BAAQ TAAGERO GO'AANKA XISBIGA UCID EE KU WAJAHAN SOCDAALKA MADAX
DHAQMEEDKA SOOMAALIYA
"YAA AYUHA LA DIINA AAMINUU LA TATAWALUU QOWMAN QADIBA ALLAAHU
CALAY HIM QAD YA'ISUU MINA AL-AAKHIRATI KAMA YA'ISA AL KUFfAARU MIN
ASXAABI IL-QUBUURI." (Al-Mumtaxinah, Al aayah:13)
Dhammaan taageerayaasha laamaha Xisbiga UCID ee Waqooyiga Ameerika
waxay si buuxda u taageerayaan go'aanka iyo mowqifka geesininamada
ee hoggaanka Xisbiga UCID ku dhawaaqay ka kadib markuu Xisbiga UCID
shir la yeeshay madax dhaqmeedka Xamar ka soo kicitimay ee xukuumada
dalka ka talisaa sida qarsoodi ah dalka ku soo gelisay iyada oo uga
dan leh in ay mad madow iyo shaki cawaaqib xumo abuura bulshada ka
dhex aloosto.
Waaxa xaqiiqo ah in xukuumadda talada dalka haysaa marnaba daacad ka
ahayn qadiyadda madax-bannaanida, jiritaanka, iyo gooni isutaaga
Somaliland. Waxa maanta caddaatay in xukuumadda Somaliland shilimaad
dhaafsanayso masiirkii ummaddan.
Xukuumadda Somaliland iyo Xisbul-xaakimeeduba ha ogaadaan in
halgankii qadhaadhaa
ee dib u xoreynta sinaba loogula gorgortami karin hindisey rakhiisa
ah oo u dabada ka riixayo Xaakimka ka taliya Soomaaliya ( Sir
Nicholas Kay), gacan-yarihiisa Xasan Culusow, iyo dawladaha
shisheeye ee mashruucan maal-gelinaya.
Mashruucan mala awaalka ah waa mid lagu majar-habaabinayo aragtida
beesha caalamka ee ku wajahan dib u soo noolaynta dalkii hore loo
odhan jiray Soomaaliya ee 1991 haligmay.
Xukuumadda uu hoggaanka ka madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud iyo
Xisbiga Kulmiye waxa anu cod dheer ugu sheegaynaa in ay si deg deg
ah ummadda xilka u igmatay ugu caddeeyaan sababta keenta xiligan in
ay dalka ku soo hoggaamiyaan madax dhaqmeed Soomaaliya ka soo jeeda
oon ujeedadooda ummadda loo sheegin.
Tan ay maanta xukuumaddu ku kacday waa khiyaamo iyo bar madow oo
sooyaalka taariikda geli doonta; waa magac xumo aan maanta ka horow
la arag lana filayn.
Mashruucan dib-u-soo-noolaynta Soomaaliya waxa hore ugu hawlanaa nin
la odhan jirey Donald Payne oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada dalka
Mareykanka. Bishii December, 2009 ayuu Md. Axmed Maxamed Maxamuud Md.
Payne kula kulmay magaalada Washington D.C. Bishii June, 2009 shir u
mudanahaasi ku qabtay Washington Xukuumaddii madaxweyne Md. Dahir
Riyaale Kaahin ganafka ayey ku dhufatay oo Wasiirkii Arrimaha Dibada
ee xiligaa Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale si badheedh ah ayuu yidhi
annaga shirkaasi nama khuseeyo. Bal isweydiiya sababta keentay in
xukuumaddaynu u codeynay la shir timaado arrimo lid ku ah waxaynu 23
sanadood ku tabcaynay ee naf iyo maalba loo huray in maanta abaalkii
ummaddu noqday is dhexyaacii hore loo eeday ayaa dib loo abqaalaya!!
Xukuumadda Somaliland ha ogaato in aanay haba yaraatee suurtoobayn
Soomaaliya oo dib wax loo wadaago. Hadday ummaddo u soo bandhigi
weydo qorshan innamda yar yar ee socod baradka ihi horboodayaan,
Maydaan-ul Taxriir wuu furyahay oo gugii keli-talisyadii Carabeed
galaaftay ay dalka ka curandoonee ku bushaareysta.
Waxan ku soo gunaanadayaa ayaadan Qur'aanka ah in kastoo qowmkan
aynu arkayno Qur'aan iyo xadiis midna ka degeyn:
"YAA AYUHA LA DIINA AAMINUU LA TATAWALUU QOWMAN QADIBA ALLAAHU
CALAYHIM QAD YA'ISUU MINA AL-AAKHIRATI KAMA YA'ISA AL KUFfAARU MIN
ASXAABI IL-QUBUURI." (Al-Mumtaxinah, Al aayah:13)
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
Guddoomiyaha Xisbiga UCID- Canada
|