BAAQ KU WAJAHAN BEESHA MADAXWEYNAHA

 


Waa mid aan ka meereystay aan se ka maarmi waayey. Ma ihi qabiil oo dhaliisha uma kala so oco madaxda sida dadka qaarkii, waxa se muuqaata inaynu marayno marxalad u baahan in in ta badan ee aamusani hawl gasho. Beelweynta Habar Jeclo oo ah tiir dhexaadii halganka SNM ahna beel dirir iyo dadnimo leh, waxa maanta saaran masuuliyad ay intooda badani ka aamus an yihiin. Masuuliyadaasi ma aha mid meel kale ka jirta ee waa inay intooda yar ee xumaanta dalka ka wada iyagana magaca ka dilaaya ay runta u sheegaan. Aaamuskoodu waxuu dhiiri gelinayaa inta yar ee dalka haadaanta ku rideysa. Ka hadla oo ka qabta.

Oo kolka mucaarid hadlo ee dhaliil run ah la sheego inta soo boodaysa ee gardarada indhah taagayraysa nala qabta. Dalka beeli keli uma laha, dhibta iyo kheyrkuba wuu ina wada gaad hi, inta isku koobta ee boobta dalka wey leeyihiin beel walba, waxa se muuqata in seddex wa siir oo noqday lama taabtaan ay maanta dalka ku haystaan awood ka badan tan Wasiirka w axay heleen taageero Madaxweyne oon xad lahayn, iyana odayga umey tudhin ee wey qaaw iyeen. Beeshu ha u xidho marada oo ceebta ha ka qabato.

Waxaan bogaadin u dirayaa inta yar ee xaqqa ku hadasha ee beesha ka tirsan dhib gaar ah na lagu hayo. Waa aqoonyahan Jiir oo xabsiga ugu jira sifo reernimo, waa Agaasimihii hore ee Arrimaha Debedda Maxamuud Raage ooynu ognay dhibta ka soo gaadhay fariimihii uu inoo so o gudbiyey, waxaynu ogayn dhibta haysatay Marxuum Axmed Rooraaye, waxayn ognay sida Ganacsigii Ina Xarbi loo carqaladeeyey. Haddaba intaa majaalista iyo websiteyada hiilka naca snimo wada aynu dhammaan iska aragno, oo intiina aamusan oo aad uga badani ha ka hawl gasho.

Yeynaan gaadhin heerkii xumaa ee Ina Siyaad iyo Mareexaan. Seddexdan nin wey gaadheen iyagu oo cid waxba iskagama tirinayaan, Madaxweynaheenu Alle ha shaafiyee wuu gaadhay heerkii itaalka darnaa ee Ina Barre. Waxa keliya een ku badbaadnay waa Beesha oo badan koodu diidan inay garabsadaan dulmiga. Waayo Habar Jeclo ma aha Mareexaan, waa dad is qabta oo qaladka aan isku raacin. Taas waa in beesdhu muujisaa.

Seddexda Wasiir aan timaano..

1) Waa Xirsi..oo awooddii dawladnimo afduubtay. Waxuu maan ta oo keliya la shir yimid cash uur ka baxsan Maaliyadda oo isagu toos ugu dhacaysa, iyadoon tartan iyo qandaraas la mari na intaanu lacagtiiba helin bixiywey qandaraaskii oo siiyey Cuma ani, waa wiilkii Madaxweyna hu adeerka u yahay ee Madaarka inaga kharibey.

2) Waa ninka qabka iyo kibirku dilay ee cirka eega ee dhammaan intiina taqaan iyo intiina la m acaamishay garanayso madax adeeiisa... Waa Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi.. cid wabx a iskama tiriyo, qaladkoo galo kama soo noqdo waa keligii saxane aan masuuliyad qaadi karin. Maanta waxba leydiinkama sheegaayo dhaca iyo khasaaraha inaga soo gaadhay madaarka Hargeysa.

3) Kan Seddexaad waa Wasiirka Macdanata Xuseen Guray oo ah nin dalxiis badan oo keligii s haqaysta ah, aamusan si aan loo fahmin qaladkiisa, is qariya oo tol iyo shacbiba ka qarsoon. Waxa kashifmay sida uu u maamulay kheyraadka dalka ee uu ula sexeeday heshiiso qarsoon oo ka baxsan nidaam dawladeed. Waxa aynu ku baraarygnay dhibta bulshada dhexmartay mashruuca Genel ee ka bilaabmay carada beesha Habar JEclo. Ninka fooda isu galiyey beeshi isa kan han weyn inuu xataa kala dhex galo oo inta dhibtu taagnaydba dalxiis ku maqnaa iyo tamashle, inama dhaqi karo aan iska qabano.

Beeshu ka weyn kana qiimo badan dhowr nin oo xumaan caadaystay reer walibana wuu leeya hay intaas, waxa keli idinka dhigay waa caado Soomali oo Madxweynha ayaad nooga dhowdih iin, waana xil dhaqan ee qaata oo arrimahan ha ka aamusin ee ka gelgisha una horseeda Soo maliland iyo beelaha kale arrin ay idinku daydaan.

Walaahi xumaanta ay falaan wey inagu wada dhacaysaa, wanaaguna waa inoo siman yahay. Wxa wanaagsan iyo cadaalad ayaa u dan ah beelweynta Habar Jeclo iyo beelaha kaleba.

Maanta waxaan idiinku baaqayaa inaydun u guntataan si ka culus sidii hore oo odayaal, aqoo nyahan, salaadiin iyo dhalinyaraba aamuska ka baxdaan ood joojisaan kiuwa weerarka ku ha ya cideda xukuumadda dhaliisha, si cadna uga hadashaan dhibta ina wada haysata ee sedde xdan Wasiir ay hormoodka ka yihiin.

Wallaahi reer ahaan nimankaas iyo qayrkoodna uma necbi iyo qof ahaantoodaba. Waxaan ku diidey dhaqankooda ku dhisan kibirka iyo dhaca. Waaanad ka dheregsantiin falalkooda ioyo arrimaha hadda taagan. Waxaan idiin soo bandhigi doono qormooyin kooban oo nin walba idin tusa qaladkiisa aynaan qaadi karin.

Madaxweyne waan kuu duceeya ee Alle ha ku tuso beesha Habar Jeclo inta wanaaga kula je el ee xumaanta kaaga digta, inta khiyaamada kugula socotana iska jir. Maqal akhyaarta ree rka waa taqaan oo nin weyn ayaad tahay, iskana jir reer walba afmiinshaarka iyo danaystah a..
 

 

 

 

Cabdi Xaji Axmed