Baaq Taageero ah oo ku Socda Gudida Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland

 


Waxaan Taageerayaa oo soo dhaweynayaa Mujaahidiintaa u-damqadey Qaranka Somaliland oo maanta bohol ku sii socda oo qarka u saaran in tacabkii shacabka reer S/land ee 22 ka sanad ood la soo wadey in uu maata si-fudud ugu bur-buro gacmihii xukuumadii loo igmadey.

Waxaana aan leeyahay hiil iyo hooba waanu idinla garab-taaganahay illaheyna ha-idinku gara b-galo bad-baada-daa iyo wada-tashigaa qaran ee aad ka dhawaajiseen.



Waxay Mujaahidiintu arkeen wadankii

oo khatar ku sugan oo laga leexiyey tubtii toosneyd iyo toobiyihii kaas oo hada wadankii turun-turoodey oo taraarey.Waxay arkeen in xukuumadii iska indho iyo dhegaba tirtey xogta iyo xaqiiqda maanta dalka ka jirta.Waxay arkeen tahriibta ba´an ee dhalinyaradii oo aheyd hal-doorkii wadanku ay ku dhamaadeen ilaa iyo hadana ay dhabadii ku sii socdaan oo la dayacey. -Waxay arkeen in maanta Gaadhigii uu Qaranka Somaliland uu saarnaa uu majara-habaabey ka-dib markii uu wadistiisii, kaxeyntiisi iyo isteerinkiisiiba uu u-gacanta-u-galey cid aan loo igman oo aan loo dooran oo aan ehel u-aheyn oo bilaa karaamo ah oo baadi ah. Waxay arkeen in xukuumadii ay kala goysey shakaalkii dawladnimo iyo sunihii isu-hayey wadarnimadii, wax-wada-lahaanshihii, walaaltinimadii iyo wanaagii ka dhexeeyey danta guud ee beelaha iyo shacabka Somaliland,taas oo ay xukuumadii ku fashilantey in ay shacabka somaliland ka dhigto hal-qoys oo isku duuban oo wadaaga anfaca, kheyraadka maguuraanka ah iyo mansabkaba . Waxay Mujaahidiintu iyo aqoon-yahanku arkeen ka dib markii ay xukuumadii halbeegeedii uu noqdey oo keliya qab-yaalad qararka jabsatey in ay khatar hor leh ay tahay in ay dib-u-soo laba-kacleyn karto hitaaqadii, riiq-dii, dil-dilaacii, qeyb-sanaantii, xanaftii iyo qabyaaladii sibiq-dhaqaaqdey ee ay reebtey Doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee wadanka ka dhacey 28/11/12 ee ku dhamaatey sidii xaq-dara, xajiinta iyo xaaraanta aheyd kadib markii ay xukuumadu af-duunbtey codkii, rabitaankii iyo ilaadadii shacabkii somaliland.ee xaqa-u-lahaa in ay codkooda si -xor, -xaq iyo xalaal ah ay ugu doortaan cidii ay rabaan.



Waxay Mujaahidiintu arkeen hawl-wadeenadii xukuumada qaar ka mid ah oo aan markoodii horeba qaadi kareyn xilalkii qoorta loo sudhey oo hadana ka baxey xeyn-daabkii shaqadooda oo taraarey oo is-dalacsiiyey oo u-baahan in lagu soo dabaalo sharciga iyo tobiyaha toosan.Waxay arkeen xaq-daradii,eexdii, is-kooxeysigii, qabyaaladii, qaraabo-kiilkii oo ay intiiba duluca furatey taas oo keentey in fursadaha yar ee shaqo ee soo baxa lagu shaqaaleeyo dad aan kala garaneyn sharciga qaranka, hantida qaranka iyo awooda qaranka iyada oo xaq-daro baahsan lagu sameeyey hal-doorkii dhalinyarada ee Merit-ka Jaamacadaha wadanka kaga qalin-jebiyey.- Waxay mujaahidiintu arkeen in xukuumada awrkii dhiiluhu u-saarnaa in uu dhinac-uun ka sii rarmaayo oo uu dheeli, wabax-taraar,doog-dhabasho,doogin carar, ku-raad-gadasho,ku-fool-dhaqasho, sas iyo sakati uun uu maanta ku sugan yahay oo ka bixi layahay.



