorka Beesha Ayuub Sheekh Isaxaaq ,Boqor Cali Xuseen Kaahin