BAAQ TAAGEERO AH HESHIISKII XISBIYADA MUCAARIDKA AH IYO MADASHA WADA TASHIGA

 


Waxaanu soo dhawaynaynaa shirkii Aayo kata shiga ee 10/8/14 ay labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid iyo madasha wada tashigu ay goaano wada jira ah ka soo saareen maraxada dalku maanta marayo,doorshooyinka fooda inagu soo haya iyo sida xukuumada kulmiye ugu fashilan tay hanashada amaanka dalka oo halkii abid ugu xumayd maanta maraya. Waxa arinkaa si cad uga marag kacaya dadkii qurbaha ka tegay oo wali go,doon ku jira oo meenal u bixi Karin,kadib markii dawladaha jaarku ee Jabouti, Itoobiya iyo maamul goboleedka Putland ay xidheen xadadka ay la wadaagaan Somaliland. iyo xil gudasho la’aanta xukuumada maant dalka ka talisa oo wali habkii iyo nidaamkii doorasho u dhici lahayd aan haabkeeda haynin.Sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in xukuumadu ay hanan kari wayday madaxdii dalka ku soo tacabtay ee magaca weyne iyo sharafta ku lahaa kana mid ahaa ragii dhidibada u taagay gooni isu taaga dalka Somaliland sida Ahmed Abdi Xaabsade, Fuaad Aadan Cade, iyo ciidamadii qaranka Somaliland oo sii qulqulaya dhul shisheeye, kuwo kalena la filaayo inay ku daba jiraan. ka . Halka xukuumadu ay ku mashquul tahay dabinada iyagu gudahooda isku dhigayaan burburka dhexyaala iyo cabudhinta saxaafada,iyo iska indho saabka dhibaatooyinka waawayn ee dalka hadheeyay.


Haddaba hadaanu nahay Xisbiga Waddani UK iyo dhamaan taageerayasha Xisbiga Waddani UK waxaanu si buuxda u garab taaganahay una soo dhawaynaynaa go’aankii iyo qodobadii ka soo baxay shirkaas ee ay qalinka ku wada duugeen labada Xisbi ee Waddani iyo Ucid iyo Madasha wada Tashiga oo si kal sooni , niyda wanaag , wadan jacay, iyo dhawrista distoorka iyo shuruucda dalka u yaala u wada gudoonsadeen go’aankaasi oo aynu kawada dhegsanahay siduu u dhacay.


ALLAA MAGAD LEH

MAHDI JAMA ROBLE
Gudoomiye ku xigeenka 3aad ee Wadani UK