Waxay arkeen oo ummadiina la aragtaa in is-xisaabintii iyo xil-gudashadii ay meesha ka baxeen kadib markii ay xukuumadii meel isugu keentey xeer-dejintii,wakiiiladii,guurtidii iyo xisbiyadii taas oo intiiba ay isku noqdeen hal-xisbi oo is-xanbaar is-barkan ah oo ay ka dhexeeyaan dano ganacsi oo iyaga uun-u-gaar ah oo aan shacabkii doortey aan anfacaad u-laheyn.Taas oo meesha ka saartey kefedii miisaankii dawladnimo , is-kormeerkii iyo is-dabo galkii iyo shakaalkii qaranimo, karaamadii, higsigii, habsami-u-socodkii iyo hawlihii dawladnimona ay ku ragaadeen gacmihii lagu aaminey ee u-dhaartey ee loo doortey- Waxa ay Mujaahidiintu arkeen oo aqoonyahankiina la arkeen in dhamaan habsami u-socodkii hawlihii qaranku, hadey noqoto wasaarad/ wakaalad ama hayad ay dhamaan wada marin habaabsan yihiin ku waas oo aan ku jaheysneyn qorshe-hawleedayadii shanta sanadood ahaa ( Somaliland National 5 year Development Plan ) qorshayaashaa oo waqti badan iyo lacag badan lagu fadhiisiyey laakiin khasaare noqdey maa-daama habka ay hada wax-u-socdaan aanu laheyn saadaal, hilaad, hadaf, higsasho, odoros , yool iyo qorshe loo raaco aan intaaba laheyn.



Waxay Mujaahidiintu arkeen Cadaalad daradii oo xadka dhaaftey oo xadhkaha goosatey oo aan ilaa iyo go´aamadii maxkamadaha wadanka aan la fulineyn, Hantidii ummadda ka dhaxeysey oo kolba xawaaladaha dhinac loogu shubanaayo oo lagu-tagri falaayo oo awoodii dawladnimo loo isticmaalaayo oo lagu kala qaybinayo oo lagu kala iibsanaayo midnimadii ummadda iyo golayaashii qaranka, iyo xisbiyadii mucaaridka, dhulkii danta guud ahaa iyo cuqaashii iyo suldaanadii beelihii walaalaha ahaa ee Somaliland oo iyagana la isku kar-baashaayo oo la isku mash-quulinaayo. Waxay Mujaahidiintu arkeen in Xukuumadii ay jebisey oo baal-martey sharciyadii iyo xeerarkii wadanka u-yaaley bal-hada eega qodobadan iyo xeerarka ay dhawaan dubaha la dhacdey iyada oo aan hareerahaba iska eegin waxay ku dur-durisey kuna dhaba-bacaysey: Qodobka 39-aad dastuurka qaranka,Qodobka 42-aad faraqiisa 3-aad ee dastuurka. Qodobka 8-aad faraqiisa 1-aad, ee dastuurka qaranka .Qodobka 129 -aad, Xeer Lr 17. ee dastuurka qaranka .Xeer Lr 23 qodobkiisa 34-aad faraqiisa 10-aad ee is-mamulka iyo maa-mul-daa-dejinta dawladaha hoose.



Guntii iyo gebagebadii qormadan waxaan dhamaan, aqoonyahanka, wax-garadka, culi-maa-udi inka, Cuqaasha, Salaadiinta, boqorada, haweenka, dhalinyarada iyo dhamaan muwaadi-niinta reer Somaliland laga codsanayaa in ay taa-geeraan oo soo dhaweeyaan Mujaahidiintaa ku dha w aaqey 10/7/13 Gudida Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland si loo helo midnimo qa ran loona soo celiyo shakaalkii u-dhaxeeyey sadexdii dhar-dhaar ee ay ku fadhidey dawladnima da iyo qaranimada Somaliland. waxaana taa ku jirta danta guud ee Somaliland.



Alleh ayaa Mahada Leh,

Wa-laahum-Aclum. wa-bilaahi-towfiiq


A/rahman fidhinle
Intensive Ed-PA
United Kingdom
London